Camuu alxaaji-qubayskii dhimashada

Ka dib culay garbaha uu ku sitay 70 gu’  camuu alxaaji axadii tagtay ayuu geeriyooday asagoo jira 94 gu’, kuna geeriyooday magaalo ku taal koofurta iiraan,

Inkasta oo camuu alxaaji uusan is miidaamin 70 gu’ ka hor, hadana wuxuu noqday duur gal ka tagay tuuladii uu ku noolaa iyo dadkiisii, iyo noloshii caadiga ahayd, xanuun jacayl awogiis, laba walax ayaana noloshii ku soo haray oo saldhig u noqday, in uusan maydhan ama qubaysan noloshiisa inta ka dhiman, iyo in uu biya cabida qabatimo oo maalintii uu cabo dhowr litil oo biya ah, kuwa roobka, kuwa barkadaha tuulada agteeda ah, intaasna waxa u sii dheeraa cabitaanada qasacadaysan ee dadka tuuladu u keeni jireen.

Gacaladii uu jeclaa uu waayay, xanuun badana ay ku haysay weydinteedu, wuxuu go’aansaday in uu ka dheeraado agteeda oo u noolaado sidii duur joogta, sidii uu doono asagu naftiisa iyo muuqaalkiisa ka yeelo, una noolaado, garka iyo timiuhu markay ku baxaan wuxuu ku xiiran jiray in uu dab qabadsiiyo, muraayad uu isku arkana waxaa u ahaa kuwa gawaarida.

Sheekada camuu alxaaji tobanaan gu’ ayaa warbaahinta iyo dadkuba warinayeen, iiraan gudaheeda iyo dibadeedaba, xataa soo saare filin ayaa filin ka sameeyay filinkaas oo ka qayb galay badhiga tartanka filimada ee iiraan 2013.

Tobonaan gu’ee uu diiday in uu qubaysto, digada xoolaha ayuu sigaar ka dhiganayay, oo sigaar ahaan u dhuuqayay, baqtigoodana cunayay, koox dhaqaatiir ah ayaa baaritaan buuxa ku sameeyay camuu alxaaj 7 gu’ ka hor, layaabkuna waxay ahayd markii baaritaanadii ay sheegeen in caafimaadkiisu uu heer sare yahay oo haba yaraate wax jira ah uusan qabin, difaaca jirkiisuna aad u adag yahay oo qaabkiisa nololeed u dhigmo.

jacalkiisii

 

Sheekada jacaylka camuu alxaaji waxay gadaal ugu noqon  70 gu’, markii uu jeclaaday gabar tuulada daganayd, asaga oo dhalin yaro ah aadna u qurux badan, wuxuuna ka doontay reerkoodii-sida dadka tuladu sheegaan- balke reerkii waa u diideen guurka gabadhooda, markaas oo uu muddo 4 gu’ ah mirqay oo meel uu ka baxay la waayay, ciddiisiina u malaynayso in uu saxaraha ku dhintay ama uu is miidaabyay oo is dilay, ayaa nin dadka tuulada ka mid ahi ka helay meel tuulada u jirta 100km, gurigoodii ayaan ku soo celiyay, balse waa diiday in uu guriga galo iyo in uu hadlo, cidiisiina waxay ku tiriyeen in uu waashay.

Muddo markii u uku noolaa god tuulada u dhow, oo dadka tuulada dagan cunada iyo hadiyooyin ugu gayn jireen godka, wuxuu qabatimay in uusan naftiisa daalin bao o ku noolaado, balse aayar aayar ayuu u gadoomay oo diiday cunada wanaagsan ee cusub fareeshka ah iyo biyaha nadiifka ah, dadkii waxay u dhiseen aqal yar oo dhoobo ah, si uu qaboowga jiilalka uga galo, waase diiday in uu dhex seexdo  oo wuxuu qabatimay seexashada godka qabriga u eg.

 

Qubayskii dhimashada

Waligiis camuu alxaaji wuxuu iska ilaalin jiray in uu maydho, asaga oo ka baqsanaa hadii uu maydho in uu bukoodo, waayo waa uu rumaysnaa hadii uu maydho in uu xanuunsanayo, mar dhalin yaro xeel u dageen si ay ugu qubeeyaan, markii uu ogaaday ujeedkooda gaarigii oo ordaya ayuu iska tuuray, bil ka hora yay ahayd markii uu xanuunsaday ka dib markii loo maydhay, oo raggii tuuladu ay ku qanciyeen in uu qubaysto oo biyo nadiifa u keeneen.

Camuu xaaji kama raja dhigin uu xaas helo, qoys abuuro, balse durbadiiba waa is gadiyaa asagoo leh, ma uu doonayo in jacayl naag kale tii uu jeclaa maahine qalbigiisa galo, socdaal nololeed oo hal qarni ku dhow camuu alxaaji asaga oo gooni ujoog duur gal ah ayuu geeriyooday.

 

Leave a Reply