Markii booliiskii yimid waxay arkeen in Owen xaaladiisu aad u liidato, dhaawacyo xun xuna ay ka gaareen xabadka ka dib markii si ku cel celis ah oo xoog badan midi xabadaka looga shuqeeyay, madaxana dhaawac ku dhufasho xoog leh ay keentay kaga yaal, sidoo kale waxaa dhaawacyo jug kaga yaaleen, qoorta, gacmaca calaacasha korkeeda, qoobabka, waxyna u ekyd in la jir dilay oo la ceejiyay, la yaabku wuxuu ahaa in intii Owen uusan kooma galin uu ciidankii booliiska ku yiri, wuxuu ku kufay oo ku dhex dhacay barkada qubayska ee qof soo weeraray oo wax u gaystay ma leh, isbitaalka markii la geeyayan waa uu naf baxay.
Booliiskii markay baareen qolkii aad ayay ula yaabeen, waayo wax dhar ah meesha ma oolin, sidoo kale xaashiyaha musqulaha iyo shukumanayaal iyo agabka sida caadada ah hotelada laga helo midna ma oolin qolka, gogosha sariirta iyo darbiyada iyo mushqusha waxaa ku halaysnaa dhiig, faraha kaliya ee qolka laga helayna waxay ahaayeen kuwa ku yaalay nalka jiifka oo loo badiyay in ay fara naaged yihiin, waxaa kale oo yaalay qolka laba galaas oo biya ah oo midkood xoogaa laga cabay, midka kalena sidii sii uu u buuxo, iyo dhalo aashito ah oo xiran, wax kale oo yaalay ma jirin qolka, shaqaaulu waxay booliiska u sheegeen in daahyada qolka aan xataa hal marna la furin intii uu Owen daganaa, wax raad reeb ah oo la daba galo ma jirin, booliiskana dhib ayaa ka haysatay in gartaan waxa meesha ka dhacay, balse arritu waa ka sii yaab badnaan doontaa siday hada tahay.
Waxaa la ogaaday in Roland T Owen uusan ahayn magasiisa runta ah oo uu hotello kale o magaalada ku yaal uu magacayo kal gaddisan ku soo joogay oo dhamaantood been ah, intaasna hal mar oo qudha ayaa la arkay asaga oo nin kale la socda, warar kalena waa la helay sida nin maaglada ka shaqeeya oo la yiraahdo Lane uu yiri, Owen ayaa u yimid asaga oo u malaynaya in uu taksiile yahay, lane wuxuu sheegay in qobowgii dhacayay uu ninku qabay hoos gashi ”kastuumo” iyo funaanad kaliya, markii uu u sheegay in uusan taksi ahayna uu weydiiyay halka uu ka heli karo mid, Owen gacantiisa dhaawac ayaa ku yaalay oo dhiig ayay lahayd markii lane weydiiyayna waxa gacanta kaga dhacay, inta candhuuf tufay ayuu yiri waan ka aarsan doon, ka diba iska dhaqaaqay.
Dad kale oo kuwa baararka kahmriga ka shaqeeya waxay sheegeen in Owen uu imaan jiray baararka aaggaas asaga oo naago kala gadisan la socda, hagaha wiishka hotelka president wuxuu sheegay in uu arkay naag uu u qaatay in ay sharmuuto tahay oo hotelka dhex wareegaysa oo raadinaysa qolka 1046, lamase kala garanayn in ay naagtu lambarka qolka ay raadinayso gaftay iyo in ay lug ku lahayd Owen, booliisku sawiradiisii ayuu meel kasta u diray, balse cid taqaanay qof uu yahay waa la waayay.
Markii meydkiisii dad badan la tusay, waxaa ka mid ahaa dadkaas maareeye lagdin oo sheegay in ninkaan magaciisa runta ah la yiraado, Warner, balse intaas oo dhan waxba sooma kordhin, sumadii Owenna waa la garan waayay, markii duugta loo diyaarinayay ayaa nin soo wacay booliiska oo uu ku leeyahay, ninkaas maydka ah waa seedigiis una sheegay booliiska in qaldanyihiin ninkaasna aysan ku duugin qabuuraha Potter, sidii horey loo qorsheeyay, qofkaan soo wacay ee daahsoon xataa waxa uu bixiyay kharashkii duugta oo dhan, asaga oo lacag cadaan ah oo wargays ku duuban ugu diray shirkad dadka duugta, balse wax kale oo war bixin dheeriya ma jirin oo ka soo socotay, darbi cidla ah yaa lagu tagay mar kale.
Duugtiisii qaraabo iyo saaxiibo cid timid oo ka soo qayb gashay ma jirin, in kasta oo qof aan la aqoon oo soo diray lacag iyo ubax iyo xaashi yar oo ay ku qoran tahay ”waligay waan ku jeclaan, louise” balse weli booliisku ma ogaan qof uu yahay owen, waxayna isku dayeen in ay helaan qofkaan qarsoon oo Owen xaashida ugu qornaa, balse wax cad oo ay daba galaan ma hayn, markhaatiyaashii sheegay dhaqanka yaabka leh ee maalmihii hore ee Owen iyo qolka waxii loogu tagay, waxaas oo dhan oo isku maran ayaa booliiskii ka dhigay kuwa jaha wareerasan oo howshii adkeeyay, arrintuna waa isku qaban waayday oo hal hal u qabta waa waayeen si ay ku ogaadaan yaa falkaan gaystay iyo sababta.
Ugu dnbayntii Owen waxaa lagu duugay qabuura kale kharashka oo dhana waxaa bixiyay qofkii qarsoonaa, dhimashadii iyo xaaladii la xariirtay waa ay adkaatay in la xalliyo, howshiisiina dhinac ayaa la iska dhigay tan iyo 1936 markii naag ay soo wacday booliiska oo magaceeda ku sheegtay Eleanor Ogletree, oo ku nool birmingham, alabama, naagtaan daahsoon waxay sheegtay in ay wargays ka aqrisay arrintaan oo durbadiiba ay aqoonsatay sawirka wlaalkeed Artemus oo waa hore la wayay, siday ayadu sheegtay Artemus waxaa la waayay gugii 1934, tuhun badana waa u ku xayn daabnaa xaalada, sida muuqata waraaqo badan oo yaab leh ayuu usoo qori jiray hooyadiis, inksta oo uusan aqoon sida teebka wax loogu qoro, eryaduna aad ayay u qaldanaayeen, xaashidii ugu danbaysay wuxuu ku yiri waxaan rabaa in aan adduunka soo arko oo waxaan aadayaa yurub.
arrintuna sidaas ayay ahayd tan iyo intii telefoon aan la aqoon soo dhacay, telefoonka waxaa laga soo diray memphis, ninka soo dirayna wuxuu isku magacaabay Jordan, oo yiri Artemus ayaa noloshiisa badbaadiyay, hadana waa uu guursaday oo wuxuu dagay qaahira, masar, raadintii Artemus waa lagu guul daraystay, sawiradii Artemus ayaa booliiska loo soo diray, isku ekaanshada laba nin waxay ahay mid aan caadi ahayn, xataa haartii foolka waa ku leeyhaay waliba isku dhinac, la yaabku wuxuu ahaa hadii uu Owen ahaa ninkaas, markii xilliga la fiiriyo waraaqahaan la soo diray iyo telefoonka la soo diray waa ay ka danbeeyeen dhimashadii Owen, Artemus ma Owen baa dhabtii? Haddii uu yahay sidee ayuu kansas ku yimid? ninkaan qarsoon Jordan, ma Don kii Owen la hadlayay miyaa oo lagu arkay asaga oo la socda? Asaga miyaa dilay Artemus ka dibna waraaqahaan soo diray, markii danbana cidda telefoon u soo diray? Side markii uu dhintay ka dib ku joogay masar? Waa tuma naagta arrintaan ku dhex jirtaa, qayb sideeya ayay ka qaadanaysaa? Sida muuqatay arrintii waa ay iska qaboowday oo raad la raaco waa la wayay, booliiskiina meel ay wax ka qabtaan waayeen.
Guyaalkii ku xigay hadba raad la raaco ayaa soo baxayay xilli ka xilli, mar dhow 2003, ayaa ninka shaqeeya laybareeriga kansas city, oo la yiraahdo John Horner, ayaa qof uusan garanayan telefoon u soo diray oo u sheegay, qof dhintay alaabtiisii asaga oo baaraya ayuu ku arkay sanduug yar oo waxyaabo kala gadisan oo aan caadi ahayn ku jiraan, waxaana ka mid ahaa qaybo wargaysyo oo ku saabsan qormooyin laga qoray arrintii Owen/Artemus iyo walax lagu soo qaatay qoraaladii warkaysyada oo si wanaagsan loo habeeyay, balse walaxdaas waa la soo saari waayay, raad xiisa leh ayuu ahaa balse mar kale ayaa darbigu soo ceshay.
Waxaa jira wax yaabo la yaab leh, raadad amankaag leh, weydiimo ku hareeraysan arrintaan oo ay tahay ma dhacdo in la ogaado halka ay ka bilaabatay, waa ay jireen aragtiyo badan sida, arrintaan waxaa dhalay jacayl saddex geesood ah oo xumaaday, oo Owen/Artemus qolkiisa ayaa dad aan la aqoon ku xabiseen, ayaga oo ujeedo xumaan ah wata, markaas ka dibna uu waashay dadkii haystayna ay garaaceen, balse sheekooyinkaas oo dhan mid ma buuxin meeshoodii, raad cusub oo soo kordhay maleh ama iftiin ku saabasan arintaan oo soo muuqday, waxay u muuqataa waxa kaliya ee  hubaal loo ogyahay in ay tahay in aan waxba la ogayn, dad la tuhmay ma jirin, ujeedo cad oo loo maleeyay in loo dilay lama oga, wax lagu qanco oo raadadkaan isku xira ma laha, ayuu ahaa Roland T Owen?, maxaa ka dhex dhacay qolka 1046?? Siday u muuqato weligeen ogaan mayno.
DHAMMAAD
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply