FATWADII FOORNADA ROOTIGA QAYBTII 2AAD

 

Dadkii ayaa markaas ku kacay liibaan oo yiri. War orod masaajidka nooga bax, oo qaar gaareen in ay yiraahdaan, shiikh dhiigiisu ma noo banana yahay, balse shiikhii yiri toddobaad Ayaan ka war sugaynaa in uu towbad keeno hadii uusan towbad keenin, nin rabi iyo rasuul ka furtay oo yuhuud kal kaal ah naguma dhex jirayo, foornadaas na yaan ciddii alle iyo rusuul rumaysan wax ka gadan.

Sidaas ay ganacsigii liibaan ku xirmay, asagii seefo loogu sitaa oo la sugayaa inta jimcada kale laga gaaro, suuqana waxaa ku jirtay in dad badan oo rag iyo dumar leh ay u tageen shiikh dayib oo mid walba ka baryay in uu noqdo kan liibaan ka murtadka ah dili doona,balse shiikhu ku yiri khayrkaas iyo jannadaas qofkii alle u qaray ayaa helaya, niyad samidiina iyo diin jacaylkiina ilaah baa idin ka abaal marin balse aan sugno ilaa jimcada, liibaan haddi uu banaanka gurigiisa u soo baxaba waxaa meel u yaal cay iyo ilmo dhagax tuuraya, caruurtiisa waxaa xaagfada looga yeerayay macagyo aan fiicnayan, sida ilimihii gaalka iyo yuhuudigii muslinka necbaa, lix maalmood oo uu gurigiisa ku jiray ka dib waxaa u yimid nin saaxiibkiis ah oo ku yiri,

“shiikhu wuxuu ogol yahay gor gortan, sidaana dan kuuma ha liibaan oo shiikhu xataa wuxuu qorshynayaa in uu naagta kaa furo, meel cidla ah ayaa ku soo dhici oo noloshii aad intaas soo dhisaysay eber noqon, in uu yiraahdo waa murtad ee ha la dilo waxba kuma ahan, wadaadaan kuwa naxa maaha dalkana ayagaa haysta, waan arkaa waa baad waxa lagaa doonyaa balse maxaan samayn karnaa, kulligeen waan ku jirnaa dhibkaan, xoolaheena magac diin baa lagu dhacaa, gabdhaheena aan qaan gaarin lagu guursadaa oo xataa qaar lagu kufsadaa, xaal waa is badali doonaaye la xaalatan eeyga sheikh isku sheegaa”

Markii saxiibkii baxay waxaa yimid gurigii liibaan shiikh dayib oo dadka ugu soo sheekeeyay bal waan soo waanin hadduu waana qaadanyo, waxaana la socday liibaan soddogii, liibaan xanaaq dartiis ayuu la qayliyay oo yiri guriga iiga bax, shiikh dayib sidii nin aan waxba halayn ayuu yiri

“akhii xanaaq waa camal shaydaan is daji, rasuulku wa ka dayriyay xanaaqa, cowdu billayso akhii, aniga iyo xaajigu arrin baan kuula soconaye”

Liibaan soddogii waa ka xishooday waana soo dhaweeyey labadoodii, markaas ayaa wadaadkii yiri

“wax yar bal aniga iyo liibaan iskugu kaadiya, idinka oo raaliya”

Labadoodii ayaa qol galay markaas ayaa liibaan yiri

“maxaad iga soo doontay? Intaad igu dhigtay ma kugu filnaan weyday?”

“wallaahi thuma wallaahi wanaag aan kuu qabo Ayaan kula soo doontay, arrintaan inaan dhamayno oo ganacsigaaga halkii ka wadatid Ayaan kuugu imid, runtaan kuu sheegayaa anigu, cid kale uma sheego runta, waxaana kuugu sheegayaa haddaad tiraahdo shiikhii baa saas yiri cid ka dhagaysan maleh, dadka indhahooda murtad diinta ka baxay baa tahay, oo in la dilo mudan, marka i maqal, dalkaan ninba siduu u noolaan karo ayuu u noolaadaa, anaguna sidaan Ayaan ku nool nahay iyo sadaqadaas aan dadka ka helno, intaad dhaqaalihii aan ku ballanay bixi weyday ayaad haddana suuqa igu caydid, magaaladaan anaa ka taliya runta markaan kuu sheego, awood waxaan u leeyhay in soddogaa aan hadda ku dhaho gabdhaada wado gaal kuma xiran tee, waan ogahay khamriga caraqa in aad meelhaas ku soo cabtid, waan sheegi karaa  mase samaynayo, nin aan is fahmi karno ayaad u egtahay”

“war anigu khamri ma cabo?”

“allaa og, waase sida suuqa ku jirta, dadkaana wax ma hubsadaan, garaadkoogu dhagaha ayuu ku jiraa, taase dhib maleh”

Wadaadku aad ayuu ugu bogayay godka dheer ee uu libaan qodayo, Liibaan waagii baa ku baryaay, xaaskiisa in hadda laga wadan karo ayuuba ogaaday, asna qoorta laga jari karo, hanti wuxuu lahaa wuxuu galiyay foornada maantana fara kuma hayo, khamri buu cabaa haddii suuqa loo galiyo kaba sii daran, ibliis in uu la heshiiyo taladiisii waa dhafi weyday, markaas ayuu yiri.

“adduun aad buraash xaar leh marisay side u nadiifin?”

“taas anigay ii taale waa shaqadaydee, ee adiga ballan ma leenahay?”

“haa”

“hana isku dayin in aad ka baxdo, xoolahaas aan warkayga maahine war kale maqal ayaa ii jooga, ha illoobin, ballana waxaan ku qaaday barwaaqo aadan ku riyoon in aan ku gaarsiiyo, ee warka badan intaad iska dayso ma isla shaqaysana? Nin dibdaha ka yimid oo wax yaqaan baa tahay horumar Ayaan gaari karnaa haddaan is kaashanee”

Wadaadkii wuxuu u sheegay habkii howsha loo qaban lahaa oo liibaan looga xali lahaa gaalnimda, liibaanse markii uu ku adkaystay in carra uu haleeyay adagtahay in uu sideedii hore ku soo celiyo, wadaadkii wuxuu yiri,

“sidaan horeyba kuugu sheegay dadkaan waa xoolo, sheeka hadda ka hor dhacday Ayaan kuu sheegayaa, nin la oran jiray giyaath bin ibraahim oo beenloow ahaa oo iska dhigi jiray nin aqoon leh, ayaa dadka wax yaabo yaab leh u sheegi jiray oo lagu soo xoomi jiray markuu hadlayo, maalin ayuu wax aan wanaagsanayn sameeyay, markaas ayaa saaxiibkiis ku yiri, dadka ka xishood, dadkee? Ayuu yiri, kuwaan Meesha jooga ayaa ninkii ugu war celiyay, markaas ayuu ku yiri kuwaan dad maahan ee waa lo’, waana kuu caddeyn karaa in ay lo’ yihiin, ii caddee ayaa ninkii yiri, ninkii iyo giyaath waxay tageen bartii uu giyaath dadka cilmiga beenta ah ugu sheegi jiray, markii dadkii ku xoomeen, ayuu bilaabay in uu uga sheekeeyo jannada iyo wanaageeda iyo quruxdeeda, markii uu arkay in ay la dhacsanyihiin ayuu xadiis beena u abuuray oo yiri, nabigu wuxuu yiri qofkii fiinta carrabkiisa ku taabta sankiisa waa ehli janno, burbadiiba dadkii carrabadii ayay soo saareen oo sanaka la laaceen, giyaath inta ku jeestay saaxiibkiis ayyu ku yiri, sow kuma oran waa lo’ ee dad maahan”.

aroortii jimcadana waxaa guriga ugu yimid shiikh dayib iyo saddex kale oo garar waaweyn, waxaa soo dhawaa xilligii salaada jimce, dhammantoodna masaajidkii ayaa la isku racay, khudbadii markii uu bilaabay shiikh dayib yiri.

“ikhwaanii, ilaahay wuxuu yiri dad waxaan ugu jeclahay kan markuu danbaabo towbad keena oo ii soo noqda, allah subxaanahu wa tacaalaa been kuma hadlo waan ognahay, maantana ilaahay baan ku dhaartee inta masaajidkaan joogta ilaahay wuxuu ugu jecel yahay liibaan, waayo liibaan kii  danbigii la ogaa galay ilaahay ayuu u towbad keenay, in saacadaan la joogo ilaahay liiban jecel yahay ma shaki baa ku jira?, maya, qasaman billaahi, maya, saa ilaahay baaba yiri dad kii ii towbad keenaan u jeclahye, dhinaca kale aniga iyo culumada kale arriinta liibaan waan ka wada hadalnay, waxaa go’aaminay in liibaan foornadiisa dib u furto, waxaan araganay in alaab dal fog laga soo gaday aan dib loo celin Karin, taas waxaan ku xukunay liibaan kafaara gud waana naga yeelay, kaliya waxaan ka codsanay liibaan in khamiirka uu burka ku qaso nooca uu yahay in uu joojiyo, liibaan kaliya maahane waa in qof walba oo muslin ah oo joojiyaa, shirkad yuhuuda ayaa iska leh, ogaada taas dhamantiin, culumadii magalada hadaan nahay waan cafinay walaakeen liibaan waana ka aqbalnay ilaahay uu u towbad keenay”

Masaajidkii bulaan yar iyo hadallo u badan alxamdullilaahi ayaa ka dhex yeerayay, farxad ayaa inta badan foolshadooda dadka ka muuqatay, oday geedi oo safka hore ku jiray si lama filaan ah ayuu u istaagay oo kor ugu dhawaaqay, liibaan waxaan siiyay gabadhayda cudbi

Si uu uga nabad galo dhibka wadaadaan liibaan wuxuu ku qasbanaaday in uu kamid noqodo wadaadii, oo garka sii daysto, khamiis gaabann xirto, madaxa xiirto, rutii waa uu ka nabad galay dhibkii dayib, balse illimo waxaa loo furay oo la tusay han weyne, iyo hanti fudayd lagu helayo, kaalma la keenay oo la leexsanayo, asga iyo Shiikh dayib waxay furteen ganacsiyo badan oo ay ka mid tahay dhowr goobood oo cilaaj ah oo dollar kaliya qaata, oo si qumaatiya, foolbuug iyo whatsap dadka dibda jira looga quraan saaro, sidii ayuu ku noqday wadaad gaanacsade hodmay ah oo aan diintana hal ka aqoon sida saaxiibadiis, kuna qaatay magaca sheikh liibaan.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply