CUTUBKA-3AAD
CASIR SHEEKAYSI
Casirkii dumarka xaafadu waxay isugu yimaadaan hoos galbeedka aqalka Warfaa oo kabis weyn leh, gurigu waa bari ujeed sidaa darteed kabbisku galabtii har wanaagsan ayuu leeyahay, subixiina inta qadada iyo quraacda u dhaxaysa dumarka qaar ayaa u soo sheeka doota oo waxaa ku yaal geed aad u weyn oo har weyn leh oo hareeya kabbiska iyo agagaarkiisa, dhinaca midig ee guriga oo ah halka fadhi ku diririku ka dhaco waxaa mara jid, dhinaca waqooyina guri kale ayaa uga dhagan, hortiisana waxaa mara jid 30 ah oo aad arkaysid galabtii inamada yar yar ee xaafada oo kubbad ku ciyaaraya meel koofur ka xigta aqalka Warfaa kase durugsan in doora.
Galabtaas markii laysku yimid oo Ugub iyo islaan kale uun maqanyihiin oo laba laba u sheekaysigii yaraaday ayaa la guda galay sheekadii weynayd ee casirkaan maanta ah laga hadli lahaa, Xaaran ayaa hadalkii furtay oo tiri:
“Naa Cambaro war ma haysid miyaa, odagii baas wuxuu sameeyay ma maqashay?”.
“Odaygee”.
“Kan xadiyo qaba xiniinyaha haka barare” Xaaran tiri:
Canbaro intay gacata calacasheeda xabadka iskaga garacday ayay tiri:
“Bismillahi ninka islaameed ha haayaarine, maxuu sameeyay?” dadka Canbaro yaqaan tan iyo hada waxay la yaaban yihiin in xabadkeedu caafimaad qabo oo qufac iyo qaaxo toona laga soo sheegin, waayo sideedaba Canbaro haday wax ay la yaabto maqasho ama aragto xabadkay iska tuntaa, waxaase ka sii daran taa, wax walba oo ay aragto ama maqasho waa la yaabtaa Canbaro, tiro maleh inta dharayaaxyo ku dhacda xabadkeeda maalintii qudha, ilaahayna caafimaad ayuu uga daray is dilkeeda.
Xaaran intay kur kuursatay oo fadhigi qaabaysatay ayay tiri:
“Naa gabadhii Ubax ahayd ee uu dhalay, wax ma dhaluhu sow gurii kama uusan cayrin”.
“Bismillahi oo maxuu uga cayrshay? habaarkiisa naga daaye” Cambaro weydiisay ayadoo xabadka iska jukaynaysa.
“Wacal ayay sidaa ayuu yiri gurigaygana sooma gali karto”.
Mayran ayaa hadalkii ku soo biirtay oo tiri:
“Sow tii lalahaa waa la kufsaday maahan inantu?”.
“Haa”.
“Haa waa tii la yiri niman afduuban oo Al shaayaab loo maleeyay ayaa bakaaraha qori caaradii uga kaxaystay, dhowr maalmoodna guri black sea ku yaal ku haystay” Cambara tiri, oo inta Xaaran ku jeesatay hadalkii sii wadatay “sheekadu waa iga kala dhunsan tahay oo warka si fiican uma maqline bal noo sheeg Xaaraneey”
Xaaran intii ay alle ka rajaynaysay waa heshay, waa markii kontonaad oo ay ka sheekayso haddana xiiso ay u qabto sheegida sheekadaas hadda inay ugu horeysaad u malaysa ka sheekaynteeda, warkii ayay biloowday ayada oo hareeraha iska eegaysa, cid ay iska ilaalinaysana aysan garanayn, ayay hadalkii ku biloowday.
“Gabadha miskiintaa ayada oo bakaaraha wax ka doonatay ayaa niman afaf duuban qori ku qabteen oo ka xaysteen, oo dhinaca black sea la aadeen, cid ku dhacday inay ka reebtana ma jirin, waxaa loo maleeyay in kooxda Al shaayaab ay ahaayeen, shinniyi ha ku didee, tuhunka waxaa keenay kuwa ayaga ah ayaa meesha joogay mana ka celin, farna ma nuuxin markii gabadha miskiintaa la qafaalanayay” intay aamustay oo hareeraha iska eegtay ayay hadalkii sii waday oo tiri:
“Aniga Xaaran ahaan waxaan is iri ugu yaraan amiirka xaafada ayaa loo waday, gabadha waad taqaaniin idiin sheegi maayo waa biyo dahab, waxba yaanan warka idinku dheerayne aan idiin soo gaabshee, guri black sea ku yaal ayay la galeen oo ninkii lahaa maalmo ka hor la dilay cidda intii kalena ka qaxday in kasta oo dadka qaarkii ay dhahaan xoog ayaa looga saaray, taas ilaah ayaa iga og kuma danayaabi karo” ayaa Xaaran tiri ayadoo gacmaha kala fogayneysa oo sacabadda kor u jeedineysa iskana dhigaysa sheekaday hadda sheegayso inay hubto, inkastoo markii falku dhacayay ay gurigeeda joogtay, hadalkii ayay sii wadatay oo tiri:
“Yaanan warka idin ku daaline sheekada aan soo gaabshee, dhawr maalmood ayay miskiinta meesha ku haysteen oo niman af duuban iyo naago indha shareeran maahine cid kale oo guriga galaysay ama ka soo baxaysay aysan jirin, mar mar waxaa la maqlayay cabaadka iyo oohinta gabadha, anigu Xaaran ahaan waxaan is iri markaas oohinteeda la maqlayo kuwa guriga ku haystay miskiinta farsamada ayaa ka xumaatay, oo afka ayaysan si fiican uga xirin, ayaga oo xir xiran naarta ha lagu guro kuwaase, inta badan afkay ka xirnayd saan is iri, warka yaanan idin ku daaline dhowr maalmood ka dib ayay bannaanka u soo tureen goor habeen ah, halboowluhu ha go’o kuwaase, taaheedii dad jidka maraya ayaa maqlay oo u qaaday Isbitaal”.
Mayran ayaa ka dhex gashay oo tiri:
“Oo kuwa ciidan ka lagu sheegayaa meelahaas waaba yimaadaane maxay gurmad ugu samayn waa yeen gabadha”.
“Ciiddu ha cunto kuwaas ayagaa naftooda u baqa, waxay wax ka celiyaan iska daaye, waase gartood ayaan fili oo xaafadda waa looga badan yahay waase xoogaysan doonaan in shaa Allaah”.
Ayaa Xaaaran tiri hadalkiina sii waday oo tiri:
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply