DHACDOOYIN YAAB LEH Q-1AAD

 

                                   

Olombikadii 1904

 

ciyarihii olombikada 1904tii ee lagu qabtay magaalda St. Louis, caynkooda oo kale aduunka sooma marin.

Ugu horayntii jidka lagu ordayay wuxuu ahaa mid aad u bus badan, taas oo keentay oo dhaawacyo badan yimaadaan, mid ka mid ah dadkii ordayayna isbitaal ayaa loola cararay ka dib markii butsii uu jiidayay ay dhaawac u gaystay sambabadiisa iyo diillimaha calooshiisa.

Dadkii soo qaban qaabiyay tartanka si ula kac ah ayaysan biyo u keenin tartanka, ayaga oo doonayay in ay arkaan, dhib intee le’eg fuuq baxu gaysan karaa,

Ninkii u horeeyay oo booska koowaad galay, wuxuu ahaa, Fred Lorz, baabuur ayaa horay u soo qaadayka dib markii muruq booday, oo u soo dhaweeyey xariiqdii dhamaadka tartanka, markaas ayuu gaarigii ka dagay, wax yar ka dibna xariirdii ayuu gudbay, markii dadka qaar ay arkeen, wuxuu sameeyay, wuxuu ku yiri, kaftan baan ka waday.

Ninkii galay booska labaad, Thomas Hicks, waxaa la soo cabsiiyay intii uusan tartanka bilaabin, isku qas xab ukun iyo sunta strychnine ee jiirka iyo shimbiraha lagu dilo, ayada oo looga dan lahaa ama la yiri awood sare ayuu ka helayaa, asagana xariiqdii markii uu gudbay ayaa meesha laga qaaday.

Booska afraad waxaa galay Andarín Carbajal, wuxuuna ahaa kuubaan, lacag badana looga soo aruuriyay kuuba, asaga oo leh, koobka anaa qaadaya, magaca kuubana kor ayaan u qaadi doonaa, balse markii uu ameerika yimid lacagtii oo dhan waa ku khamaaray, tartankiina wuxuu yimid asaga oo dhar caadiya xiran, oo aan ahayn kuwa lagu tartamo, ayaan wanaag tartama kale oo middi watay ayaa surweelkii inta hoose ka jaray oo daba gaab uga dhigay, Carbajal intii uu tartanka ku jiray jidka geeskiisa ayuu u istaagay in uu wax cuno, wuxuna cunay tufaax qurmay, oo caloosha ka qabtay, taasna ay keentay in uu xoogaa jidka dhiniciisa seexdo.

 

MA QUUSE

 

ma quuse, magacaan waa lagu naynaasi jiray mukulaal, magaciisa dhabta ah la oran jiray oskar, noloshiisa waxay ka bilaabatay, dayararkii maraakiibta lagu dhisi jiray ee nazi ga, waxa uu fuulay markabtii dagaalka ee Bismark, waxaana markabkaas quusiyay markabkii Igriiska ee HMS Cossack, 1941, badmareenadii ingriiska ayaa helay mukulaalka oskar oo badda sabaynaya, waana baddaaiyeen, ayaga ayaana u bixiyay magaca oskar.

Muddo ka dib markabkii Cossack waxaa haleeshay torpedo Naaziyiinta, waxaana ku dhintay 159 qof, Oskar se mar kale ayuu badbaaday, waxaana u gurmaday bad mareenadii badbaaday, waxaana loo bixiyay maga ma Quuse.

shaqdiisii u danbaysay waxay ahay markabka HMS Ark Royal, markabkaasna asna waxaa haleeyay, torpedo Jarmal, Oscarna waa ka badbaaday, intii dhimatay kuma jirin, ugu dayn bayn wuxuu howl gab ku noqday magaalada Belfast oo uu ku noolaa guri nin bad mareen ah, wuxuuna dhintay 14 gu’ ka dib markii uu quusay markabkii Bismarck..

 

Robert Liston

 

Robert Liston wuxuu caan ku ahaa in uu ka mid ahaa xilligiisii, dhaqtarada qalliinka ee ugu faraha fududaa, ama ugu dhaqsiyaha badanaa, xilligaasna ma jirin daawada la isku suuxiyo, oo qofku asaga oo soo jeeda ayaa la qali jiray, qalliinba qallinkuu ka gaaban yahay waa ka wanaagsanaa, waayo waa ka xanuun gaabnaa.

wuxuu kale oo caan ku ahaa, dhimashada bukaan socodkiisa, oo aan caadi ahayn oo aad u badnayd, sida la sheegay boqolkiiba saddex boqol ayay ahayd qiyaasta dhimashada uu gaystay, balse qaliin uu sameeyay oo uu qof noloshiisa ku badbaadinayay, wuxuu ku dilay saddex qof oo kale, oo aan xanuunsanayn.

Liston, mar uu lug jarayay, asag oo dhaqsa badan u shaqaynayay ayuu wuxuu laba far ka jaray, kal kaaliyihiisii, kal kaaliyihii iyo qofkii lugta la jarayayba mar danbe ayay u dhinteen dhaawacyadii, waxaana loo malaynayaa in miinshaartii uu lugta ku jarayay aysan nadiif ahayn.

Dhimashadii saddexaadna? Caada waxaa ahayd xilligaas in dhaqtardu ay dul joogta ka noqdaan qalliimada oo ay daawaan, liston na si aan kas ahayn ayuu sakiintii uu wax ku qalayay ugu saray, jaakadii dhaqtar duqa oo ag taagnaa, asaga oo u maleeyay in sakiintii caloosha ka haleeshay oo ay banaanka ku soo dhacayso, dhaqtarkii duqa ahaa waxaa ku dhacay qaran ama shook, waxaana daba socday wadna xanuun ku soo booday, bartiina waa ku dhintay, sidaa ayaa Liston saddex naf ku dilay asaga oo hal naf badbaadinyay.

 

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply