DULQAAD

 

”Haddi furiinku gantayda ku jiro labaatan jeer ayaan ku furi laha”

ayaa xaasiikii nin ku tiri ayga oo aad iskugu xanaaqsan oo buuq ba’an ka dhex kacsan yahay, furriin ayayna ka dalbatay, xanaaqii dartiis intuu miiskii tagay oo waraaq qoray oo gal galiyay ayuu u dhiibay oo illinka ka baxay asagoo xanaaqsan, ayaduna waxay dareentay in ay gaf gashay oo naxdin darteed waa furi weyday warqadii oo in indhaheedu qabtaan ma rabin waxa kuu qoran, baxar ayay ku dhacday, maxay sheegtaa hadda? Xaggee aada? Furrinku see u dhacay? Weydiimahaas oo dhan ayaa maankeeda ka guuxayay, oo ay jawaab u la’ayd.

Si kadis ah ayaa ninkii guriga ugu soo laabtay oo qolkii jiifka galay asaga oo socod dadaalaya oo aan eray u furin xaakiisa, xaaskiisii baa ka daba tagtay oo irida ku garaacday, si xanaaq ku jiro ayuu markaas ku yiri:

” Maxaad rabtaa”

Xaaskiisiibaa markaa cod dabacsan ku tiri:

”Waa ku baryayaa ee irrida fur, inaan kula hadlo ayaan rabaaye, ka dib waxaad rabto sameeye”

cabbaar ka dib ayuu iridii  furay, wuxuuna aarkay xaaskiisii oo murugaysan, waxayna ka codsatay in shiikh uu u yeero oo xal la raadiyo, waayo waa ay ka shallaysay waxay samaysay, markaas ayaa ninkeedii ku yiri:

‘‘Ma ka shallaysay oo ma ka xuntahay waxaad fashay?”

Cod jaban ayay markaas ku tiri:

‘‘Haa wallaahi, hadalkaan ku iri saas ulama dan lahayn, waana ka shallaayay wixii dhacay”

Ninkii ayaa markaas ku yiri, fur galka oo warqada akhri, markay fiirisay warqadii waxa ku qoran waa rumaysan weyday oo waxaa ku qornaa,

”Aniga oo hebel hebel oo miyir kaygu dhan yahay, xaaskayga waan rabaa, inaan waayana ma rabo, wax kasta oo dhaca iyo wax kasta oo ay samayso waan ku dhaganaanayaa oo sii dayn maayo, raalina ku noqon maayo in naag kalena oo aan ayada ahayn ay nolosha ila qaybsato, waligeed waxay ahaan xaaskayga”

farxad ayaa ayadii oo dhan qaaday oo ninkeedii gacanta ka dhunkatay oo isku duubtay oo ayada oo ilmaynaysa oo tiri:

”wallaahi diinteenu waa wanaagsan tahay, waayo dalqadaha ninka gacantiisa ayay galisay, haddii ay aniga gacantayda ku jiraan 20 jeer ayaan ku furi lahaa maalin walba”

Dhammad

Qore

Suldaan cali Adam Americo

 

 

Leave a Reply