Toddobaadkaas oo dhana Milowski maxkaxdiisa waa ka saari waayay, daqiiqadna waa ka maqnaan wayday Marina.
Waxuu dib maray dhaqankiisii iyo caadadiisii waayo galabtii jimcada waxuu toos u aaday gurigii hooyadiis asagoo sugi kari waayay maalintii sabtida, isbadalkaas weyn ee ku yimid gudoomiyaha nabad suggida warshadda waxuu muujinayay inuu leeyahay jileec sida dadka kale, jileeciisuna waxuu ahaa Marina.
Marina waxay dagtay gabi ahaanba qalbigiisa si muran la aan ah, waxayna habeenkii sabtida uga sheekaysay dhaammaan nolosheeda, ciddeeda, walaalkeeda kiimikiistaha ah, iyadoo u sheegtay inuu aad uga cabto raga ka sareeya ayaga oo aan qadarin baaristiisa cilmiyeed ee ku saabsan walax holacda, loona adeegsado hub ahaan waana arin Israa`iil iska daaye xataa America aysan suubin, waxay sheekaysanayeen habeenkii ilaa saqdii shexe, toddobaadkii xigay oo dhan marna qalbigiisa kama maqnaan Marina.
Nimanka sirdoonka ee Qaahira joogay markii ay aqrisateen warbaxintii Marina 8-da saac habeenimo soo dirtay waxay ogaadeen in arintu sidii la rabay u socoto waxayna go’aamiyeen in markaan loo gudbo qaybtii labaad ee qorshihii la dajiyay.
Waxayna ahayd todobaadkii ku xigay markii Milowski uu yimid galabtii jimcada guriga hooyadiis asagoo xiisa weyn u qaba inuu arko Marina ,laakiin waxuu la kulmay Marina oo ay ka muuqato murug iyo walbahaar waxuuna ka tuugay inay u sheegto waxa dhibaya, laakiin uma sheegin ilaa iyo galabtii sabtida laga gaaro,markay inta si xun u booyday una sheegtay in walaalkeed soo noqondoono todobaadka soo socda dhamaadkiisa waxuuna ka dalbaday walaalkeed in ay shaqada iska joojiso waxayna u laabanayaan Booland .
Xubinkasta oo jirkiisa ka mida ayaa daadatay, wadnahaa gudaha ugu dhacay ,waxuuna u sheegay inuusan hadalkaas qaadan Karin, laakiin waxay u sheegtay in nimanka ka sareeya walaalkeed ay diideen cilmi baaristiisii una diideen inuu helo walax wax holcisa sidaas darteedna uu dhamaystiri waayay cilmi baaristiisii, asagoo aad iyo aad u diidanaa tagista Marina ayuu fiidnimadii waxuu weydiiyay inay jirto bal wax uu qaban karo, inkastoo siday rabtay ay ahayd hadana wey diiday waxayna u sheegtay inuusan ayada darteed naftiisa halis galin, laakiin Milowski asaga ayaa baryootamayay inuu wax kasta u qabto ilaa subaxnimadii axada, asagoo diidan kana soo horjeeda guuristeeda ,islamarkaa nimaka Qaahira joogay waxay ogaadeen in howshii u soo gabagaboobayso, beertii ay beereena ay dhawaan miraheeda guran doonaan,
habeenkii jimcaha ee toddobaadkii xigay Marina waxay kala hadashay Milowski walaxdaa halista ah waxayna u sheegtay inay kaalmo uga noqosanayso walaalkeed, dhinmaca baarintaankiisa cilmi, ayadana u suurta galinaysa inay ku nagaato dalka, waxayna u sheegtay in ay ogtahay halista iyo sirta walaxdaas ku hareeraysan wayna ka soo fakartay si fiican waxaana u soo baxay wax yar oo ka mida inaysan dhibaato weyn keenaynin, walaalkeedna uu sirtaas adkaynayo,dhinaca kale cilmi baaristiisa waxa uu ku soo saarayaa walax cusub oon tan shaqo ku lahayn .
Jacaylka iyo kalgacaylka uu u qabo Marina waxuu dhinac iska dhigay ama iska iloobay tababaradii iyo siminaaradii uu ku soo qaatay dhinaca nabad sugida inta uusan ku soo biirin shaqaalaha warshada naqab, waxuuna ku yiri:
“Laakiin sideebaan banaanka ugu soo saari karnaa aad ayaa naloo baaraa, wax dhici karana ma aha in haba yaraatee wax laga soo saaro”.
Marino oo dhoola cadaynaysa ayaa ku tiri:
“si fiica ayaan uga soo fakaray anaana haya hab looga soo saaro “.
Inkasta oo quficii ka joogsan waayay si kastoo oo uu daawada u qaatay, Milowski shaqadiisa ma joojin, toddobaadka dhamaadkiisii ayaa maamulihii warshada waxuu go`aan ku gaaray in loo diro isbital warshadda ka durugsan toban kilo mitir oo kaliya.
Aroortii kale waxaa lagu qaaday Milowski baabuur warshadu leedahay loona waday isbitalka asagoo weli kabaysanaya daawadii qufaca, xataa markii uu marayay baaritaankii adkaa oo mar kasta joogtada ahaa.
Kolkii isbitalka uu gaaray waxuu ku guryamayay in daawadii ka dhamaatay waxna na aysan u tarin, waxuuna dhaladii ku tuuray danbiisha qashinka asagoo habaar dusha kaga ridaya shirkadaha daawooyinka sameeya oo dhamaan, waxuuna la yaabay markii dhaqtarku u uu sheegay infekshin xagga sanbabada inuu jiro, waxuuna u qoray daawo iyo nasiino ilaa toddobaadka dhammaadkiisa.
Milowski isbitalkii ayuu ka baxay asagoo la amankaagsan daawadii marino siisay oo ay tiri walaalkeed baa soo saaray sida ay dhaqtaradu ugu sirmeen, waxna uga garan waayeen asagoon qabin haba yaraatee wax jiro ah, asagoo fulinaya tusaalihii Marina ayuu u laabtay warshaddii si uu fasaxiisa u soo qaato dibna uma uusan fiirin danbiishii uu dhalada ku riday.
Isla habeekaas waxaa si tartiiba irida loogu soo garaacay Marina waxayna si tartiiba u waydiisay yaa garaacaya codka u jawaabay ayaa yiri “eryga dahsoon Shaaloom “si taxadar ku jiro ayay u furtay iriddii, dhaqtarkii isbitalka Naqab ayaa si dhaqsi ah ugu dhiibay dhaladii horana ka laabtay asagoon erayna oran.
Marina isla markiiba waa jabisay dhaladii waxayna ka soo dhex saartay kiish yar oo si dhowrsan loo xiray gudihiisana ay ku jirrto in yar oo kamid ah walaxdii.
Intii aan waagu baryin kiishkaas yari waxuu usii socday Qaahira si loo baaro loona badiyo, waxaana lugu sameeyay tijaabooyin qarsoon laguna suubiyay geesaha wabiga niil meelo ka mid ah oon waagaa ladaganayn, taasna waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba sagaashan lugu baaabi’i haddi laysku dayo in kanaalka la gudbo, waxaana lama huraan noqotay in la helo jid looga hortagayo inaan walaxdaa kanaalka soo gaarin.
Markii uu Milowski sidii nin waalan u raadinayay Marina oo jaan iyo cirib meelay dhigtay uu waayay, ugase tagtay waraaq ay ku leedahay”‘niyadda ayaa I siin weyday inaan halis galiyo noloshaada, sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan burburiyo walaxdii yarayd noloshaadana aan saa uga maqnado”
Hoggaanaka siyaasadda ee ciidamda masarna waxay dajinayeen qorshe ay uga hortagaan walaxdaa musiibada ah.
DHAMMAAD
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply