BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-7

 

CUTUBKA-3AAD

CASIR SHEEKAYSI

 

 

 

“Warka yaanan idin ku daaline gabadhii si xun ayay yeeleen oo siday aniga Xaaran ahaan ii sheegtay waa iskaga dageen, darajada beela eebaan idiin baryee, gabdhii waa raysatay alla bogsii dhib kalaa yimid oo uur ayaa ku soo baxay aysan danbi ku lahayn doqonkii dhalay dusha ha ka murxee wuxuuba soo istaagay wacal ayay sidaa ima sheegato, bal muslin allow cunugtaas maxay galabsatay, yaabanaye ”.

Canbaraa inta xabadka garaacday tiri:

“Ba’ay ba’ay ba’ay war ninku diin xumaa oo dadnimo xumaa, tii dhashayna maxay samaysay Xaraneey”.

Xaaran intay qosol dibnuhu xiran yihiin ku guuxday ayay tiri:

“Naa ma ayadaa hadli karta waa ogtihiin inuu cunaha kala siibayee, ayada oon waxba samayn waa asaga sidii awrkii ugu tuntee, cagaha alla ka gooyaha, qol ayay ku jirtaa oo iska barooranaysaa miskiintu, tabarteedii intaas ayay noqotay war gabadha ii daa waa ku dhici weyday inay dhahdo, wadnuhuu gooyay inkaar qabuhu wadnuhu ha qarxee”.

Ugub oo dul taagnayd in muddo ah oo aysan dareemin ayaa tiri:

“Dalkeena dad badan ayaa dulman dumarkuba ha ugu horeeyaane, anaguna haddaan xaawaleey nahay sheeko macna dara ah maahine inaan wax iska celino naguma jirto…..”.

Mayran ayaa ka dhex gashay oo tiri:

“Oo maxaad nagula talin, inaan hub qaadano oo raga laynaa oo odayaasha aakhiro u dirnaa, naa bal tanoo kale eega”.

Ugub ayaa qosashay oo tiri:

“Mayran saas kama wadee, ururro ayaa jira xuquuqda dumarka iyo kuwa dadka oo dhan ba u dooda, aan la xariirno, shirarka ka qayb galno diinta aan baranno wax ka wanaagsan diinta oo xuquuqda dumarka ilaaliya ma leh, dumar badan ayaa jira diinta si fiican u yaqaan ee ha laga faa’iidaysto, kuwa haweenka u dooda ha loo sheego dhibka dhaca iyo xad gudbka nala ku sameeyo, adigu haddaad ku bad ayaadi weydid maanta kuwaa dhashay ayaa berri ku badbaadi doona, arrinta gabadhaana waa inaan si dhaqso ah ugu gudbinaa”.

“Aniga kan i qaba ama aan isqabno aan dhahee, xariiqin ayaa noo kala taal aan laysku soo dhaafin, hadii kale kashaydaa gacanta iigu jirta, rag waa layska celiyaa, Manta asaga ayaa gacan ku gabbad ah toddobada caruurta ah haddaan u daadsho xaguu gayn, maalin ayuu iga xoog badnaa maantase anaa ka xoog badan, sheekooy ku nacay”. Yaa Muslimo tiri Ugub baa ka dhex gashay oo tiri:

“Muslimo ragguna xuquuq ayay leeyihiin ha iloobin siiba miskiinkaan ku qaba oo aad har iyo habeen ka qaylisiinaysid oo aad dhagaha ka cuntay”

intas markay hadalkii marsiinayso Ugub ayaa Canbaro tiri

“Naa Ugub goormaa wiilkaagii Mahad ee baadiyaha aaday soo noqday sow qofkaas soo socda asaga maahan?”.

Ugub intay fiirisay dhinacii Canbaro eegaysay ayay tiri:

“Waa asagii, hadaa u socod ah adeerkiisii baadiye uu u aadayna waa la socda, war nabadey dadkaan ayaan soo dhaweyne”

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply