BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-5

 

CUTUBKA-2AAD

WICITAANKII

 

Waxaa dhawaaqay siinkii Kadiye ee gacan qaadka ah, wuxuuna ku soodhacayay musigii heestii Soomaaliyay toosoo, oo dadka markii siinku soo dhaco ag jooga qofba dareen gooniya galisa, qaar ayaa rayn rayn gashaa sida dhallinyarada oo dhagaha uun ka maqlay Soomaali siday ahaan jirtay oo ku tallaba, sidii laydiin sheegi jiray oo kale goormaa Soomaaliya noqon doontaa, inta waaweyn murug iyo uur xumaa gasha markay fiirshan sida dad iyo dal loogu ciyaaray, sida halyeyadii gobonimada u soo huray naftooda iyo mood iyo noolba, cadowga kuwii la soo dagaalamay tacabkoodii meesha manta uu marayo ayaa ciil iyo calool xumo gashaa, Axmad Gurey oo Amxaaro iyo bortaqiis la soo dagaalamay markii danbana unuunka jareen, Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan oo markay iska celin waayeen gumaystuhu diyaarado ku soo weerereen, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee dal la gumaysto dalalka saddexaad diyaarad lagu weraro, taas oo markhaati ka ah inay dhulka iskaga celin waayeen.

Shiikh Xasan Barsame oo gaaladu u ballan qaaday magac iyo maal iyo nolol qaboow kase doorbiday inuu wad la kulmo asaga oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo diintiisa ka ilaalsanaya gumeysiga, Nasiib buundo gabyaagii ahaana hoggaamiyihii jareer weyn oo gumeysiga har iyo hoy u diiday kuna noqday oodin ay iska siibi waayeen markii danbana {1928} jir dil ay ugu dileen talyaanigu xabsiga weyn ee xamar.

Maxamuud Xarbigii af iyo adin ku weeraray  libintun u soo dhawaatay Soomaaliweyn in ay mid noqotana raadinayay oo Faransiiskuna markii danbe ay diyaaradda la qarxiyeen asaga iyo ragii la socday, Tima Cadde gabyaagii mar walba guuayaabada la dul tagnaa soomaali.

Sheikh Bashiir sidii geesnnimada lahayd uu ula dagallamay gumaystaha, Cumar Samatarkii gaalada hubka ka dhacay kalana soo horjeestay, dhallin yaradii SYL ee ka dhiidhiyay gumaysiga, Abdullaahi Ciise oo u bareeray inuu dhibta gumaystuhu nagu haayo ifka inta ku nool uu u sheego si gaarana ay isaga fiirin jireen gumaystuhu, Cabdirisaaq Xaaji Huseen iyo dad badan oo kale oo mood iyo muruq iyo af iyo maskaxba ku gadaalamayay.

Maalintii dhagaxtuur ee cadawgu qoryaha darandooriga u dhaca wateen Soomaaliduna dhagaxda ku dagaalamaysay, Xaawa taako ay wadnaha fallaar kaga dhufteen,  gumeysigu xumaantii uu soomaali kula kacay, tabaryaridii nahaysay maalintaas iyo sidaan isaga celinnay, hubka ay ka fara marnaayeen Soomaalidu wax cabsiya ma galin , ul iyo dhagax iyo waran ayaa Talyaani looga soo dhacshay gobannimada dhiig badana ku daatay. Ururkii  SYC SNL & USB ee intaa qaylinayay, Xaaji Faarax Oomaar iyo ragg kale ay ka dhiidhiyeen gumaysiga, ayadoon barya ahaynna gobonnimadii ka qaatay dowlada Ingriiska, Farnsiis Jaayuuti ma quureen ee dhib iyo qaxar ayaa looga qaaday, talyaani lagama baryin ee xoog ayaa looga soo dhiciyay gobannimada, dagaalkii 1964tii oo anagoo affar jir ah aan la galnay Amxaarada oo toban jibbaar  naga badan, ahaydna dowlad weligeed soo jirtay oo aan gumaysi arag, wacdarihii aan dhignay iyo guushaan soo hoyinay dad oo dhami waa la yaabeen.

dagaalkii toddoayaatan iyo toddobo oo Soomaali oo ul iyo diir ah Amxaaro iska kaaya celin weyday oo dhulkii naga maqnaa aan gacanta ku dhignay, balse dowlado badan oo Ruushku ugu horeeyo u soo gurmadeen Itoobiya, kacaankii uu hogaaminayay sareeye gaas Maxamad Siyaad Barre oo ka hor intaan qoloqolaysi dad badan oo dowladda ka mid ahi aysan bilaabin la ogaa markhaati madoontana ah horumarkii iyo awoodii ciidan ee dalka iyo dadku ku talaabsadeen, iyo haybaddii dadweynaha Soomaaliyeed dacallada ifka ay ku lahaayeen.

 

Siinkiiayuu qabtay oo haloow yiri, dhinaca kale waxaa ka soo yeeray cod weyn oo yiri: “Kadiye miyaa?”.

“Haa waa asagii”.

“Waxaan kaala soo hadlayaa godka jilicoow ee nabad sugidda Soomaaliyeed walaal ee ma taqaan nin la yiraahdo Warfaa Buux”.

Haa waan aqaan ayuu ugu war celiyay haddase ilama joogo, ma wax dhib ayaa jira walaaal? ayuu weydiiyay Kadiye.

“Wax dhiba ma jiraan ee anaga ayuu nala joogaa halkan”.

Kadiye intuu ninkii ka dhex galay hadalka ayuu weydiiyay

“Maxuu ka samaynayaa agtiina, ma shaquu ka helay”.

“Maya ee agteennuu marti ku yahay oo manta la keenay, in aad noo timaadana waan rabi lahayn”, waa hagaag ayuu yiri siinkiina xiray.

Nimankii la fadhiyay mid ka mid ah ayaa yiri:

“Ma wax dareen ah ayaa la soo sheegay Kadiye?”.

“Dareenna ka daran, Warfaa ayaa godka Jilicoow ku xiran, saas ayaa hadda uu ii sheegay qofkaan i soo wacay oo meesha iga soo wacay, ee bal waan soo fiirine, waa idinkaas” ayuu yiri

Nin raga ka mid ahaa oo kale ayaa yiri waan is raacaynaa ka la hari mayno, Kadiyese waa ka diiday asagoo leh, hadii cid la qabsan oo wahel looga dhigi Warfaa kaligay aan ahaado, dadkaan wax kasta ayaa ka suurooba, wuuna istaagay oo u dhaqaaqay dukaan meesha agteeda ku yalay, inyar ka dibna ka soo baxay oo baabuur yar oo meesha u yaalay fuulay horayna ka dhaqaajiyay.

 

Xoogaa ayay ku qaadatay Kadiye inuu gaaro godka jilicoow, inkasta oo aysan sidaas u fogayn haddana jajabka jidadka awgeed ayuu aayar u waday baabuurka yar ama dhabbacatada, markii meeshii uu tagay ilaaliyiihii illinka hore waxa uu u sheegay in uusan fatuurada meeshaan dhigan Karin ee uu meel uraadsado oo uu lug ku yimaado, dantuna waxay noqotay in uu hoos u laabto oo uu dhigo meel ka fog sarta balse ilaaliyuhu ka arki karo si aan looga xadin,  godka waxaa hor mara wadada ku dhamaata hotel Shabeele “oo aan hada meeshaba ku ool oo la rartay sartii oo dhan” iyo sarta Wakaaladda shidaalka oo ka sokeeysa, markii kor buurta dheer loo raacana ku dhamaata wdada Nasiib Buundo oo bidix loogu leexdo Villa Soomaaliya, midigna Boondheere iyo Shibbis.

 

Markii uu u sii socday godka wuxuu hormaray gurigiisa iyo kan Warfaa wuxuuna arkayay dhowr dumara oo fadhiya kabbiska la fariisto ee banaanka guriga Warfaa ku yaal, laabtana wuxuu iska yiri xan badanaa wax kale uma fadhiyaan meeshaas.

 

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply