Filinkii dhalanteed

 

 Tuuggii weynaa [Kaaba laadarihii] ayaa qori inta qaatay baas ku furay arbihii [atorihi], xabadihii markii uu soo furay ayaa arbihii arkay, markaas ayuu cirbaha kaliya ku istaagay oo dhabar dhabar isku jalleeciyay dhulkana wax yar u jirsaday asaga oo aad u malayso in uu hadu sariir u tahay oo xabbadihii jidka uga bayray, foolkiisa hortiisa ayay mareen xabadihii oo is daba jooga, mid ayaa damacday in ay ku soo leexato markaas ayuu candhuuf tuf ku tiri, barteedii ayay ku qaraxday, markii xabadihii gudbeen oo uu si fiican u istaagay ayuu isha ku dhuftay qalaanjadii [atarijadii]oo laba tuug sii jiidayso, sidii diyaarad ayuu duulay asaga oo cirbihiisa qaac iyo holac isla socda ay ka baxayaa oo dusha kaga dagay labadii nin, oo inta shaarka dhabarka ka qabtay labadiiba cirkaas u tuuray, waxaa sidii loo dhagaysanayay shanqartii ka sii yeeraysay labadii nin markay kor ugu sii socdeen sidii diyaarad kacaysa ayaa markii ay indhaha ka libreen la maqlay qarax weyn oo cirka dhacay, wax yar ka dibna cad cadkoodii ayaa dhulka ku soo dhacay iyo madaxyadii oo oynaya, tuuggi weynaa oo meel 500 mitir ah ka daawanayay waxa dhacaya ayaa carar is yiri, arbihiina carro ayuu dhilka ka cantoobsaday oo saas ugu tuuray, ciidii ayada oo qaab seef yeelatay ayay siday u sii socotay tuugii qoorta ka jartay ka dibna dhulka ku daadatay.

 

Kulanka kismaaya ka socdana waa filim kaan  dhalanteedka ah oo kale, waxay dhalanteed isku tusaan jubbaland oo kenya ka mid noqotay, axmad madoobe oo madaxweyne ku xigeenka kenya ah, xassan oo ceel shidaal badda laga siiyay, deni oo imaaraati in uu yahya loo aqoosaday, shariifak oo nobel prize lagu siiyay wax qadakiisa kala daadinta soomaaliya, ina shakuur oo xisbi weyn oo mucaarada samaystay, guuleed oo faqriga tuuray, kuwa kale oo xildhibaana ka ah baarlamanka kenya iyo soomaali oo gaaja dishay oo ayaga baryaya, faramaajo oo caata u joogsaday oo darbi jiifa oo aan maraykan ku laaban karin, khayre oo mombaasa ka tuugsanaya,

La soco filinka qaybta [tempada] labaad

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply