taliskii qadaafi wuxuu dajiyay qorshe oo ku tababarayo kumaan kun calooshood u shaqaystayaal ah iyo argagixisooyin loogu tala galay in ay xaluushaan carriga sucuudiga
Waxay sheegayaan nuqulo dukuminti oo laga helay qaybtii loo yaqaanay , qoybta warbixinta sirta ah, oo si qumaatiya u hoos tagi jirtay xafiiska gaashaanle qadaafi, in sirdoonkii liibiya ee taliskii hore ka shaqaynaysay sidii ay qowl gallo qarbudaada uga gaysato sucuudiya, sidoo kale waxay isku dayeen ayaga oo adeegsanaya, ururro argagixiso, calooshi u shaqaystayaal, iyo malaayiin dollar, in ay ka sameeyaan howl gallo qorshaysan gudaha sucuudiya,
waxay sheegayaan qoraalladu in la soo jeediyay in la howl galiyo bur cad badeeda soomaalida, ayada oo la adeegsanyo shirkada kalluumaysiga ee liibiya, waxaa kale oo la soo jeediyay in sharkado kale oo bad maaxeed laga sameeyo soomaaliya ayada oo loo adeegsanayo isla ujeedkaas.
Qoraallada la helay oo ah boqolaal ee laga helay hoggaano cutubyo ciidaneed magaalada tiriiboli, sidoo kale waxaa la helay tobonaan sawiro ah, iyo war bixno kale oo laga helay Farat oo si dhow ula shaqaynaysay gaashaanle qaafi oo muddo 42 gu’ ah awooda haystay.
Sida muuqata nuqulada dukumintiyaasha, howl gallo badan ayay isku dayeen sirdoonkii qaafi muddo tobonaan gu’ ah, oo intooda badan ku dhamaaday guul darro sababa badan dartood, oo ay ugu horayso sucuudiga oo feejignaa oo markasta fur furayay qorshaha qadaafi, si dagganna u baa’bi’inayay, in kasta oo ay galaafateen dad aan danbi lahayn ee dalal kala gooniya, gaar ahaan yaman oo ahayd meesha ugu fir fircoon ee ay joogeen dad la shaqeeya taliska qadaafi, kuna dhamaatay weeraro guul darraystay oo ay xuutiyiintu ku qaadeen xadka sucuudiga xilligaas.
Intaas waxaa sii dheeraa howl gallo kale, olole kale oo sirdoonka qaafi qaadeen oo ay adeegsanyeen, wargaysyo, muuq baahiyaal, iyo internet ka oo ku tilmaansanyeen sucuudiga, waxaa kale oo lahelay nuqul warqado la siku diray oo daaha ka qaadaya howl gal habaysan ee qadaafi ku qaadayay sucuudiga, qaarkoodna ay ka hadlayaan sida sirdoonka maraykanku u dhex galeen oo u dhagaysteen labaatan kun oo talefoon lagu sheekaysanayay oo ahaa madax liibiya iyo qadaafi qudhiisa, iyo wiilkiisa seefudiin al islaam, madaxa sirdoonkiisa cabdullaahi al sanuusi iyo kuwa kale,
waxaa kale oo la helay dukumintiyo ku saabsan ka ganacsi maandooriyaha kookaayiinta oo ka dhaxeeyay ururka la qaacida iyo xil hayaal liibiyiin ah, dalka maali dhexdiisa iyo dalal kale oo afrikaan ah, oo ay lug ku leeyihiin dalka kaloombiya iyo kuwa kale.
nuqulla kale waxaa ka muuqaday in waraaqihii internetka la isugu dirayeen qaybta war bixinada sirta ah ee qadaafi raacsanayd, waxaana maamulayay dhamme “C” oo ay kaalmaynayeen laba xigtada qadaafi ah oo ka tirsanaa hoggaanka kacaanka, waraaqahaas oo si ula kac ah hinkaada loo khaldayay iyo qorriinka, waxay ku ekaysteen in lagu muujiyo xarafka uu ka bilowdo magaciisa labaad, qofkasta oo ku qornaa.
Qaybta koowaad ee nuqulka waxaa ku caddayd sidii kooxo hubaysan iyo qarbudayaal loo geyn lahaa gudaha sucuudiga, oo ay ka wada shaqaynayeen dad la shaqaynayay taliska qadaafi ee gudaha yaman jooga iyo xafiiska qaybta war bixinada sirta ah ee ku yaalay baab al Caziiziya, ee galbeedka tariiboli, intii u dhaxaysay dayrtii 2009 tan iyo bilowgii 2010,
waxaana ka muuday sida uu u beegsanayo taliska qadaafi dowlada sucuudiya ayada oo aan wax sabab ah lahayn, taliska qadaafi wxuu adeeg saday walba siduu uu qas iyo qalalaase iyo qaraxyo uga geysan lahaa gudaha sucuudiga, asaga oo adeegsanaya ururo iyo dad ka tirsan uurka al qaacida, waxayna nuquladu sheegeen in uu ku hugoobi jiray qadaafi waayo sucuudigu aad ayuu u fashili jiray qorsha liibiyiinta.
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply