CUTUBKA-4-AAD
GODKA JILICOOW
Waa jilcay Yaxaas af balaar ayaa Kadiye uurka iska yiri oo hadalkii sii watay oo yiri:
“Aroortii danbe naag meeshii fadhida ayuu ugu tagay, nabadayn ka dib Quraankii ayuu bilaaayay naagtuna waa dhagaysanaysay, markuu dhameeyey ayay ku tiri waxaan jeclaaday saad Quraanka u akhriso, oo aroor walba waan ku dhagaystaa, wuxuu ku yiri meeshaan qof aan aniga ahayn ma fariisto xilligaan imaadee adna kuma arkine side ii dhagaysan jirtay”.
“Akhriskaaga badda dhexdeedaan ka maqli jiray, qarkaas hoostiisa moolka ku yaal ayaan daganahay, cabsi yaysan ku galin kuligeen noole alle aayuurtaan nahay” ayay ku tiri.
“Sidee badda ugu hoos nooshahay”, ayuu ku yiri
“Ima garan miyaa, Jinni ayaan ahay, waana ku jeclaaday, inaan ooridaada noqdaan raabaa ” intaas markii ay marayso ayuu inta istaagay soo cararay, miyirna markaas ayaa ugu danayaysay”.
Yaxaas oo yaaban ayaa yiri:
“Haye”.
“Quraan badan ayaa la saaray naagtii waa la gubay, hase ahaatee waa mar ay dulduleelisay asagii oo dhan, taas waxay fududaysay in wadaado galaan madax adag oo gaalo ah, ayagii ayaa ku soo noqnoqda hadda”.
“Shiikha kitaabo badne ma loo geeyay”.
“Meel aan la gayn maleh, waa kuwa madax adag, waa kuwa gala ah”.
“Waa run kuwa gaalada ah waa madax adagyiihiin” ayaa Yaxaas yiri asagoo uurka iska leh kuwa Daacish ah ha ku jiraan haday raabaane waxaad wadid keen oo mar i dhaafa.
“Bal hadda shiikhaad sheegaysid ayaan u geyn, waan maqlay magaciisa, Ilaahay inuu caafimaad ka siiyo”.
“Saa sameeya raalina hanala ka noqdo, nin saana uma malaynayn oo Jinni gaala ah oo dowlada neceb uu ku jiro, hadda waxa uu eedaysane ku ahaa qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin af lagaado uu madaxa wasiirrada u gaystay, xildhiayaanadii iyo wasiiradii oo uu u gafay, madaxweynaha oo uu liiday, marwada madaxweynaha oo ay ajnabi kala yihiin oo uu u caayay iyo magaca Al Shaayaab oo uu meel fagaaraah ku sooqaaday”.
Kadiye intau nin yaabay oo argagaxay iska dhigay ayuu yiri:
“Subxaanallaah, war Warfaa ma waalatay maxaa marwada madaxweynuhu qabo oo aad ajnabiga kala tihiin af kaaga u geeyey?”.
“Waxaas oo dhan mar danbe ayaa la ii sheegayaaye warba kama hayn, waxaan laba yaabanaa waxa meeshaan i keenay” ayaa Warfa yiri.
Yaxaas oo ay gashay inuu wixiisa si fiican u bislaysto ayaa inta Kadiye qumaati ugu jeestay yiri:
“Warfaa waxa uu dhigay wax la maqlay oo la arkay maaha, qof kale haddii loo keeni lahaa degdeg ayaa loo xukumi lahaa, xabsiga weyn ayuu dhex jiifi lahaa xilligaan, inta gef uu galay hadii layskugu daro shan iyo toban sano kama yara oo xariga haddaysan ka badnayn, aad ayuu u nasiib badan yahay anigaa arrintiisa gacanta ku dhigay intaan qof kale arag”
Warfaa ayaa hadal damcay Kadiyaa inta aamusiyay yiri:
“Khayr alaha ku siiyo mudane” hayena u raaciyay si yaxaas hadalka u sii wado.
Yaxaas ayaa hadalkii sii watay asagoo weli buun buuniskii wada oo yiri:
“Meel fagaare ah ayuu ninkaan ka yiri madaxa wasiirradu waa tuug tuug dhalay dalka asagaa laqay, Al Shaayaab hadday birayn lahayd asaga aniguna lax ayaan qali lahaa, wasiirada iyo xildhiayaanadu waa calooshood u shaqaystayaal ayuu yiri dad iyo dal aan dan ka lahayn, ciidammadu waa laaluush qaatayaal ayuu yiri, kii la xiro oo Al Shaayaab ah intay wax ka qaataan ayay sii daayan, bal beentaas fiiri iyo sharaf dhaca uu ciidamada nabada ilaaliya u geystay” hadalkiina sii watay “xaaska madaxweynahu waxa ay la barartay oo kaliyuhu la weynaadeen waa xooliha dadka ay iska cunayso ayuu yiri, madaxweynuhu danbi maleh ayuu yiri naarna arki mayo waayo waa xoolo, xoolana waxay halleeyaan Eebbe uma raacdo, ilayn markii horeba garaad ku filan ma lahayne, waxaa ugu daran oo kale, waxuu yiri ciyaalkii Al Shabab ee i
gowrici rabay aniga oo aan waxba ka galabsan oo qof kale igu qalday ee Alle iga fakiyay dawlada ayaaba ka daran oo ka xun, markaad aragtid dowladu waa is haysataa Motion iyo balaayey sheegayaan, qas ayaa ka dhex socda, dhallin yaraduse amarka waa kala qaataan, dadka in la bireeyo ayay ku heshiiyeen buuq la’aan iyo ayagoon is qabqabsan ayay kaan raacin sidii xoolihii gowracaan, waxayse dhaamaan dowladaan aan mabda’ iyo u jeedo toona lahayn hadii si loo fiiriyo, waxaas iyo wax ka daran ayuu fagaare ka yiri, gafkuu galay mid yar maaha, dad ayaa loo toogtaa, ilaah baase aniga igu soo aadiyay oo jiradiisa dareemi kara, saan kuu sheegayna eedaday ayaa Jinkaan oo kale hayn jiray, waliba kuwa xeeb ka yimid oo hilib u haraadsan oo aan ku rafaadnay”.
Abaalkaaga allaa gudi kara ayaa Kadiye yiri asaga oo bakhshad u dhiibaya Yaxaas, si dhaqsa intuu bakhshadii u qaatay oo gacmaha miiska hoos galiyay oo fiiriyay, tiriyayna inta ku jirta ayuu yiri:
“Ilaah ayaan ku dhaartee intaan iyo in u dhow inaan qof kale ku sii daayeen, nin odaya oo ii yimid oo nin jirran raadinaya darteed ayaan u aqbalay, ee nabad Allaha idin nabad yeelo waana fasaxan tihiin”.
Dhex markay soo marayeen ayaa Kadiye yiri:
“War ma waalatay Warfaa side ayaad waxaas fagaare uga tiri hadalada cayn kaas ah, guryaheenaan ku baxsan la’nahay adna afkaad la galaysaa”.
“Waxuu sheegay inta badan waa been laaluushka ayuu ku bislaysanayay, dalkaan balaa u talisa haddii loo aamusana waa iloobayaan inay xun yihiin oo dad qumman ayay isku qaadanayaan waana ka sii darayaan, in la xasuusiyo waa fiican tahay, awalbaan wax laga qaadi karine”. Ayaa Warfaa yiri oo yara qoslay
“Hadda ma aragtay xasuusintii meelay ku gaysay iyo afka libaax ee Alle ka bad ayaadshay”.
Warfaa intuu madaxa ruxay ayuu yiri:
“War mahaysid ninyahow waxa dalka ka socda wax la qaadan karo maahan, godka waxaan ku arkay dhallinyaro sannad iyo ka badan ku jirta, waayo cidahooda ayaa saboola oo lacag keeni waayay markii horena been layskaga soo qabtay iyo xoolo aad ka heshaan, markii wax laga waayayna dilka loogu roonaaday sidii ay cidahoodu maqlayaan cabaadka caruurtooda oo lacagta ula soo dhaqsanayaan”, oo inta qoslay yiri “been kuu sheegi mayo ee waxaan meeshaas ku soo arkay cabsi ayay i galisay war danbana layga maqli mayo, dalkii laba koox ayaa haysata, kuwana adoo nool ayay ifka kaa qarin , kuwana aakhiarayba kuu diri adiga oo aan waxba halayn, Jannaaba lagugu raadsan aan jirin”.
“Looba joogee haddaad aamusayso”ayaa Kadiye yiri.
Markii ay baabuurkii ag yimaadeen ayaa intii aysan irdaha furin Warfaa yiri:
“Magaalda arageedu waa soo roonaanayaa ma is tiri”
Kadiyaa inta hareeraha fiirshay asaga oo aan wali illinkii baauurka furin ayuu yiri:
“Aboorkaba Soomaalidaa ka daran, bal sida saraihii waaweynaa loo raartay arag oo banaan cidlaa looga dhigay”
Wuxuuna ula dan lahaa sida hotel Shabeelle iyo sartii baarlamaanka hore ka dibna laga dhigay xaruntii dowladda hoose oo bartii ay ku yaaleen banana tahay oo dhagax dhagax loo qaatay.
Warfaa oo fatuuradii iridkeeda gilgilaya oo u maleeyay in la furay arkayse inaan Kadiye weli furin ayaa yiri:“
“Kuwii sarahaas fuqsaday doqomay ahaayeen, bal may iska dagaan oo ijaar ka qaataan oo ilaaliyaan dalkay wax tar u noqon lahaayeene, waxaase iga sii daran kuwa soo socda”.
“Kuwa soo socdaa waa kuma”?
“Dowladda Ayaan ula jeedaa oo aan ka wadaa, waad ogaantoontaaye dhulkaas dad ayaa lasiin doonaa ganacsata ah oo gacanta dadweynaha waa ka baxayaa, musuq maasuq Soomaali ayaan kuu aqaan”, oo inta si fiican hareerihiisa u fiirshay yiri:
“Kadiyoow meeshaan qurux ay lahayd ma xusuusataa, Allaahu Akbar, dal lagu ciyaaray dheh”
Kadiye oo qushuuc ka muuqdo Xamartii horena dib u soo xasuustay ayaa yiri:
“Tacabkii kumaan kun gu’ sidaan ayaa u danayaysay”!
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply