Wax cusub maaha in diyraado la waayo, sida badana waxaa la arkaa markii haado la waayo, haraa cadaynaya in diyaaradii burburtay, sida borsooyin, agab kale, qaybo diyaarada ka mid ah, ama duuliyuhuba uu la soo xariiro dhulka asaga oo sheegaya in ay halis ku jiraan.
Sido kale dullimaadyo waxaa jira, meel ka duula, halkay u socdeena aan gaarin, oo aan dib danbe war looga maqlin, in ay halis ku jireen aan laga maqal, wax raad ahna aan ka tagin, xataa aan hawada la eedayn karin, oo xilligii duullimaadkaa laga yaabo in ay ahayad hawadu mid aad u wanaagsan, taas oo maskax wareer ku riday culumada sayniska iyo kuwa kalaba, dhacdooyinkaasna waxaa ugu caansan kuwii ka dhacay saddex geesoodka bermuda, oo haadooyin badan iyo maraakiib lagu wayay, oo aan dib danbe loo arkin.
Balse dullimaadkii 513 santiago airlines wax walba caadi ayay ahaayeen, wax cillad ah oo haadada ku iray ma jirin, xataa wax yar uu tuhun ah in si wax yihiin ma jirin, duullimaadka 513 in badan ayuu u kala gooshaysay diyaaradu labada dhinac ee badweynta atlantika, oo wax ku cusub maahayn socdaalkaan, aroortaas waxaa saarnaa, 88 rakaab ah iyo 4 shaqaale ah.
Sebrember 4dii duullimaadkii 513 ee santiago airlines, ayaa ka soo duulay magaalada Aachen ee jarmalka galbeed, una socday magaalada Porto Alegre ee baraasiil, duullimaadku waxay ahayd in uu qaato muddo 18 saac, xilligii loogu talagalay iyo ka dib markii aysan gaarin diyaaradii halkay u socotay, baadi goob badan oo la sameeyay, waa la waayay meel ay haadadii jaan iyo cirib dhigtay, yaabkuse wuxuu ahaa halkii 18 saac in ay ku tagto ay hayd waxay qaatay duullimaadkii 35 gu’, in uu ku gaaro garoonka Porto Alegre.
12 kii Oktoobar 1985, ayada oo aan wax xariira aan la soo samayn waaxda hagida diyraadaha, ayaa waxaa la arkay duullimaad ku dul meeraysanaya garoonka Porto Alegre, ka dibna si habsami ah u soo dagatay.
Markii hore maalmulkii garoonku wuxuu ka xanaaqay sida diyaarad aan xariir la soo samayn waaxda hagida ay u soo dagtay, balse markii diyaaradii loo tagay, durbaba waxaa la arkay in ay duq tahay, waxaase ka sii yaab badnayn markii la arkay in diyaarada ay leedahay shirkada satiago airlines oo irdaha loo xiray 1956, aan aaban jirin hadda, illinkii markii la furay oo gudaha loo galayna wax ka sii yaab badan oo qaracan ah ayaa loogu tagay.
92 qalfoof oo weli suumaankii kuraastu u xiran yihiin ayaa loogu tagay, waxaa la arkay qalfoofkii kabtan Miguel Victor Cury oo weli isteerinkii ku haya, matoorkiina ham ham leeyahay ama shidan yahay, dowlada Baraasiil markii la weydiiyay, waa ay diiday in ay ka bixiso wax faah faahin, waxayna ku ekaysteen in ay tiraahdo, diyaaradaan si kadis ah ayaa loo waayay, si habsami ahna hada waa u soo dagatay, dad badan ayaan ku eedeeyay in dowladu wax qarinayso, oo qaar yiraahdeen ayada ayaaba ka danbaysay waxaan oo idil.
Dr. Celso Atello, oo ahaa xeel dheere baara dhacdooyinka aan faah faahinada lahayn wuxuu yiri “Qalfoof ayaa diyaarada waday, rakaabka dhan mayd ayay ahaayeen, dowladu waa diidi karka in ay ka hadasho arrintaan, balse ma difiri karto in arrintaan ay ka hor imaanayso sharci kasta oo saynis, sharciga, goob iyo xilli, ilahay oo qudha ayaana garan kara sida qalfoof diyarad ku soo dajiyay”
Markii ay timaado miriqda diyaardaha, argtiyo iyo faahfaahino kala duwan ayaa jira, inta badana ku biya shubta in diyaaradu ay ku qarsoonstay ama dhix gashay, wax afka ingriiska lagu yiraahdo, wormholes, oo ku dhisan aragtidii Einstein, ah in ay jiraan dhuumo ama surimo isku xira. xilliga iyo goobta, si haddii loo eegana surimadaas ay soo gaabin karaan, socdaalka goob iyo goob kale, saynis yahakii Stephen Hawking, wuxuu yiri waa dhici kartaa in surimadaas ay jiraan, dad badana waxay qabaan iyo aragtida surimada xilliga-goobtu ay raad ku leeyihiin miriqda diyaarada badan oo la waayay, sida bermuda oo kale kuwa lagu waayay.
Si kastaba dad badan ayaa qaba in dhacdadaan runtahay oo qaarkood sheegeen in ay goob joog ahaayeen markii diraadu soo dagatay, waxaase jira kuwa kale oo diidan sheekadaan, cadayna u keenay sadeex qodob
1 toddobaalihii daabacay sheekadaa ee Weekly World News, waxaa lagu yaqaanay in uu daabici jiray sheekooyin dhalanteed ah, oo hada ka hor uu daabacay, diyaarad Pan amerika ah oo 37 gu’ la weysanaa oo dib u soo dagtay ayada oo nabadqabta.
2 waxaa jirtay qayb ka mid ah taxanaha The Twilight Zone oo la oranayay ‘The Odyssey of Flight 33’ oo diyaarad ayay si aan la garanayn dib ugu laabaray xilli la soo dhaafay.
3 wax kale oo cadayna lama hayo, warar la sku halayn karo o dib loogu raad raaci karo dhacdaan 1954 ma leh, waxa kaliya ee la hayaa waa qoraal wargays ee soo baxay 1989.
Adiga maxay kula tahay?
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/
Leave a Reply