CUDURKII HAVANA

 

 

Bishii Disembar 2016, sarkaal ka tirsan CIA ayaa booqday xafiiska caafimaadka ee safaaradda Mareykanka ee Havana isagoo ka cabanaya lallabbo, madax-xanuun, iyo dawakhaad. Maalmo ka dib, laba sarkaal oo kale oo CIA ah ayaa soo sheegay xanuuno kii la mid ah. Dabayaaqadii 2018, tirade dadka xanuunku soo ritay  waxay gaadhay 26 Maraykan ah iyo 13 reer Kanadiyaan ah oo ayaguna isku cudurkii ka cabanaya, waxaana haleelay dhamaan, maqal la’aan, dhiig sanka ka yimaada, iyo arrima la xariira fiijignaanta, dhibbanayaashu waxay sheegteen in calaamadaha cudurku ay ka dhasheen dhawaaq yaab leh oo ay maqleen ayaga guryahooda jooga ama qolalka hoteeladooda. Hal qof ayaa sheegay in dhawaaqaan uu ahaa mid aad u dheer Mid kale ayaa ku tilmaamay ” dhawaaqu waxuu u ekaa mid qolka lagu tabiyay si ula kac ah” Qaar baa ku adkaystay in dhawaaqu uu ahaa sidii wax lagu dul jiidayo mutuneelaha dhulka.

 

Cudurkaan ayaa wareeriyay khubarada caafimaadka. Dhakhaatiirta Jaamacadda Pennsylvania oo baadhay qaar ka mid ah dhibbanayaasha waxay ogaadeen in uu leeyahay calaamado u eg miyir-beelka, kama aysan heli dhibanaashii wax muujinaya dhimir beel.

 

Waxaa laga yaabaa in aad is tiraahdid dowlada kuuba ayaa lug ku lahayd, balse Dowlada Kuuba waxay si adag u diiday inay masuul ka yihiin cudurkaan, baarayaal badan oo Maraykan ahna waa ay ka rumaysteen, waayo ayagii ayaaban wali ma garanayn waxay tahay iyo sida ay wax u dhaceen, ma nooc cusub oo hub ah baa? Lama yaqaan, CIA waxay sheegtay  inaysan garanayn wax hub dhawaaq ah oo sababi kara calaamadaha cudurkaan,

 

Qaar waxay qabeen aragti ah in aaladaha dhageysiga ee qarsoodiga ee sirdoonka kuuba ay galiyaan qolalka iyo xafiisyada qaar ka mid dadka basaasiinta iyo diblomaasiyiinta ah ay keeneen cudrka, balse FBI-da ma helin wax caddayn ah oo lagu xaqiijinayo dooddaas. Dhab ahaantiina hererka ultrasound wuxuu ka sarreeyaa qiyaasta maqalka bini’aadamka.

 

Laba saynis yahan oo oo baaray cajaladahii laga duubay dadkii bukay ayaa aaminsanaa in codka la sheegayo uu ahaa mid cod ayax qooqan,  Mid ka mid ah saynisyahannada, Alexander Stubbs oo ka tirsan Jaamacadda California, Berkeley, ayaa sheegay in cayayaankaan uu aad u qaylo dheer yihiin.

“Waxaad ka dhex maqli gartaa gudaha gaadhi 40 mayl saacaddii ku socda”

Welise saynisyahannadu wax fikrad ah kama haysan sababta dhawaaq oo u horseedi karo jirro bini’aadamka ku dhacda.

 

Waxaa laga yaabaa in ay ahayd oo kaliya neerfa daal haleelay dadkaas jiraday oo  “Kuuba waa meel halis sare leh, oo dadka ajaanita joogta  cadaadis sare saran yahay”

sarkaal hore oo ka tirsan safaaradda ayaa u sheegay propublica.org. in Diblomaasiyiinta looga digaa

“in ay jiri doonto ilaalo, waxaa dhici kara in gurigaaga laguugu xiro qalabka wax lagu dhagaysto, ama xafiiskaaga, xataa gaarigaagaga, mar kastana halis iska filataa’’

 

Waa run waana ka dhici kara, sidee loo sharaxi tan ka dhacay Shiinaha?

Bishii Maajo 2018, qof Mareykan oo ka shaqaynayay qunsuliyadda Guangzhou ayaa laga helay cudur kii kuuba laga helay oo kale ah, Ugu dambeyntii, 15 Maraykan ah ayaa la daadgureeyay, kuubana marakykanku wuxuu ka soo qaatay boqolkiiba lixdan diblomaasyiintii u joogaty, ayaguna waxay dalka ka saareen 15 diblomaasi kuubaan ah.

Waxa la isweydiinayay oo tan iyo hada la isweydiinayaa, cudurkaas muxuu ahaa, ma hub cusb oo dagaal qaboow lagu bilaabay baa.

 

 

Leave a Reply