ERAYGA DAAHSOON-Q-2

markasta oo shaqaalahu ka baxaan warshada fasaxooda todobaadlaha ah waxaa loo baaraa si aad u hufan, sidoo kale marka ay soo galayaana waxaa loo baaraa si aan caadi ahayn taasoo macnaheedu yahay  in Israa`iiliyiintu xitaa meel duqsi gali karo u banyn, maxaad u malaysaa Masaaridu in meeshaas hawaysan karaan, laakiin nimanka Qaahira joogaY waxay rumaysnaayeen in wax kasta oo si walba loo ilaaliyo in ay jirto ama laga heli karo dalool looga duso si kastaba ha loo helee, sidii uu yiri Napoleon

“waxaan dhici Karin ma jiraan “.

 

Sidaas darteed raggaas maskaxdoodii iyo waxay khibrad lahaayeen waxay is kugu geeyeen   si loo helo dalool yar, dabeecada sirdoonkuna waxaa u unug u ah in lagu shaqeeyo maskax wadajirta.

 

Nimankaasi waxay dib u baareen wax walba oo ku saabsan warshadaa Naqab habka ilaalinta, habka nabadgalyada, xataa faylasha shaqaalaha ayagoon waxba dhaafin.

Waagii cusbaa ee 1-dii janaayo ayaa ku soo baxay ayadoon tan iyo xalay waxaan coffee ahayn aysan ka dagin dhamaantood, walina ku jira baaristii faylashii iyo warbaxinnadii, daal tirabadan dartiis ayaa mid ka mid ah waxuu yiri:

 

“Hadii aan ogaan lahaa inaan intaan oo dhan oo waqtiya joogayo waxaan soo qadan lahaa dawadii qufaca”.

Ninkii u sareeyay oo dhoolacadeyn daal ka muuqdo muujinaya, ayaa isku dayay inuu wax yiraahdo, haddana si kadisa ah ayuu u aamusay, dhabannadana qabsaday asaga oo ay ka muuqatay inuu aad u daallanyahay, indhihii la joogay oo dhan ayaa hal mar wada eegay, wax yar ka dib asagoo farxad ka muuqato ayuu yiri, “waxaan umalaynayaa inaan helay xal”,

nin ka mida ah raggii ayaa yiri

“ma waxaad heshay fikrad ah si lagu gali lahaa warshada Naqab”,

madaxa intuu ruxay oo dhoolacadeeyay ayuu yiri:

“maya, sidii wax looga soo baxin lahaa ayaan helay”.

 

Dan Milewski, gudoomiyaha shaqaalaha warshadda Naqab waxuu u ekaa nimaan wax dhiba qabin, jileecana aan lahayn, gabi ahaan waxuu ahaa nin dhisan oo xoog badan, noloshiisa guud ahaan Milewski waligiis khamri ma cabin, khamaar ma cayaarin, xiriir naago gabi ahaan ma lahayn, xitaa waligiis ma guursan in kastoo uu lahaa guri aad u weyn oo meel wanaagsan ku yaal, wuxuuna qaadanayay mushaar aad u sareeya oo dadka badankii uusan helin.

 

Ilaa iyo intii uu shaqada warshadda Naqab ku soo biiray noloshiisu waxay ku socotay hal jid oo aan isbadal lahayn, toddobaadkii shan maalmood waxuu joogaa goobta shaqada, gurigiisa ayuu soo aadaa galabta jimcada, waa qubaystaa waxuu seexdaa saddex ilaa afar sacadood kadib waxuu aadaa maqaayad u dhow halkaa oo kaligii uu meel fariisto, kadibna gurigiisa ku soo laabto bartamaha habeenkii, waxuuna jiifaa ilaa iyo aroorta sabtida halkaas oo uu aado hooyadii oo duq ah maalintaas oo dhana uu la joogo.

 

Bilowgii Febaraayo 1973 milewski waxuu aaday hooyadii sidii caadada u ahayd, iridda ayuu kula kulmay jacaylkii noloshiisa u horeeyay, Marina Bazuk, waxaana baray hooyadii una sheegtay inay tahay gabar dhalinyaro ah oo dariska ah una timid magaaladan in ay walaalkeed bil la joogto balse walaalkeed uu si kadisa u aaday Washington, si uu uga ka qayb galo shir ku saabsan cilmiga kiimikada oo halkaa ka dhacaya, waayo walaalkeed waxaa weeye khabiir dhinaca kiimikada, baaritaano caan ahna sameeyay, sidaa darteed Marina waxay goosatay in ay bishaas joogto guriga walaalkeed oo  aysan u noqon Tel’abiib halkaas oo ay ugu shaqayso hoghayn shirkad dalxiis, si dhaqsiya ahna waxaa u horu maray xiriirkii Milowski iyo gabadhii quruxlayda ahayd Marina.

 

Hooyadiis waxaa ka muuqdatay farxad, waayo waxay aragtay wiilkeeda oo jacayl iyo guur u soo jeeda asagoo gaaray 40-sano, Milowski qudhiisa waxaa luguhiisa dhulka ka qaaday quruxda, hadal macaanida iyo dabeecada yaabka leh ee Marina oo asalkeedu yahay Boolandiyad, waxuu ahaa ninka ugu farxada badan aduunka markii ay nabada isdhaafsanayeen, galabnimadii axada ayuu shaqada ku laabtay.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply