DHIMASHADII LA YAABKA LAHAYD EE QOLKA 1046-Q-1

 

Aroor qaboow, 2 dii bisha janaayo, ayaa nin baaxad leh oo gashan gabood madoow qaboowgii ka soo galay hotelka president, uu ku yaal magaalada kansas, ee gobolka missouri, ee carriga maraykanka, inshu durabdiiba waxay qabanaysay dhererkiisa iyo dhismaha jirkiisa, haarada ku taal foolkiisa, iyo dhagahiisa qaroofan, aya dhigi karto in uu deeryahan yahay, wax boorsa ah ma uusan wadan ninku, balse si kastaba qol ayuu qabsaday asaga oo codsanaya qol tilmaamo gaar ah leh oo ah in qolka gudihiisu uusan jidka u xigin, lacagtiina caddaan ayuu ku bixiyay wuxuuna ku saxiixay buugga martiga dagan hotelka magaca Ronald T Owen oo cinwaankiisu yahay magaalada Los Angels, wiilkii meesha ka shaqaynayay Randolf, ayaa u kaxeeyay ninkii qolka 1046, qolkii markii ay galeen, ninkii wuxuu jeebabkiisa ka soo qufay alaaba yar yar, sida shanlo, rumay, daawada lagu cadaydo, wuxuuna saaray barta fool dhaqashada intii uusan wiilka ka qaadan furihii qolka, durbadiina hotelka banaan  kiisa ayuu aaday.

Mar danbe isla maalintaas, Mary Soptic oo hotelka xale ka ah ayaa gashay qolka 1046 si ay u hagaajiso, waxayna aragtay owen oo aad u war warsan oo qolka oo iftiin yar oo nal yar ka imaanaya, qolkiina hoos hoos inta badan yahay, daahyadu u daysan yihiin asaga oo dhex fadhiya, markuu argay gabdhii oo soo gashay ayuu inta istaagay oo is toosiyay, asaga oo sii baxaya u sheegay gabadhii in illinka oo furan ay ka tagto qolka markay baxayso, waayo qof saxiibkiis ah ayuu sugayaa oo hadhoow imaan doona, wuxuuna ku adkeeyay in ay illinka oo furan ay ka tagto oo uu waliba ku cel celiyay u sheegida, intii uusan bixi.

Mary waxay qolkii ku soo laabatay 10 [4tii]saac galabnimo si ay shukumaanayaal u dhigto, waxayna u timid Oweyn oo dharkiisii xiran oo sariirta dul saaran oo ku dhaygagsan saqafka aqalka sidii qoraal aan loo jeedin oo ka akhrinayo, waxay isha ku dhufatay shaqaalihii xaashi yar oo qoraal ku qoran oo miiska saaran oo oranaysa:

”Don, waxaan soo laabanayaa shan iyo toban daqiiqo ka dib, I sug”

Ayada oo dareentay in ay soohdin dhaaftay, ayay si aayar ah qolkii uga baxaday asaga oo weli saqafkii ku dhaygagsan, waxyna go’aasatay aroortii ka hor in aysan ku soo laaban qolkan.

Markii ay arootii danbe 3 dii janaayo ay qolkii ku soo laabatay, waxay la yaabtay in qolka uu kor ka xiran yahay, markii ay furaheedii shaqda ku furtayna waxay aragtay Owen oo mugdiga dhex fadhiya, daahyadii sidii ayay u xiran yihiin, nalkii yaraana sidii ayuu iftiin yar u bixinayaa oo meeshaba ka dhigay hoos hoos  cabsi leh, Owen oo telefoonka ku hadlayay kana muuqatay xassilooni daro oo hadba dhinac isku leexinyay, ayaa gacanta u haatiyay oo ugu baaqay in ay so gasho, gogoshii iyo agabkii qolka yaalay ayay tir tirtay oo hagaajisay, waxayna maqlaysay ninkaan yaabka leh oo leh:

”maya, Don, ma rabo in aan wax cuno, gaajo ima hayso, mar dhow baan quraac cunay, maya, gaajo ima hayso”

Si dagan ayay Mary qolkii u xashay, shukumaanadii usgagga haana u sii qaaday oo isaga tagaty Owen iyo telefonkii, Mary dhacdo kale oo yaab leh ayay kala kulantay qolka 1046, markii ay  wareegii nadaafada ee galabnimo ugu soo laabatay, waxay maqashay laba nin oo ka dhex hadlaya qolka, ayada oo oo aan doonayn in ay ka qasto ayay illinkii garaacday oo weydiisay in uu u baahan yahay shukumaanayaal nadiifa, si caro leh baase loogu war celiyay oo ma rabno lagu leeyahay, looguna sheegay in ay iska tagto.

Saqdii dhexe ee ay soo galaysay aroortii Janaayo affarteeda, toddoba saac ee danbe, [1dii habeenimo]  buuq ayaa ka yeerayay qolka 1046, martiga qolka ku dhagan dagaana wuxuu sheegay in qolka uu ka yeerayay buuq sidii nin iyo naag aad u murmaya, laga yaabee laba qof ka badan, waxaana laga maqlayay shanqar iyo jiid jiid, aroortii maamulihii hotelku waxuu dareemay in telefoonka qolka 1046 ay fiiladu ka siiban tahay, wiil ayuuna u diray soo ogaada waxa jira, balse wiilkii shaqaalaha ahaa asaguna fajac ayuu la kulmay oo nin ayaa qolka gudihiisa kala hadlay markuu iridda garaacay oo ku yiri, soo gal oo nalalakana shid  balse qolku waa uu xirnaa, wiilka shaqaalaha ah oo ahaa kii Owen qolka tusiyay markii hore, dadkii meesha daganaa wuxuu u sheegay, in markaas ka dib illinka oo xirnaa uu garaacay balse lagu dhagaystay, markaas ka dibna uu meeshiisa asaga oo joog uu yiri, telefoonka fiilda sur, balse waxaa cadayd in ninkii qolka dagganaa uusan maqlayn ama uusan dan ka lahayn.

laba saac iyo bar markay ahayd oo weli telefoonkii kala siiban yahay, ayaa waxaa loo diray qolkii wiil kale oo shaqaale ka ah meesha oo la yiraahdo, Harold pike, markii uu illinkii dhowr daqiiqo garaacay oo wax war celin ah uu waayay ayuu furihiisii shaqada ku furay oo galay qolkii, wuxuna la kulmay owen oo qaawan oo murdux ah iyo telefookii oo dhulka yaal, wuxuuna is yiri wiilkii malaha Owen qaadira ayaa haysa, telefoonkii ayuuna fiiladii suray si dhaqsa ahna waa uu u baxay.

Hal saac ka dib xiriiriyihii isgaarsiinta hotelku wuxuu dareemay in qolka 1046, telefonkiisu ay weli fiiladau ka siiban tahay, waxaana loo diray Rondolf si uu u soo eego waxa jira, balse marka qolka illinkiisa waaxaa saarnaa tilmaan odhnaysa, ”ha qasin ama buuqin” ”Do Not Disturb” wiilkii waa uu garacaay illinkii balse looma soo warcelin, markii uu furay oo galay qolkii wuxuu arkay Oweyn oo dhulka ku foorara oo ladabiisa gacmood madaxa ku haya, baro dhiig ahna ay ku yaalaan dhulka iyo darbiyada, intaas ayaa argagax ugu filnayd wiilkii oo durbadiiba booliiskii ayaa la war galiyay.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Leave a Reply