anaga oo dhowr caruur ah oo ku dabaalanayna balli yar oo magaalada gaalkacyo meel u dhow ku yaal oo la yiraahdo laanta ayaa waa noo yimid mid saxiibkeen ah oo ordaya markaas ayuu nagu yiri, war soo orda war soo orda, waxaan is niri annagu wuxuu idinku yeerayaa waa weero bilaabatay, weero waxaan dhihi jirnay marka ciyaalku laba koox isku tuuryeeyaan oo magaaladaa dhagax duulaya maahane aan wax kale aa la arag oo dadka waaweyn aysan banaanka madaxa keeni karin, aad ayaana u xiisayn jirnay weerada, balse markii aan weydiinay maxaa jira, wuxuu yiri
“dhabbacataa timid magaalada”
Dhabbacato filimada uun baan ku arki jirnay ee mid nool weli ma aynaan arag, gaalkacyoo dhan ma aysan arag, dhabbacatana waxaan u naqiinay fatuuradaha yar yar, gaalkacyo baabuurta joogta waxaa ugu yar landrover wax ka yar ayada weli cag sooma dhigin, wax ka yar ma imaan karin oo jid fiican ma jirin.
Goor aaan daba gaabyadii xiranay ma helo, orod baan isqaadnay asagiina na hogaaminayo, waxaan u tagnay dhabbacatadii oo lagu xoonsan yahay, waxay hor taagnayd dukaan gabdho gadayeen iyo harqaan nin la yiraahdo xamari uu lahaa, jidka dhinaca kalena waxaa ku yaalay makhaayada waa bari ee maxamad xuseen, khalqigii gaalkacyo daganaa waa isku yimid mid weyn iyo mid yar ba, dadkii baan dhex xaluushay oo dhabbacatadii u tagay oo ag istaagay, aniga igamaba dheera, yaab, dadka qaar baa sal salaxayay sidii ay ka barakaysanayaan, qaarna afkii baa juuqda gabay oo indhaa ka soo haray, waxaase fajicii ugu weynaa la qaaday markii nin yiri
“hogeeey, oo marshada isteerinkay ku leedahaye”
Runtiis bay ahayd, sida baabuurta kale hoos kuma lahayn, wax la sheegaa la garan waayay, yaabkii baaba yaab sii dhalay, oday baa markaas yiri
“waa addunya gadoon baabuur marshada isteerinka ku leh, wacade waa xoolo jin”
Dhabbacatdii guduudnayd tagtay warkeediina dhowr bil ka dib waa la iska dayay.
Muddo ka dib dhacdadii dhabbacato noogu xigtay waxay ahayd, garoonka diyaarada waxaa soo caga dhigatay diyaarad soomaali airline ah oo boeing 720 ah, gaalkacyo waxaa laga yaqaanay laba jaad oo diyaarada ah, mid weyn oo caashu kor u jeedo oo horay laba lug ku leh gadaalna hal lug oo affar matoor oo wareegsada leh, waxaan u naqiin affar matooreey, iyo diyaarado yar oo gafuurka hal matoor ku leh oo aan u naqiinay xiin faniin, tan maanta timidse waa diyaarad markay taagan tahay siman, horayna hal lug ku leh gadaal na laba lug, magaaladii oo dhan baa ku yaacday garoonkii oo daawasho loo tagay diyaaradaan aan weli la arag noceeda, sidii hadba dhinac looga marayay oo loo daawanayay marna looga hoos dusayay ayaa oday yiri
“war bal mucjisadaan ila arka, waa diyaarad aan matoorba lahayn”
La yaab malahyn asagu oo waxan naqiinay diyaarad matooradu banaanka ku yaalaan ee balaayadaan casriga ah ee matooradu u qarsoon yihiin weli waa noo dhinayd, mid kalaa yiri
“oo sidee u duushaa hadaysan matoor lahayn?”
“gaal kaa farsama badan” ayaa mid kale yiri
Ugu danbayn duuliyaashii mid ka mid ah ayaa yiri, dadka waaweyn ha soo fuulaan diyaarada hal jiiraa lasoo galinayaaye, ma diyaarada ayaa cusbayd oo dadka lagu soo dhaweynayay, ma duuliyahaa ka naxay badownimada reer galkacya haysa oo u naxriisanayay, si kastaba caruur looma oggola ayaa duuliyihii yiri sidaas ayaana anigu murug meel gooniya ula istaagay, dadkii waaweynaana labay u kala jabeen kuwa diiday oo yiri diyaarad aan matoor lahayn raaci mayno iyo kuwa fuulay, hal jiiro ka dib markii ay ka soo dageen, qaarkood shib bay ahaayeen oo dhulkaa la wareegayay tallabadana si aayar ah ayay u qaadayeen, kuwa waa baqsanaayeen balse waa is doqon diidsiinayeen oo hadal bay dal dalayeen, labo waa matagaysay, mid illin baa ka soo dhaweyd farxad darteed oo ilaahii ka soo dajiyay asagoo nabad qaba ayuu ku shukrinayay asagoo gacmaha cirka u taagaya.
Meeshii aan maalintaas taaganyn maanta wax badan ayaa iska badalay dadkii iyo dalkii, wax yaabo badan ayaa nagu soo kordhay, dadkii waa la ilbaxay ayay meel kasta la marayaan, balse anigu markaan dib u fakaray wax cusub uun baan aragnaye ilbaxnimo iyo caqli midna nooma kordhin, bartii waagii dhabbacatada aan taagnayn iyo ka sii hoos ban joognaa maanta garaad iyo garashaba ka taaganahay, marba haddaan qabiil iyo reer hebel oo adduun ka tagay aan dabada ka wadno wax noo kornay oo aan jaahilnimo ahayn ma jirto.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply