GOCASHO!

Dacwo baan ahay. Dulmane baan ahay, xaqiisa la duudsiiyey. Dhallaan la dayacay baan ahay. Da’yar la xooraan ahay. Dawarsade shisheyaan ahay. Damane hurdaan ahay. Dal iyo dadkiis ma gartaan ahay. Qarankaa dhaacawaa ninka harsadaan ahay. NASIIB XUMIYAA!

 

Haddii uu weli qarankii dhaawac yahay. Dadkii ay kala uur guureen. Haddii ay weli dadyaw badan (caamo iyo caalim) ay aaminsanyihiin in darajada qabiilka dadku ku kala sari mari karo ayada oo aan loo eegin karti, aqoon iyo garasho. Mar haddii xilalka lagu qeybsado qaab ku dhisan beel beel, oo ka baxsan sharcidda iyo qawaaniinta caalamiga ah. Haddii ay dhallinyaradii dalka ukala adeegayaan firqooyin diimeed iyo ururo siyaasadeed aan waxba dan ah u wadin dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mar haddii dunida u midoweyso dal dal si ay quwad aan la loodinkarin u noqdaan, laakiin annagu aynu usii kala go’ go eyno gobol gobol. Mar haddii uu weli shaqeynayo qorshaha qasaare ee foor-boynti-fayf (4.5) oo aan aaminsanahay in uu ahaa qorshe lagu soo mooday, waqtigiisuna dhammaaday, se aan hadda wax boos ah kaga banaanayn dhismaha qaranka iyo federaalka aan feker habboon iyo faham caqliyeysan aan ku dhisnayn, ee ayada oo aan loo fiirin in uu waafaqayo dhaqanka, diinta iyo dabeecadda Soomaaliyeed la qaatay. Mar haddii afkii, sugaantii iyo dhaqankii laga tagay, loona qaatay dib u dhac iyo wax aan boos kaga baanaanayn ilbaxnimada adduunka. Qabkii umadnimo ee Soomaalida caan ku ahaydna la’iska xooray, ee dadkii oo idil noqdeen dawarsadayaal aan xishoon. Haddii shaqada shaxaadka laga door biday. Qaran qabiil laga door biday. Sharafkii sharf xumo laga doortay. Tacab tuugsi lagu beddelay. Haddii Meletarigii quwadda weynee LIBAAX YADII AFRIKA berri loo aqoon jiray lagu beddelay mooryaan aan dhismo qarameed iyo heybad ciidanimo ka muuqan. Haddii caqiiddo shaqeysa iyo hammi qarameedkii lagu beddelay caadifad qabiil iyo han hooseeya. Haddii wadajirkii tafaraaruq beddelay. Haddii xalaal quutanimo lagu beddelay xaraan ku naaxnimo. Haddii guri walba oo Soomaliyeed laga cuno Bariis caag ah, Baasto iyo Caano boore dhacay, ayada oo loo qaatay liidasho iyo faqiirnimo, in Masago Macsaro lagu gosaaray, Digir iyo Soor caano qabaw lagu daray la cuno. Haddii dalagii beeraha iyo tacabkii dhulka la deyriyay oo loo hanqal taagay badar warshad lasoo mariyey iyo caano gasac lagu sajilay.

 

Mar haddii bad iyo berriba dalka ka furan yahay oo aynaan jidhin cid ilaalisa. Haddii badaheenu iska daldalanayaan maraakiibta shisheeye ayada oo aan wax fasax ah loo qabin. Haddii waxbrashadii dalka liidato, oo aysan jidhin manhad tayeysan oo dalka oo idil ka shaqeeyo, kuna baxo AFKA HOOYO, oo ah astaanta ummadda Soomaaliyeed. Haddii amniga malaayiin qofood halis ku jidho, ayaga oo mar walba fisha dhimasho iyo gumaad aysan mudan. Haddii xorriyadii hadalka weli maqan tahay oo aysan jidhin cid dalka dhexdiisa si qayaxan ugu cabbiri kara arigtidiisa. Mar haddii dadku kala aamin baxay oo uurka ummadda Soomaaliyeed kala irdhoobay, ayada oo uusan jidhin qof qof kale aaminaya. Mar haddii dhaqankii is dhex galka, xurmeynta maatida iyo xaq dhawrka ood-wadaagta laga tagay, oo darisku yihiin kuwa kala tabayanay dhibaatooyinka ugu badan. Mar haddii sodon sano kaddib, aysan jidhin urur ama koox u dhaqaaqday danta dadka, dalka iyo diinta oo is beddel hanna qaaday dhalisa. Haddii dalku kala xidh xidhan yahan, dowlad dhaxe oo awood lehna aysan jidhin. Haddii caafimaadka iyo waxbarashada oo kamid ah aasaaskaa jiritaanka ummadda ay ugu liitaan, loona beddelay mashruuc lagu shaqeysto maalna lagu abuuro. Haddii dhimashadu xad dhaaf tahay, ayada oon la ogeyn sababta qofka u dhintay iyo sida xal loogu raadin karo dadka ka dambeeya. Mar haddii 2020 cudurka KADUUDIYE uu fara ba’an ku haayo ummadda ayada oo aysna jidhin cid garaneysa daawadiisa, waxa sababa iyo aqoon yahanno isku xil saara baaritaankiisa. Mar haddii magacyadii macnaha iyo milgaha ku fadhay ee Soomaaliyaad laga faanay, oo magacyada qoomiyadda Soomaaliyeed oo dhan lagu soo koobay kuwa carabta laga keenay iyo kuwa reer galbeedka oo waayadaan inagu soo badanaya. Haddii wax walba oo aan lahayn la inoo xumeeyey. Haddii gabadha qaan gaadhka ah ee Soomaaliyeed ay maanta ka fekereyso sida ay ku heli lahayd kaliya maro ay xirato iyo mayk-ab (makeup) ay marsato, wiilkana ka fekerayo sida uu Foolbuuga kaga heli lahaa LIKE badan. Haddii dharkiii, cuntadii, afkii iyo dhaqankii aan lahayn la xooray, oo waxkaleba iska daaye maalinta guurka aynaan lagu cunin cuntadena laguna xedhan dharkeenna! Waa yaabe xaggee loo socdaa? Ma safar jaho laay ah baa? Ma Sahankii geerida baa? Mise waa socdaalkii aakhiro?!

 

Dadka oo idil maskax ayaa laga gumeystay, waxaana laga dhaadhiciyey in aysan ayagu waxba ahayn beesha caalamka la’aantood, waana sabbata Hooyada maskiinta ah ee kaamka ku dhibaateysan ugu qeylineyso beesha caalamka gargaar ha inala soo gaarto!

 

Aaway haweenkii, culumadii, dhallinyaradii, aqoon yahannadii iyo oday dhaqamedkii dalkaan? Ma garaneysaa halka ay u carabeen? Anaa kuu shegayaa iga dhawr; haweenka laba ayuu u qeybsameen qolo joogtay burburka ka hor iyo qolo kale oo dhalatay burburka kaddib, qolada hore abaal bay dalkan u galeen, kolka dowladdi duntayna sida ay qoysaska u samta bixin lahayeen beey isku dayeen, laakiin qolada kale waxaa shaqo looga dhigay jirkooda, dhax yarayn, sunniyo gaduudsi iyo mayk-ab (makeup) marsi ayey ka dhammaan la’yihiin, badankood war iyo wacaal uma hayaan waayihii lasoo maray iyo xaaladda waqtigaan.

Culimaduna laba ayey u qeybsameen, qolo dadka salaadda, soonka iyo sadaqada farta oo aan masjidka soo dhaafin hadalkooda, wardiga iyo waxsheegana kaga gaabsaday intaas iyo qolo ka fatwoota wax walba oo la dhiso, laakiin aan ayaga waxba dhisin nasiib xumo 30 sano uu dalka sariirta maydka saaran yahay lama haayo koox waddaado ah oo isku tagay jiho iyo tub toosan baan wadnaaye dalka halagu hagana leh, haddii laga reebo lixdii biloode jannada ee MAXAAKIINTA, wallaw qorshe xume iyo fudeyd markii dambe u burburtay.

Dhallinyarada iyana laba qeybood beey u kala dhantaalmeen, koox tahriibta oo dalka ka rajo dhigay, silac iyo saxariirna u mara sida ay mar uun dalkaan kaga hayaami lahayeen. Kuwaas inyar moyee intoodo badan badaha bay ku la’deen kuwana xabsiyada waaweyn ee adduunka baay ku cabeesan yihiin dowlad awood leh oo soo daysa ma qabaane, halkaas baa sida dugaaga loogu hayaa intooda yareyd ee badbaadayna dhaqan xumo iyo quursi baay la yimideen oo dadkiiba waa iska weyn yihiin! Qole kale waxa ay safka kula jiraan oo ku adeegta siyaasiyiin damiir laawayaal ah iyo ururo dimeedyo mid kastaba fekerkiisa kala weyntahay dhismaha qaranka. Waa naasiibdarro in 77 sano kadib aasaaskii SYL uusan dalka ka taaba galin dhaqdhaqaaq dhallinyaro oo dhab ka hadal iyo daacadnimo ku dhisan yahay. Waxa ayna ceeb ku tahay jiilashii kala dambeeyey ee dalka soo maray. Aqoonyahannadii iyagaba laba beey ukala dhantalmeen, qolo marka ay fahmi wayeen meesha loo socda, waxsheeg iyo waanana laga qaadan waayey rajo dhigay oo ka quustay dhismaha qarankaan dalalka shisheeyaha iyo jaamacadaha adduunkana wax ka dhigay iyo qolo shaar siyaasadeesan xidhatay oo boobka iyo dhaca qeyb ka noqday. Oday dhaqamed yadiina, markii la beddelay qaabkii qurxonaa ee lagu dooran jidhay iyo dhaqankii ay ku fadheen, waa ay macno beleen. Maalin walbana oday duub leh oo ugaasnimo sheeganaya baan aragnaa, xilkasnimo, xeer aqoon iyo garaadka sare ee Eebbe u dhiibay baa lagu dooran jiray, haddase oday walba jufadiisa buu isku caleemo saaray, ayagana sidaas baay ku macno beleen.

 

Bal kawarran, toban ilaa soddon jirada dhallinyarada ah ee aan weligood arag dalkood oo leh dowlad quwad leh iyo Melitari awood leh? Qarniga labaatan iyo koowaad, bal kawarran dadka aan lahayn qaran dhisan oo leh qaabka qaramada adduunka? Soddon sano ka dib, maskaxda SOOMAALIYEED miyeey curin la’dahay fekrad taaba gal ah oo qarankaan dhaawaca lagu soo nooleenayo? Maskaxkii miyaa gurtay? Mise hablihii halyeeyada inoo dhallin jiray baa dhalmo gooyey? Halkee loo socdaa? Maxaa hadhay? Rubuc qarni iyo qaxaa? Qurubuc qarni iyo qaran mideeysan la’aantiis baa? Fowdada iyo dhibka miyaa la inoo qoray? Mise annaga baa isku dhignay? Halkee bahashu ka qaldan tahay? Intaas dad baara oo u istaaga ka dhabeyntooda mala waayey? Koloba ma cawaqn beeynu nahay, oo miyaan u qalmin nolol midaan dhaanta? FAJAC IYO FOOLXUMO!

 

 

Waxa aan ku noolahay dal yar oo ku yaala geyska Afrika. Dal lagu tijaabiyo fekrad walba oo dunida ka suurti geli weysay. Dal qeyraadka ku jidha darteed ay dunida isku dileyso, laakiin dadkooda ka baahan yahay. Dal ay jogaan basaasiinta dunida ugu waaweyn iyo kaadiriinta shisheeyaha u adeegta. Anigu waxba ma doorto ee waa la ii so doraa. Anigu waxba na amro ee waa lay amraa. Madaxdeyda amark ay i siyaan, waa losoo dhibaa. In aan lixdankii xor noqonay baa la shegaa, laakiin ma sidaan baa xorriyadu? Bal kawarran haddii ay noolaan lahayeen saddex iyo tobankii dhallinyaro ee SYL, alla tolow maxay dareemi lahayeen? Dalkii ay usoo dhinteen ma sidaan buu u yaal? Soomaalidii ma sidaan bay u dayac daran tahay? Dowlad isku sheeg iyo maamul goboleedyo loogu tala galay holcinta dabka ayaa la inoo abuuray, kolkaas bay na lee yihiin dowladiinna! Mee dowladdu? Labaatan sano ka hor baa labilaabay dhismaha dowladnimo ee Somaliyee, maxaa haysta? Waa taase maay dhaqaaqdo? Xattaa maay bixis9 adeegyada aasaasiga au ee dowladnimada. Weligaa ma aragtay qof afarta addin ka xidhan oo la rabo in uu ku gueysto tartarka orodka? Dee waa sidaa, shisheeyaha ayaa ina dabra, annaguna dabarka baan isku celinaa.

 

Miyaan dadkeennu u qalmin nolosha ay haystaan Canadian-ka iyo kuwa American-ka ah? Ma annaga ayaa ka liidano? Ma dadkeyga baa dadkooda ka xun? Ma isku adduun baanan joogin? Ma garaadka ay ku dhistaan baanan lahayn? Ma dad iyo daanyeer baan kala nahay mise caamo iyo caalimiin?

Waxbaa hagaagaya baay ku hayaaan, maxaa hagaagaya? Geeddi socodoka dib u dhalashada dowladda Soomaaliya, labaatan sano buu sii dhafayaa kolka shirkii Carta laga soo bilaabo, markaa labaatan sano maxaa qabsoomay? Waqtiga intaa la eg iyo hawsha la qabtay ma isku qalmaan? Kolaba kama qoomameynayo in aan ka dhashay ummadda hadalka, ummadda suugaanta, dalka qaniga ah iyo mandaqadda barakeysan ee dalkeeyga. Soomaalinimadeyda waxba shaki, walwal iyo walaac iigama jidho, waan ku faraxsanahay ahaanshiyaha Soomaali iyo u dhalashada dalka barwaaqada dhex cegaagta. Laakiin, waxa aan ka walwalayo waa hurdada dadkeyga, damiir la’aanta siyaasiyiinta iyo dareen beelka dhallinyaradeyda.

 

Waxba gocashady yeeysan illa dheraane, waxaan afmeer kaga dhigayaa, tuducyo kamid ah tix qiima badan uu Eebbe naxaristii janno hasiyee Cabdulqaadir Xirsi Siyaad “YAMYAM” tiriyey:

 

Halgankii midnimadiyo raggii calanka soo muday aan barooranee mee?

Mataaneenta qarankiyo haddii magacii naga lumay maxay noloshu noo tahay, koleey mowdku waa gare nafta ma isku asnaa?

 

 

W/Q:- Cabdikariin Shardi

shardi424@gmail.com

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply