EEBE ADDOOMADIISA MA DULMIYO

 

Shiikh Ayaan ku arkay youtubeka dhaar isku jeexaya oo qasaman billaahi naarta waxa galaya naagaha leh, waxayna ugu badan yihiinna waa, Waajibaadkii gurigeeda oo ay ka gaabiso.

Ragga ay ku dhex daranto.

Nin keeda oo ay khiyaanto.

Naxariis darro iyo arxan xumo.

Kibir iyo isla weynan.

Carrab dheeri iyo hadal badni.

Warqaadid iyo isku dir.

Dadka oo ay arrimahooda iyo sirtooda gasho iyo kuwa kale.

 

Is weydiintu waxaa weeye marka ragga intaas geysta iyo ka badan sida dil, dhac, boob, kufsi, dhagar, wax kasta oo xun ee aan ifka ku aragno, ragga u sabab ah in malaayiin dad ah naf waayaan, ragga inta ilaah naceb yahay oo dhan sameeya, shiikh ka hadlaya arki maysid, oo wadaadkii afka kala furaba naag ayuu dabadhigan, dumarka aan cidna dhibin, balse ayagu ku jira dhibaato iyo howl 24 saac, bulshadu la’aantood ay mugdi ku jiri lahayd, dul qaadka badan, ah hooyo, walaal, xaas, eedo, ayeeyo, maxaa markasta wadaadu uga dhigaan wax xun oo shaydaan falkiisa, waxaan u maleeyay shiikhaas iyo kuwa kale ba in ay si qalad ah xadiiskii rasuulka u fahmeen, oo ay u qaateen cadaabta naagahaa loo sameeyay.

 

Intaas raggu waa sameeyaan iyo ka badane ee ayaga looma xisaabinayo miyaa? waa ayada dumarka uun laga hadlayee, haddii rasuulku yiri naaga badan baan jannada ku arkay macnuhu maahan in ragga danbiga naagtu gashay galaa ay janna galayaan, balse sidaas ayay noo sheegaan wadaada qaarkood.

Ilaahay quraankiisa wuxuu ku yiri, asga oon kala qaadin dumar iyo rag, qofkii wanaag sameeya janna ayuu leeyahay qofkii xumaan sameeyana naar ayuu leeyhay, maahan marka in danbiga naagtu samayso uun la fiirsho oo kii la midka aha oo ninku galay la fududaysto, wayo waa nin, ilaahay wuxuu yiri

إِنَّ ٱلۡمُسۡلِمِينَ وَٱلۡمُسۡلِمَـٰتِ وَٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَـٰتِ وَٱلۡقَـٰنِتِينَ وَٱلۡقَـٰنِتَـٰتِ وَٱلصَّـٰدِقِينَ وَٱلصَّـٰدِقَـٰتِ وَٱلصَّـٰبِرِينَ وَٱلصَّـٰبِرَاتِ وَٱلۡخَـٰشِعِينَ وَٱلۡخَـٰشِعَـٰتِ وَٱلۡمُتَصَدِّقِينَ وَٱلۡمُتَصَدِّقَـٰتِ وَٱلصَّـٰٓٮِٕمِينَ وَٱلصَّـٰٓٮِٕمَـٰتِ وَٱلۡحَـٰفِظِينَ فُرُوجَهُمۡ وَٱلۡحَـٰفِظَـٰتِ وَٱلذَّاڪِرِينَ ٱللَّهَ كَثِيرًا وَٱلذَّاڪِرَاتِ أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُم مَّغۡفِرَةً وَأَجۡرًا عَظِيمًا 

Ilaahay aragtidiisa dumar iyo rag waa siman yihiin, qof walba wuxuu gaysto ayuu alla hortiis ka helaya, ilaahay adoomadiisa ma dulmiyo, wanaag ay gaysteena kama dafiro, xumaantay sameeyaana asagaa siduu raba ka yeela ama ciqaaba ama cafiya.

Qore

Sul. Cali Adam Ameriko

Leave a Reply