FATWADII FOORNADA ROOTIGA QAYBTII 1AAD

 

 

 

Aroortaas kolkii sheikh dayib uu aqalkiisa ka soo baxay wixii uu arkay maahayn wax farhad galiyay, balse qarracan ayay ku biiray ciilkii uu xalay oo dhan la seexan waayay, wax uu ka naxo oo ka murgo ayaa indhihiisu qabteen, dhalanted maahayn ee dhab ayay ahayd, saf dheer ayaa loogu jiray foornada rootiga ee liibaan, dadkii hurdada ka soo kacay oo gaajadu haysay ayaa aroortaan ku soo qamaamay foornadii liibaan oo in ay quraacdaan diyaarka u ah, maangal maahan waxa kani ayaa shiikhii uurka iska yiri, mya, maya , wax suurobaya maahan in liibaan lacagtaan uu sameeyo, ballantii ay lahaayeena uu ka baxo, runtii ballan maahayn ee shiikhu waa u sheegay liibaan maalintuu furayay foornada in uu sadaqada masaajidka keeno, tan iyo maantana shillin lagama hayo, kaba sii darane waxaa meelaha la wareejinayay in liibaan yiri, wadaad calool buuran intaan lacag siin lahaa, dad badan oo ay sadaqadu ku baxdo ayaa jira oo aan siin, agoomo, qoysas tabar yar.

Sheikh dayib aroortaas go’aan ayuu gaaray, go’aan kama danbays ah, waa in foornada liibaan ay xirantaa, waa in liibaan uu kacaa, waa in uusan magaaladaan foorna danbe ka furin, tan iyo inta uu ka bixinayo saqada masaajidka, balse sidee ayuu u samayn intaas? Wadaadkii uurka ayuu ka qoslay asaga oo leh, waxaan aqaanba waa jidka loo maro tan oo kale, kabtaada haddaanan cirka u tuurin liibaanoow shiikh dayib la ima dhaho.

Wadaadku aad ayuu u Ayaan badnaa waayo carada uu liiban u qabay, qorshaha uu watay iyo maalintii jimcaha ayaa wada kulmay, salaadii jimce ka hor ayuu u yeeray dhowr wadaad oo ay jaallayaal yihiin, si kale haddii loo dhigana ay is bahaysi yihiin, wadaado garar waaweyn oo dhamaan magacyadoodu ay ka bbilowdaan Abuu hebel, khudbadii jimacada markii la gaaray ayaa shiikh dayib khudbadii bilaabay in doora makii uu ka hadlay murtadnimada iyo xalaasha iyo xaaraanta ayuu yiri;

“Ikhwaanii fi diin qof walba oo muslin ah waxaa saran waajib, ka saran diinta, bulshada, dhaqanka, ikhwaanii in muddo ah aniga iyo culumo kale waxaan aad uga wada hadlaynay foornada xaafada ku taal ee liibaan”

“nacam” ayaa wadaadadii kale mid ka mid ah yiri

Shiikh dayib hadalkii ayuu sii watay oo yiri

“waxaana noo soo baxaday markii aan kitaabda kadaal u raacnay, in foornada liibaan wax ka gadashadeedu tahay shirki, waliba shirki weyn, waxaa laga yaaba in qaarkiin is weydiiyaan side ku dhacay taas? Ikhwaani fiddiin waxaa jira xaddiis saxiisul bukhaari ku yaal oo odhanaya, culumadu waa dhaxlayaashii anbiyada, waa xadiis  saxiix ah oo bukhaari ku yaal oo laga soo wariyay rasuulkeenii suubanaa, annaguna waajib na saran weeye in aan dadka xumaanta uga digno samaantana farno, haddii aan u soo labto foornada arrinteeda waxaan soo hubinay, in makiinadaha laga soo gaday dalka la yiraahdo Thailand, balse shirkada iska leh ay tahay yuhuud, yuhuudii anbiyada laysay, yuhuuddii rasuulkeena sixray, yuhuuda alla nooga digay oo yiri wax ha ku darsanine, ugana fogaada sidii eey candha qaba, waxaan kaaga sii daran wax yaabo badan oo laga adeegsado foornada ama rooti samaynta loo adeegsado, badan kood shirkado yuhuud ah ayaa iska leh oo iska dhiga dalal kale, lacagta aan ku gadano rootiga foornadaas, waxaa la gula dagalamaa walaalaheena falastiiniyiinta, waxaa la doonayaa in lagu dumiyo masaajiskeena barakaysan ee qudus, waxaa lagula dagaalamayaa jiritaanka muslinka, caruurteenaa lagu gaalysiinayaa, dumarkeenaa asturnaanta looga qaadaayaa”

Wadaadii jaalayaashiisa haa ayaa laba oohin baqsadeen, oo mid leyhay

“falastiin, inaa lillaahi wa inaa ilaahi raajicuu, ilaahoow guusha sii walaalaheena falastiin, ilaahoow adaa awood lehe yuhuuda naga qabo”

Odayaal ka danbeeyay ayaa si raxmadi ku jirto dhabarka uga dharbaaxay labadii oo ku yiri, bes hadde culuma alle, oohinta iska daaya muslinku waa guulaysan doonaaye, mid dadka ka mid aha ayaa yiri

“waa gartood waa rag diinta wax ka yaqaana”

Mid kalaa yiri

“culumada oo dhan baa saas ah waa beer jilicsan yihiin wax diinta dhibaya uma dulqaadan karaan”

Liibaan oo meel dhexe fadhiyay ayaa inta is taagay yiri

“war ma walateen, war waxay sheegayaan wax kama jiraan, war ilaahay ka baqa oo yaan la idin waalin”

Fursaddii uu sugayay shiikh dayib ayaa is keentay, markaas ayuu ka soo dhawaaqay canbarkii uu saarnaa oo yiri

“ka bax masaajidka alle murtad yahow, waliba waa sii indha adagatay, towbad keen baan kaa rabnaa inta ka horeysana ma banaana I aad qof muslin ah la hadashid ama wax ku darsatid, haddana intaad nabad qabto ka baxa masaajidka ha najaasayne”

 

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply