Kalsoonida uu ku soo hor istaagay iyo awoodda uu ku istaajiyey naftii aanan u baran dariiq istaagga. Dhumay oo aan lahayn geedo dhaadheer kala qariya bulsha waynta deggan, toos baa loo la socday arrintii Saafi iyo Siciid dhexmartay. Nuxnux hoose iyo guux baa dhalinyaradii ka dhex istaadhmay.
“Gabadhii wiil baa helay alleylehe, galab waxay wiil ka dhaqaaqday baa maanta iyada laga dhaqaajiyey. Tallow muxuu ku yidhi….? ” ayey sheeko ka dhigteen galabtii ilaa cawaysimkii.
Saafi Ciid sida ay bulshada ay la nooshahay uga dhex tilmaamman tahay, ayey gaadhay heer markii aroosyada laga ciyaarayo, gabdhaha arooska ka dhex boodaya lagu dhaho,
Seenyoo saddexan ma tihide
Sixin guga la lulay ma tihide
Saafi ina ciid ma tihide
Suufka ha iska kala goyn
Ammaanta badan ee Saafi Ciid lagu muunadeeyo baa Siciid dhagaha ka buuxisay.Isaga oo raba ayuu misna qab is galiyey. Saciid maadaama uu arday magaalo ahaa oo nadiif ah, haddan uu ku yiri murti lid ku ah, waligeedna aan lagu oran in la aammano mooyee, way qaadan kari wayday waxayna ku beertay raad gucasho. Waxayna qalbigeeda ku tiri tallow dib maad u arki doontaa ?
Saddex cisho ka dib, Siciid waa soo raadiyay isagoo wareeg soo sameeyay oo reerkii saafi ka dhalatay kor kaga yimid, balse dhexday iska heleen inan kale oo ay is muuq yaqaannaan isna magac aqoon. Way isku raad darsadeen iyadoo nin waliba meeshuu u sacodo ka kale ogayn, waxay la kulmeen Saafi iyo ina aadeerteed, ah na saaxiibadeed Caasha iyagoo fadhiya kanbalka guriga; meel aad u qurux badan oo ay ku yaallo doog hadda soo bax ah.
Wiilkii ay waddada iskaga soo cag dareen baa durbaba salaan aad moodid ka gaadhsiis gabdhihii ku halgaaday.
” Nabad ma sheegteen gabdhow”, ayuu ka hor yidhi Siciid.
Caasha oo markaa ka sokaysay Saafi baa ugu jawaabtay,
“Nabad iyo naruuro weeye walaal”.
Waa la is sheeko fahmay, in cabbaar ah na waa la wada kaftamay. Hase yeeshe, siciid oo aan u bogin sida ay wax u socdaan baa, saluugay hadalka kobta uu ka bilaabay iyo meesha uu marinaayo.Saafi oo show la mid ah Siciid, sheekaduna ku socon baa wiilkii sheekaynayey ku tidhi,
‘Saaxiibkaa ma hadlo miyaa?”
Dabcan, way garatay markaa inuu yahay ninkii ku muday qodaxda saddex cisho ka hor.
Siciid oo garwaaqsaday in isaga loo dan leeyahay, baa yiri maya ee waan hadlaaye, waxaan idin iri:
“Hablayahow halkii sharaf lahaa ma aydin haysaane
Haasaawihiyo guurku way kala horeeyaane
Annagoo habaas taagan baad nala hadlaysaane
Hore nooga mar meel xunbaad nagu horjoogtaane.
Caashaa ayaa tiri iyada oo qoslaysa ”
“walaalow meeshu waa gogol madoonto oo anaba waan fadhinaaye, maad iska fadhiisataan?”
Wuxuu yiri siciid:
“Hablayohow haddaan socod ku nimid sabada reerkiina
Waa inaydin sare joogsataan nana salaantaane
Waa inad gobbaa lala socdaa nagu sintaan meele
Salladaale iyo waa inaad suudhi gogoshaane
Sidaan doonaynana waa inaad say ka noqotaane”.
Caasha aad bay ugu qososhay Siciid, meerisyada kaftanka ah ee uu kolba ku tuurayo. Yaabbad leedahay wiilyahow alleylehe.
Saafi baa tiri
“nin kan kama lug baxayno ee inna kiciya guriga aynu tagno ee.”
Aqalkii gaarka u ahaa Saafi ayey ku soo dhaweeyeen Siciid. Saafi aqalkeeda iyo sida uu u binaysan yahay bilicdiisa, iyo gogosha taal quruxdeeda baa Siciid judhii ba lagu beerqaaday. Dahada aqalka oo ay tiirsanaayeen harar baarka loo tidcay iyo kuwo aan weli farta laga qaadin baa ay ku tiir tiirsanaayeen.Waxaa isku beegnaa Siciid iyo Saafi, iyada oo hararkii qabyada ahaa dacal u fidisay, iyadna dacalka kale kaga fadhiday. Sheeko waa hasaawe iyo shubkax. Haddii ba in badan la is xog dhaafsaday, kor iyo hoos ba, Saafi iyo Siciid waxa ay ku ballameen, caawo fiidkii in la isu yimaaddo. Waana la is nabadgalyeeyay, isaga oo leh
“caawo sanqadhii baxdaa waa aniga ee la soco.”
Qore: YAXYE YAASIIN XASAN
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply