BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-4  

 

CUTUBKA-1AAD

MAQAAXIDA

 

igaarkaygaa soo booday oo yiri:

“Asaga ninkaan jinni miyaa siyeed saac habeennimo maxaa bada ka samaynaayay, aniga xabbada badda leen ku ridey, yaab, xabbad badda lagu tuuray oo soo wareegtay oo shaneemo super horteeda nin iska taagan ku dhacday, aduunyo gaddoon waaye”

 

aniga Macoow ahaan wan gartay waxa meesha ka socda baad lee maahinoo, markhaankii ayaa go’ay waan kasay, waxaa dhan waxaa ii keenay wiilkaan, igaarkaygaan ku iri aamus waryaa edeb ma lihide nin dhaawacaa la wadaa ma u jeedidoo, walaalkeen oo dhib haysto waaye, i suga ayaan ku iri dadkii, qolkaan galay boqol kun ayaan u soo qaaday   waana siiyay, igaarkana allaha noo bogsiiyo waa naga wada dhaawacmee ayaan ku iri, aamiin iyo mahadsanid ayay isku dareen waana baxeen, waan daba galay luuqaan ka fiirshay waaba kanaa, ninkii garbaha laga haayay waaba soconayaa, waxaan is iri Macoow adoon qorigaa ridin ayaa mar kale la dhihi doonaa qof ayaad ku dhaawacday ama ku dishay, habeenkaas dhabartii ayaan qorigii qaaday baddaana ku riday, markhaatiyaalna waan u  yeelay, marka aniga hub mahaysto ee idinka hubka wareejiya, waanse idin kasaa waad duugaysaan ee hub dhibkiis waan aragnay, anaa ugu yar ana boqol kun aa been been layga qaatay, marka ha la wareejiyo hubka ayaan ku talinaya anigu”.

 

“Waa sheeko yaab leh, waana anshax xumaayeen kuwaas, adigana cidlaad ka carartay Macoow, odayaal ayaa jira iyo wax garad inaad u sheegto ayay ahayd, waa lagaa celin lahaa” ayaa Af-dheere yiri:

“Odayaal aa, aniga wax garad xamar ma ku arkin, waa dhici kartaa in ay jiraan mase badna, baraabar, Siidoow u sheeg odayaal iyo wax garad faradheer waxii ay ciddiina ku dhigeen”. Ayuu yiri asagaoo suulka ku fiiqaya Af-dheere.

“Aniga qof qof dhaama Soomaaliya ma ku arkin, dowladdaba ha ahaatee, warkaasna nagadaa Macoow, waxii tagay waa tageen, wax la faar faaro ma fiicno”ayaa Siidoow yiri:

“Walle waxa Siidoow oo hadal badnaa amusiyay wax yar maaha bal noo sheeg Siidoow see wax u dhaceen?” ayaa Yariisoow yiri, markuu cabayaar aamusnaa ayaa Kadiye ku yiri:

“Siidoow dalkaan balaayo waa ka dhacday, hadday dhinac kaa heshay bal noo sheeg”.

 

Siidoow ayaa hadalkisii ku bilaaayay waliba asaga oo aan jeclayn in uu arrintaas ka hadlo oo yiri:

“Igaar walaalkay dhalay iyo mid kale ayaa dagaallamay, kii kale waa laga xoog badshay saan idiin sheegay faradheer feer ma kasayso, kii waa rooray qoriyaa soo qaatay, igaarka walaalkey markii uu arkay ninkaan qoriga soo wata waa uu rooray, asaga oo luuq sii galaayo ayaa kii xabbad ku soo riday, igaarkii adeerka u ahaay luuqa markii galay asaga oo rooraayo ayaa nin kale ka soo baxay luuqii, xabbadiina kii soo baxayay ay ku dhacday, ninkii markiiba waa dhintay, madaxay kaga dhacday, yaas noqday ninkii dhintay ma kasee? kii xabadda riday beeshiisa lees noqday, dib ayay isugu noqdeen odayaashii beeshaas, galabtii markay tahay ayay yimaadeen guriga walaalkeey, aay jiijo xaaska walaalkeey lee joogtay guriga, markii la is nabdiiyay ka dib waxay dhaheen anagu waxaa nahay odayaasha beesha noocaas eh ee waxaan rabnay wiilkiina jeesto , aay jiijo oo naxsan ayaa tiri:

“Ma joogo ee maxaa jira duqowda?”.

“Nin ayuu naga dilay”. Ayaa mid yiri, aay jiijo waa naxday,

“Igaarkayga dhib malahayn, waligii ma laga soo dacwoon, maanta nimaas dilaa leedihiin, see camal akhyaarta?”

“Maya walaal saad u malaysay maahan arintu, asagu ma dilin oo gacantiisa kuma dilin ee xabbad uu u gooyay ayaa nin ku dhacday, marka saasuu ku dilay oo haduusan u goyn lahayn xabbada ninku ma dhinteen, sow hadda ima garan?”.yaa mid kale yiri:.

“Haa waan gartay, haddii uusan u goyn lahayn asagay ku dhici lahayd dhibna ma jireen arrintu waa dhammaan lahayd maahinoo, aniga murugtaan maxaa ii soo arkay, xabbad aa loo gooyay beriga ka hor ma maqal, filimada hindiga leen ku arki jiray, haye hadda maxaa laga raabtaan  hadii asagu ninka dilin?”.

“Wali warku ma daadagin gabadha” ayaa oday yiri kuna daray asaga oo jiijo la hadlaya “adeer ninka waxaa dilay xabbaddii wiilkaagu u gooyay, marka diyadii ninka dhintay ayaa laydinka raabaa , ninku cidla kama bixine, dad ayuu ka dhashay”.

Aay Jiijo intay yara aamustay ayay tiri:

“Runtaa waaye, us cidlo ma ka bixin anukaa geed cidlo ka baxay ah, beriga hadii asaga la dili lahaa diyo ma helneen, haddana nin aan asagu dilin aa diyadiis laga raabaa , hadii diidnana gummaadkii lee waaye, warkiina waan kasay, Ilaahaa joogo” oo u raacisay “odayaashaan u sheegayaa waa laydin la soo xariiraa, raallina noqda”.

“Raali waa nahay, anagoo dhanba dad walaalaa ayaan nahay dhib weyna ma jiro waxa kani waa iska dhamaan oo maalin kasta wax ka daran ayaa dhaca, ee farriinta odayaasha gaarsii nabadayna”.

 

“Habeenkii markii aan isku nimid odayaashii ciddeena, waxaan hubaal ahayd hadii diyada aan la dhiibin in igaarkeenna la dilaayo ama dhowr ciddeena ka mid ah, ilaahay maahine cid kale oo naga celin kartana ma jirin, annagana sacabooleey looma ooyaan eh ayaa nahay, tan kale diyada gardarrada nala ku saaray waa badanayd ma dhiibi karin, go’aan waxaan ku gaarnay in kistoo loo geeyo iyo faataxo, nin odayaasheena ka mid ah ayaa yiri faataxo dadkaas ma qaataan annagaa camal maahan, dadkaas beesa lee raabaan, haye, waxaan u badalayna kistoo beesa ah iyo baryo in laysugu daro, sidii ayaan samaynay kistoo ayaan u gaynay waana Tuugtanay, madaxay noo salaaxeen dad fiicanaa tihiin waa idin naqaanaa, haddii cid kale ahaan lahaydeen shillin ma idiin cafineen, balse dadkeenii oo ceeshoo milix isku ahayn ayaa tihiin, ayay dhaheen, yaab waxaa ahaa naxariista nala tusay, annagii diyada baadda eh laga qaaday ayaa naloo danbi dhaafay oo nala cafiyay, yaa, waxaa horey loo yiri cimrigaaga dheeraadaa geel dhalaayana waa ku tusaa, welina mar markoo kuwaa noo yimaada, ninkii hebel walaakiisaan ahay, ina adeerkiisaan ahay, habaryartiisaa i dhashay, waxaasay noo sheegaan maalintaa marduufkoodana waa siinaa, nabad aan iibsano oo lacag kala baxno ayaan ku joognaa hadda” raggii meesha fadhiyay qoortaa la wada laalaadshay, war waa ka soo bixi waayay, wax badan waa soo arkeen soona maqleen tanise waa ku cusubtahay.

la soco…….

 

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply