Faaliyihii jubaland

 

“Farmaaja tag gabalkiisaa dhacay”

Eraydaas waxay ka soo yeereen faaliyihii, mashaxaradii dhaga jabiskaa haydana dumarkii meesha jooga, allaahu akbar badana madoobe iyo intii uu kismaayo ugu yeeray ayaa ku dhawaaqayay, goobtu waxay ahayd xeeb in door ah ka durugsan magaalada kismaayo, shirku wuxuu ahaa faal dhigid, ujeedkuna la isugu tagayna danaysi gaar ah oo dalka ka dhan ah, mar marsiyahuna wuxuu ahaa faramaajo ma jeclin, guur guurte madaxa inta hoos u laalaadiyay ayuu qoslayay, farxad ayaa buux dhaafisay markii faaliyuhu u sheegay in uu madaxweyne mar kale noqon dono, sheikh shariif waad ku xigi doontaa ayuu yiri, sakiin iyo guuleed meeshii la idinka soo bursaday ayaad u laaban doontaan ayuu u sheegay, in shakuur mucaarad aflaxay ayaad noqn oo hanti ka uruuriya ayuu u sheega, deni xukunka cidi kaa qaadi mayso ayuu ku yiri dubayna si wanaagsan aayaa laguugu soo dhaweyn, dhamaantiina barakada sheikh axmad madoobe ayaa dushiina ahaatay, karaamadiisa wax walba idiin fududayn, raali ahaanshada uhuru kenyatina waa ku aflaxaysaan, ayuu ku yiri, ilaahoow noo aqbal ayay hal mar wada yiraahdeen, madobe iyo faaliyihii ayaa isku kaliyaytay markaas faaliyii weydiiyay, ma I rumaysteen ayaad u malayn? waan hubaa in ay ku rumaysteen ayuu ugu war celiyay, faaliyihii oo yaaban ayaa yiri, oo duulku waa doqomee, madoobaa ku yiri, hadaysan doqomo ahayn iima yimaadeen ayaga oo og waxaan ahay, waliba qaar aan siraa ku jira, iyo kuwa aan been hada ka hor u sheegay iyo qaar aan ku ballan furay, faaliyihii oo yaaban ayaa yiri, nin balaa tahay walaahi, rag wax ma dheeri aniguye ayagaa doqomo ah ayaa madoobe yiri.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply