CUTUBKA-1-AAD
MAQAAXIDA
Dhinaca waqooyi waxaa fariista koox wadaado ah markaad muuqaalka ka eegto oo garar waaweyn leh inta badana khamiisyo qaba, warkooduna uusan banaanka u bixin oo cid kale aysan maqlin, in kasta oo ayaga iyo dadku ay xoogaa ay isku jiraan oo beer ubax ku beeran yahay ay u dhaxayso, haddana waa dad aan buuq lahayn oo hoos u hadla, wax dhib ahna haba yaraatee aan cidna ku hayn, balse ayaga dhib lagu hayo oo intaas wax laga sheegayo sida.
“Ma aragtaan doofaarnimay isku urursadeen oo hadalka hoos ugu dhigayaan”.
“Deeqdii dowladaha muslinka ay ka soo qaadeen ayay meesha ku qaybsanayaan”.
“Dowladdu ma indhahay la’dahay, waaba kuwaan al shaabaabe may qab qabato”.
Kuwaa gaaray inay yidhaahdaan
“Xaddiisyo been ah oo ay nagu jaaha wareeriyaan ayay meesha ku allifayaan”.
Haddii qof xamasho la xantay loogu danbi dhaafayo, raggaas dhinaca waqooyi ee makhaayada Dalsan fariista ayaa loogu danbi dhaafi.
Bartamaha waxaa fadhiista dalaalleeyda oo laba jaad ah, dalaalleeyda dhulka iyo kuwa siyaasada, dallaaleeyda dhulka oo dhinaca irida soo xiga fariista qaylo badan maleh, laakiin hadal aan kala go’ lahayn ayaad ka maqli, waxaad maqlaysaa ayagoo leh,
“Dhulka laabaatanka ah ee laamiga saaran ninka raba xoogaa ha la war wareejiyo, asagaa lacag fiican ogolaane”.
“Habarta dhulka saddex iyo tobanka cabirkiisu yahay rabta oo shiikhu keenay mid wax ogol maaha waa in lagu bakhsaa ayadaa wanaaga diidaye”.
“Lixdan kun ka yar yaan la gadin, dhulkaasi waa dhul wanaagsan, waa meel wax fiican nooga soo boodi karaan”.
waxaa kale oo ay meesha uga tashtaan sidii dhulka loo kicin lahaa qiimihiisa ama hood loogu dhigi lahaa taas oo ay garab ka helaan dalaaleeyda siyaasada oo hadba war wanagsan oo xasilloonida dalka ku saabsan oo aan waxba ka jirin suuqa soo galiya ama war balaayo sheegahaya, dalaalayda dhulku waa iskaashato hawl badan qabata oo aan xafiisyo lahayn, waa dad xaasaskooda iyo caruurtooda siday u noolaysan lahaayen uun ku dadaala, digsigu dabka in uu u saaranyahayna ka shaqeeya, cid kalena aan dan ka galin.
Dalaalayda siyaasadu waxay aad ugu horumareen beenta iyo isku dirka, nin kastana iskama helo xubin ka ahaanshada dallaalleyda siyaasada, qofka ku jiraa ama ka mid noqonayaa waa inuu xariir toos ah la leeyahay ugu yaraan laba xildhiayaan, agtooda wasiir iyo Raii’sul wasaare balse madaxweyne waxba kama ahan, waxay rumaysanyihiin wax la yiraahdo motion, hubka culus ee ay adeegsadaan waa xildhiayaannada oo ay marna u shaqeeyaan marna ku shaqaystaan,
Waa ableey laba af leh oo dhan walba wax u gooysa, Ciddii lacag haysata waa u shaqeeyaan, waa war qaadayaasha u dhaxeeya xubnaha dowladda oo markay raabaana isku dira markay raabaana heshiisiiya, waa jeebka xildhiayaanada wax ugu soo dhacaan, dad iyo dal iyo diin kuwa aan u aabo yeealayn weeye, warkoodana lama maqlo inta badan mar mar ayaa dhagahaaga ay ku soo duulaysaa ayagoo leh,
“Amiirku waa la diyaar lacagta, anaa ka soo dhameeyay taas ee idinku soo dadajiya arrinta, ku dhaha sarkaalka iyo wasiirka qorshaha la wada in ay soo daayaan ragga xiran, lacagta anaa hadda Amiirka ka soo qaadaye”.
“Madaxweynuhu waxa uu raabaa Motion looga takhalluso Ra’iisul wasaaraha, howl culus ayaa noo taal ee xildhiayaanada ha lays ku soo duba rido”.
“Amiirku wuxuu raabaa in dhowr nin loo gudbiyo villa Soomaaliya oo hawshooda qabsada lacag aan caqli galayna waa ogol yahay”.
“Nin ayaa keenya iga soo wacay wuxuuna iga codsaday in aan la sheqayno madaxda sare ee ku howlan heshiiska badda ee Kenya lala galayo, waxa hortaagan heshiiskaas waa xildhiayaanada qaarkood ayuu yiri, awal ayaan dadweyne wax la warsanayne waa meeshaan saboolnimada ku tuuri lahayn oo hodan ku noqon lahayn, xildhibaanadu inay ogolaadaan weeye howsheenu”
Mid kale ayaa weydiiyay,
“Taas sow maahan inaan dalkeena oo la booayayo aan ogolaanay, waa dhib wallaahi”!!
“Wanaag nin dalka u samayn jiray ha is kaga key dhingin, tan kale madaxdii dalka u saraysay ayaa rabta oo diyaar u ah inay iibsadaan badda, hadde waa kuwii kitaabka ku maray danta dalka iyo dadka inay ka shaqeynayaan, anagu xaggee joognaa? maxaanse qaban karnaa?”.
Dhuunigooda waxay ku soo dhacsadaan dalaalayda siyaasaddu dhibka ay dadka iyo dalka iyo diinta ay u gaystaan. Waxaaba mar mar isleedahay hogaankii dalkuba waa ayaga, haddaad u fiirsatana si waa u yihiin, higsigooda weyn iyo hanqal taagoodu waa inay noqdaan dadka u dhaxeeye Soomaaliya iyo dalalka dhaqaalaha bixiya oo halkaa dalaal fiican uga soo baxo.
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply