XILLI GOOSHID-Duullimaadkii Aayatiinka tagay

 

 

Time machines, mishiimada xilliga la iskaga goosho waxaan ku aragnaa filamada, balse dhabtooda lama hayo, saynisyahanadu waxay sheegeen in iskaga gooshitaanka xilliga [time travel] ay fikrad ahaan tahay wax dhici kara balse fal ahaan aan faraha wax lagu hayn, waxaase jira dad sheegtay in ay xilliga iskaga goosheen, oo waqtigay joogeen maahane xilli kale tagay ama arkay, sheekooyinkii laga soo wariyay Ayaan jeclaaday in aan idin la wadaago iyo sidii wax u dhaceen iyo sidii markii danbe wax loo arkay.

 

1935tii, Sir Robert Victor Goddard oo ahaa duuliye ka tirsan ciidanka cirka ee boqortooyada Britishka ayaa la kulmay dhacdo yaab leh asaga oo duulinaya diyaarada Hawker Hart biplane, Goddard wuxuu ka duulay magaalada Edinburgh, Scotland, wuxuuna ku sii jeeday saldhigiisii oo ku yaal Andover, Igland, intuu uu sii socday ayuu go’aansaday in sii dul maro Drem, oo ahayd saldhig giga diyaaradeed oo waa hore laga guuray oo cows ka baxay oo lo’daaqdo, hoosooyinkiina kala daateen oo bur bureen, marki uu gudbay goobtii Goddard wuxuu la kulmay duufaan cayn kala ah, waxaana uu maamuli waayay diyaaradii dabaysha awgeed, diyaaradiina hoos ayay u hoobatay in yar ayuuna kaga baxsaday in uu shil galo, balse wuxuu arkay in uu dib ugu laabtay  Drem.

Markii uu gigadii Drem, uu dhawyahay duufaantii si kadis ah ayay u dantay, si kale ayay u ekayd gigado markaan,  hoosooyinkii diraaduhuna waxay u muuqdeen in ay cusub yihiin, affar haado ayaa dhulka taagnayd, saddex waa uu garanayay oo waxay ahaayeen biplanes- kii uu yaqaanay, waxayse lahaayeen midab jaalle ah oo uusan horay u arag, tan afraad waxay ahayd monoplane, oo xilligaas 1935 aan ciidamada ingriisku lahayn, farsmayaqaanada ama makaanikiintu waxay xidhnaayeen dhar buluug ah, taasna waa uu layaabay Goddard waayo dharka makanikiinta ciidamada cirku wuxuu ahaa bunni, waxaa kale oo la yaab lahaa in makanikiinta aan midkoodna dareemin diyaaradan dul maraysa, markii uu gudbay gigadii wuxuu la kulmay duufaan kale, balse markaan waa uu maamulay diyaaradii wuxuuna sii aaday  Andover.

Waxay ahay 1939kii markii cidanka cirka ee ingriisku haaddoonka ay ku buufiyeen midabka jaaallaha ah, diyaaradii monoplane, ee Goddard arkayna ay howl bilowday, dharkii farsama yaqaanadana laga dhigay midabka buluuga.

Maxaa dhacay? Goddard ma inta aayatiinka u duulay ayuu xilligiisii ku soo laabtay?

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply