waxaa kale oo ku cadaa nuqulada qorshaha qorshaha in la tababaro oo la soo xera galiyo kumaan kun xarakada al shabaata soomaaliy eek u xiran ururka al qaacida, sidoo kale kooxo ka tirsan ururka al qaacida ee jasiirada carabta saldhiisuna ahaa yaman, sidoo kale ciidankii loo yaqaanay ciidan abyan ee koofurta yaman, iyo qaybo xuutiyiinta ee waqooyigii yaman, iyo kuwa kale oo ciraaq dhex joogay oo loo yaqaanay, kooxda kood ee ciraaq.
Ujeedka intaas isku dhafan oo kooxa ah oo dalala kalae duwan oo sucuudiga u dhow, loo tababarayay ama loo soo xera galinayay waxayn ahayd in si fudud luugu duso sucuudiga ayada oo laga soo galayo soohdintti koofureed iyo tan waqooyi, oo mar qudha laga fuliyo howlgallo isku mar ah, magaalooyinka riyaad, jaddah, najraan, jiisaan, casiir , iyo kuwa kalaba, waxay ka hadlayeen nuqulla qarsoodiyihi “dhammaystirka hawl gallada goobta” oo loo gudbiyay kooxda hawlgallada sirta ah, oo xafiiskoodu yaalay xafiiska qadaafi ee baab al casiisiya, oo ay ku xusan tahay dhammaystirka loo baahan yahay in khal khal la galiyo dagganaansha sucuudiga.
qoraalku wuxuu lahaa
“si loo dhammaystiro howlaha si kama danbays ah, oo qaarkood gabagaba marayaan, iyo in lagu diyaariyo inta hartay muddadii loogu tala galay si ay howlahooda u gutaan,
1 aagga waqooyi bari, oo ah kooxaha ciraaq oo howlgalkoodu ku koobnaanayo magaalada riyaad.
Cutubka labaad ee qoraaku wuxuu lahaa;
2 aagga waqooyi galbeed { jabhadda xijaas}, maxamad M, wuxuu gudaha ku leeyahay kooxo iyo unugyo, oo weerari kara goobo halbowlayaal ah, warbixinnada soo aruurin kara
aaga koofureedd: kooxda {S.bin SH} iyo {S, abu L} iyo {Y, abu SH} saadexdaas koox waxay ka duullaan tagayaan dhulka yamanta, dhulka beesha {W} fool saarkooduna wuxuu ahaan doonaa dhinaca, najraan, jiisaan, iyo casiir, waana suurta gal in ay gaaraan jaddah, ciidankaana wuxuu dhan yahay lix kun oo hubaysan oo diyaar ah, lana rabo in lagaarsiiyo tan iyo saddex iyo toban kun oo qof.
qoralka oo sii socda wxuu yiri:
Beelaha “C” ee ma’rib-kooxda sheikh {C.M}, haddi aan ogolaano in la diyaariy tirada cciidankaas waxay noqonaysaa kun dagaal yahayn, waana qorshe wanaagsan oo beelahaas waxay gacan saar iyo is kaalmaysi la leeyihiin qaacidada jaziirada carabta oo haddaba ku sagan dhulka beelahaas.
Waxaa kale oo war bixintu sheegay waxa ay ugu magic dartay, {soomaali u tababaran adeegsiga hubka} waxay kale oo sheegtay shirkad badmareen oo liibiyaan ah oo u diyaarsan in ay soomaaliya ka soo qaado tan iyo xeebaha yaman, markaas ka dibna sucuudiga la galiyo.
war bixintu waxay tiri: { soomaalidu waxay diyaar u tahay in tiradii looga baahdo ay keenaan, ilaa iyo toban kun oo soomali ah oo badankood tababaran hubkana adeegsan kara oo u baahan tababarkooda kor loogu sii qaado xaga dabin dhigida iyo qarxiska, waxaana socda hadda aruurintii xeryaha tababarka lagu keynayay, fiira gaar ah, hadda gudaha waxaa ku diyaar ah 300 oo qof, qorshihii ay ku tagi lahaayeena yaman waa la dajiyay, ayaga oo kaalmo ka helaya burcad badeeda soomaaliya iyo shirkada kallumaysiga ee liibiya {Z} iyo {M}, waxaa kale oo jira qorshe kale oo aan hadda ka fakarayno oo ah in soomaalida qaarkood ama dhammaantood lagu daro kooxaha {W} iyo {C} oo markaas ay mar qudha wada dhaqaaqaan.
waxay warbintu in taas ku dartay, in ay haddaba jiraan dagaalyahaniin calooshood u shaqaystayaal iyo iyo argagixso oo diraa u ah in la galiyo sucuudiga si ay uga guliyaan howl gallo qarbudaad, kooxha {R} oo 2000 oo qof ah waa diyaal in hadda dhuumaalaysi lagu galiyo sucuudiga ama markii waqtigu ku fiican yahay, dhibka jira ayaa wuxuu yahay qarashka ay doonayaan oo aad u sareeya, sidoo kale mubaarak wuxuu sheegay in aan xil ka saarnayn asga howlaha gudaha, oo wuxuu yiri howshaan waa howsha diktoor {C.C} iyo gaanshaalle {SH}, labadaasna waxay doonayaan ayaa aad u badan, haddi aan ka faa’iidaysanayno {R} waxaa lagu dari karaa yamaniyiinta, ama waxaa la shaqaynaynaa hoggaankooda gudaha oo ayagu xilka qaadaya ama aan lacag ku siino siday ay gudaha soomaaliya ugu diyaariyaan, kooxda {C} waxaana lagula heshiiyay {D.R} in wararka iyo qoraallada kooxdu ay magaciisa ku soo baxaan waana uu ogalaaday ,
Sidoo kale kooxda {Q} waanaa koox saraakiil gudaha joogta ah iyo xubno kale oo ka tirsan {SH}.
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply