BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-8

 

CUTUBKA-4-AAD

GODKA JILICOOW

 

 

Asaga oo daallan ayuu illinkii godka Lilicoow soo istaagay Kadiye, kadin hayihii waxa uu weydiiyay ujeedka uu u socdo, wuxuuna u sheegay in meeshan laga soo wacay loona sheegay nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo Warfaa uu ku xiran yahay, in yar sug ayuu yiri oo mid kale oo ilaalada ka mid ah ku yiri:

“Yaxaas u soo sheeg ninkan la soowacay”.

In yar kadib waa soo laabatay ilaaliyihii la diray oo yiri soo daaya si fiicanse u baara, baaritaan ka dib gudaha ayaa loo waday, waxaana la geeyay xafiis uu fadhiyo nin dhuuban da’da soddomeeyada ku jira oo timo badan oo jilicsan leh, kala qaadka afkana aad arkaysid ilko sigaar muddo lagu cabayay, gar aan lahayn hasa yeeshee shaaribo weyn oo si fiican u  jaran ku yaalaan, ninkii inta istaagay ayuu weydiiyay Kadiye miyaa? haa ayuu ugu warceliyay, ninkii inta gacanta ugu tilaamay Kadiye kursigii dhiniciisa   xigay kana soo horjeeday ayuu u sheegay inuu fariisto, ninkii ciidanka ahaa ayuu markaa ku yiri Warfaa ii keena, Ka dib markuu fariistay waxaa la weydiiyay waxay isku yihiin danbiilaha waxuuna u sheegay in ay saaxiibo yihiiin in ka badan konton gu’na ay ahaayeen ceesh oo milix ee loo sheego arrinta lagu soo xiray.

 

Yaxaas oo ahaa ninka xafiiska fadhiyay oo dadku naynastaas u yaqaaneen, wuxuu u sheegay in Warfaa uu dowladda eed ka galay oo sidaas loo soo xiray, waliba eedaysane weyn weeye ayuu ku yiri.

“Eed sideeya ayuu galay? waxaan ku naqiinay nin aad isku dhowra dadkana aan ku darsan oo afgaaban dowladanna jecele, ee see wax u jiran taliye?” ayaa Kadiya weydiiyay asagoo hoos ka leh Eeboow ii danbi dhaaf, ayaa ninkii ciidan ka ahaa oo dhar cadka ahaa oo hor fadhiyay ku yiri:

“Kadiye ninkaad tilmaamayso iyo ninka aan meesha ku haynaa isku caynad maahan, malaha waan is maan dhaafsiisanahay ayaan u malayne, magicii ninkaad raadinaysid?”.

Kadiye ayaa u sheegay inuu yahay ninka siinka loo soo diray ninka uu raadinayana la yiraahdo Warfaa buux, waa nin bar yar, bidaar bilow ah leh, maariin ah, dhaga waa weyn. Da’da kontomaad ka ah, dhabanka bidix dilaac yar oo waa hore bogsoody ku leh, sujuudu ka muuqato, xishooda afgaaban.

“Horta saad u tilmantay muuqiisu waayahay, hase ahaatee kani mid af gaaban maaha, aamus oo dadka nabad gali ayaa laga la’yahay, wax dhintay iyo wax nool ba cid ka baxsanaysa ma jirto, hadana waa la soo wadaa waa noo iman”.

Isla markaaba waxaa soo galay Warfaa oo lawado markii uu arkay Kadiye ayuu inta salaan u soo taagay ku yiri:

“War Kadiye ii waran saxiiboow?”.

“War adaan kaaga fadhiyaaye, maxaa dhacay Warfaa?”.

Warfaa inta kursi soo jiitay asagoon cidna weydiisan, illoowsanna ama is illoowsiinaya inuu xiran yahay ayuu fariistay oo yiri:

“Kadiye saaxiib waan sirmay, dimuquraadiyadaan run u maleeyay iyo dadku waa xor iyo qofku waxuu rabo ayuu sheegi karaa, hadaysan nabada dalka wax u dhimayn, ana waan rumaystay dimuquraadayadiina halkan ayay i keentay, ilayn ismaba ogine xabsi weyn oo kor ka furan ayaan ku jirnaa haddaan Soomaali nahay”.

Kadiyaa inta hadalkii ka dhex galay yiri:

“War Warfaa ma duulashii ayaa kugu soo noqday, neefkoodii haddii lasiiyay inay soo laabanayaan uma malayne, Bismillaahi Raxmaani Raxiim”.

Warfaa oo ujeedada gartay ayaa yiri:

“Maalintaan idin lahaa wankay dalbadeen oo madaxa guduudan u keena oo aad tiraahdeen waa la soo waayay oo mid madax madoow kenteen inaysan meel u socon waan dareensanaa, lacag khasartay dheh, tan iyo xalay indho iskuma gayn, balaa i hor maraysay markaan indhaha is galiyaba ilaa daraad…..”

Yaxaas ayaa ka dhex galay oo si yaab ku jiro ku yiri:

“War maxaad ka hadlaysaan waxba idinkama garane?”.

Kadiye ayaa u jawaabay oo yiri:

“Mudane waa sheeko dheer”.

“Meel aan hada u cararayo majirtee bal ii sheeg”. Yaxaas oo war jecli gashay ayaa yiri.

“Ninkaan wuxuu ahaa nin xaafidu Quraan ah” Kadiye hadalkii ku bilaaayay “aroor walba badda intuu tago ayuu laba juz akhrin jiray, wax badan ayaa lagala taliyay oo la yiri jooji baddaad aroorta aadayso jin ayaa jooga aroortiiye, “jirkaya kharaare” waa uu diiday, wuxuu yiri haddaan inaan iska daayo damco anoo tagaan ayaan arkayaa, illeyn nin la wato weeyee”.

Yaxaas ayaa kadhex galay oo yri:

“Qof jin wato maara looma helo, eedaday ayaan ku ogaaday, haye ii wad”.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply