Xadiis waxaa jira odhanaya dumarku waa ka gaasiran yihiin garaadka iyo diinta, wadaada badan ayaa jira oo ku sheega xadiis kaas in uu yahay daciif, kuwa kale waxay ku sheegaan in uu yahay waxba kama jiraan, kuwana waxay yidhaahdaan waa dhab oo waa saxiix, Aan soo qaadano kuwa qaba in xadiiskaan daciif yahay oo aan lagu kalsoonaan karin.
Maalintii iida fitriga ama adxaaga ahayd ee rasuulku naagah la hadlayay laba xadiis ayaa laga soo wariyay, mid waxa soo wariyay asxaab dhowr ah oo uu ka mid yahay cabudllahi ibnu cabaas iyo kuwa kale, waxayna sheegeen in rasuulku uu dumarkii ku yiri, adaqada la baxa towbad keenkana badiya, waxa kale oo jira xadiis uu soo wariyay saciid al khudri oo ah xadiiska odhanaya dumarku waa ka gaasiran yihiin garaadka iyo diinta, cid aan asaga ahayn oo soo warisayna ma leh.
rasuulku sida la sheegay hal mar ayuu dumarka la hadlay maalintaas, Is weydiintu waxay tahay marka maxaa keenay laba xadiis oo kal duwan?, marka, labads xadiis run ma wada noqon karan wayo hal goob ayaa la joogay hal mar ayaa rasuulku hadlay, mar qudha ayaa dadkii meesha joogay wada maqleen, sidee wax u jiraan marka? Inbu cabaas oo ahaa saxaabigii uu rasuulku ugu duceeyay in uu noqdo mufasirka quraanka iyo iyo intii la joogtay ma aysan sheegin in rasuulku yiri dumarku waa gaasiran yihiin garaad ahaan iyo diin ahaan, qofka kaliya ee laga hayo xadiiska gaasirnaantu waa saciid, weydiintu waa xagee ayuu ka keenay? Â rasuulku ma kiligiis ayuu gooni ugu sheegay? Taasna suurta gal maahan oo wuxuu yiri dumarkii ayuu la hadlayay rasuulku, mana loo malaynayo in saciid kaligiis uu rasuulka la joogay munaasab caynkaas oo kale ah.
Haddii aan eegno xadiiska qudhiisa waxan arkaynaa in daliishu tahay, dumarku waa in ay laba noqdaan markii ay markhaati furayaan, in kasta oo culuma badan qabaan in markhaatigaas uu yahay gancsiga uun oo aayadu ka hadlaysay, si kasta, ilaahay ayaaba ku caddeeyay quraankiisa ee maxaa keenay in dumarka lagu dhaliilo oo garaad yari loogu tilmaamo go’aan kol hore alle gaaray oo uu noo sheegay? Rasuulkeena suubanna kama suuroowdo mana ahayn abuuristiisa iyo akhlaaqdiisu in uu qof liido waayo ilaahay ayaaba quraankiisa ku yiri, waxaan kaa dhignay qof akhlaaq iyo abuuris sare leh.
Tan kale ee diin yarida xadiisku ku tilmaamay dumarka, in dumarku aysan tukan karin soomi kari alle ayaaba noo sheegay, oo maahan wax ceeba,  hadaan caado dumar jiri lahayn bani aadam ma jireen, kaliya caadada maahan ee waxaa jira wax yaaabo badan oo qofka nool ka cafinaya soonka, ama xilli go’an ha ahaato ama xiilli aan dhamaad lahayn, marka qofkii taas oo kale soo fool saarto ma dhihi karnaa diinta ayuu ka gaasiran yahay? Rasuulku wuxuu yiri diinta barkeed ka qaata caasho, xaaskii asuulka, ma kula tahay marka in rasuulku qof garaad yar oo diin gaasiran uu nagu oran lahaa diinta ka qaata ama ka barta? Waa maya.
Arrinta kale ee yaabka leh saciid wuxuu yiri maalintii rasuulku hadalkaas yiri waxay ahayd ciid fitri ama adxaa, sidee ayuu ku garan wayay oo tuhun uu u galiyay? Ma maalintii asxaabta kale maqleen ayuu doonyaa in uu si caqliyaysan uga duwo oo u muujiyo in kaligiis uu rasuulka ka maqlay? Dhinaca kale ilaahay quraankiisa wuxuu ku yiri bani aadamka abuuris wanaagsan ayaan u abuurnay, marka abuurista ilaahay ee dadka uu ku bauuray xubno ahaan jir ahaan kor iyo gudahaba wax xumaan iyo dhaliil ma lahaan karto oo asgaaba yiri sidii ugu wanaagsanayd ayaan u abuuray dadka, caadaduna waxay ka mid tahay nimcooyinka alle ku mannaystay bani aadam oo la anaateed aysan tarmeen ama jireenba.
Waxaa la yiri nabi muuse ayaa eey fool xun arkay markaas ayuu yiri, war wuxu fool xumaa, eygii ayaa ilaahay ka hadalsiiyay oo yiri, nabi muusoow aniga waxba ima aadan yeelin bale abuuristii ilaahay ayaad wax ka sheegtay, markaas ayaa nabi muuse ilaahay danbi dhaaf weydiistay, waana wax xun in abuurista ilaahayga kaamilka ah uu abuuray nooc ay tahayba la yiraahdo cillad ayay leedahay, ilaahay abuuristiisu waa dhan tahay qofkii yiraahda cillad ayay leedahayna, abuurisii alle iyo awoodiisa ayuu wax ka sheegay, ilaahay intii uu khalqi abuuray kii ugu sharaf badnaana ma ka suuroowdaa in uu abuurita alle dhaliil iyo cillad iyo iin u yeelo?
Qore
Suldaan Cali Ameriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply