Markii diinta islaamku soo dagtay wax yaabihii u horeeyay ee ay la dagaalantay waxaa ka mid ahaa, kala saraynta, faquuqa, isla weynida, quursiga, oo rasuulku wuxuu yiri, : “يا أيها الناس إن ربكم واحد، لا فضل لعربي على عجميّ، ولا لعجميّ على عربيّ، ولا لأبيض على أسود، ولا لأسود على أبيض إلا بالتقوى، الناس من آدم، وآدم من تراب, si gaaban, cid cid ka fiican ama ka saraysa maleh.
Waxaan inyar ka daawaday dood qabiil quursiga looga hadlayo oo gabari leedahay, aabay sidee ragga ula sheegaysan hadii aan qabiil nasab dhiman lagu sheego guursado, kaligeed maahine dad badan ayaa maartaas uurka u jeefitaa.
وَلَقَدْ خَلَقْنَاكُمْ ثُمَّ صَوَّرْنَاكُمْ ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ لَمْ يَكُن مِّنَ السَّاجِدِينَ – قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسْجُدَ إِذْ أَمَرْتُكَ ۖ قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ” (سورة الأعراف آية 11-12).
Ibliiska waxa nacalad alle ugu dhacday waa uun kibirka ku jiray iyo isla weynida, iyo aadan oo dhoobo laga abuuray miyaan u sujuudi, bal ka warama qofkii aayadaan iska dhaga tira oo sidii ibliiskii u dhaqma, oo yiraahda aniga qof ila baqbiil hooseeya ilama simi karo?
Qofkii diida oo ka hor yimaada aayada وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِىٓ ءَادَمَ, oo yiraahda kuwa aan karaamo lahayn ayaa ku jira bani aadamka, ama xadiiska kor ku xusan yiraahda wax ka jira maleh, muxuu idiila muuqan karaa?
يا أيها الناس إنا خلقناكم من ذكر وأنثى وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا ۚ إن أكرمكم عند الله أتقاكم ۚ إن الله عليم خبير qof qof ka nasab wanaagsan maleh, mid mid ka fiican maleh, ee waxaa qabiil iyo shucuub la idinka dhigay in la isku aqoonsado, oo kan idin kugu wanaagsan uu yahay kan ilaahay ugu baqdinta badan, ka warama qofkii yiraahda, aayadaan sax maahan? waxaas ilaahay sheegayna wax soconaya maahan, sidee baan loo kala nasabsanayn,
a aah, astaaqfulaah iyo ninku waa danbaabay ha la soo boodin, quursiga hadda soomaali inta badan ku dhaqanto sow ka hor imaan mayo quraanka? Sow wixii ilaahay naga xaaraantimeeyay maaha? Maxay dhaantaa marka anaga oo niri, warka ilaahay mid soconaya maahan, ee anagaa saxsan, waxaad wadaan waa takoorku waa xaaraan, ilaahayna waa noo diiday, lkn waan ku dhaqmayna, warkaas mid is qabanaya maahan, labada dhinac waa in mid aad gashaa.
Firccon kibirkiisa iyo isla weyndiisa weeye waxa naarta iyo alle nacaladiis u soo hoyay, dad aniga iyo cidayda ayaa u fiican ayuu dhibkiisii u weynaa ahaa, taasna ay gaarsiisay markii danbe in uu ilaah sheegto, bal kawarama qofkii sidii fircoon u dhaqma oo yiraahda beeshayda ayaa beeshaada ka saraysa?
Tobonnaan aayadood oo qabiil quursiga iyo dad quursiga diidaya ayaa
quraanka ku jira, bal ka waram qofkii iska dhaga tira oo tiisu u cadahay, sow maahan qof soo istaagay ilaahay anaa ka saxsan? Ma labaad astaaqfurulaah ha la soo boodin, lama wada saxsanaan karo, ilaah baana saxsan waad ogtahay, ee waad inkiraysaa.
Qofka in uu ilaah ka horyimaado jidaystay, ibliis muxuu dhaamaa? Diin caynkee haystaa qofkaas? Yaase ilaah u ah, ma kan uu warkiisa diiday?
Yaabku waxaa weeye, nin gabadhiisa ama wiilkiisa u diiday qof muslin ah, oo leh ma geeyo, gaalna u guurinaya oo waliba ku faraxsan, waalidkaas sow islaanimada meel danbe kagama jiro, haddii uusan ka dhicinba.
buugga aan qoray ee dhibbanaha dhex jooga, waxaa ku jirtay, nin gabadhiisa u ogolaaday in ay isguursadaan wiil dadka la takooro u dhashay, ninkii qabiilkiisii oo dhan ayaa ku kacay, macaa culumadii diinta, dooda markii loo fadhiyay wuxuu yiri
“in yar oo dadnima ah ama alle ka cabsi ah qof ay ku jirtaan ma sameeyeen waxaad igula talinaysaan, dadna kuma waaniyeen, aan dib isugu noqonno, ifka iyo aakhiro kala badan, dadka dulmiga ha laga daayo, kuwaa gabdhahooda gaalo qabto ayaa jira oo beesha ah oo markay yimaadaan fadhiga looga kaco oo istaag lagu salaamo, weynaysiin la weynaynayo darteed, waayo gabadhiisa ayaa gaal qabaa, kii muslinka ahaa oo Soomaaliga nala ahaana gabdhaheenna ma geeyo ayaad leedihiin oo guurkiisu waa xaaraan, war ma anigaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa? intiinaas oo odayaal ah waxaad iila timaadeen maanta, waa diinta ka bax, waa Rabbi iyo rasuulkiisa daba maryee, mana idin ka yeelaayee, Ilaahay ha idin soo hanuunsho adinka, warkiina waa ka baxay”.
Gabareey haddii aabahaa dad u dulminayo in uu ragga la sheekaysto, ma is wediisay aakhiro yuu la sheekaysan doonaa?
dhaqan iyo diin xumaa…..waana badan yihiin waalidiinta caykaas ah.
Gabareey aabahaa ma ibliis baa?
Towfiiqda allaha na waafajiyo
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/
Leave a Reply