BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-39

CUTUBKA-19-AAD

GABA GABO

 

 

 

 

Aroortaas markii Afdheere uu Gunud maqaaxida uga soo tagay inta lacagta soo siiyay, waxaa u yimid Barni oo sida caadadu ahayd warkoodii shalay oo dhan og, waxayna ku tiri:

“Qorshaha aad wadaan labadiinu waan ogahay ee ka joog Gunudoow”.

Intuu xanaaqay ayuu ku yiri:

“Adiga meeshu ma waxay kuugu furantahay inaad dadka ku basaastid, hal eray hadduu kaa soo baxo ama aan banaanka ka maqlo adaa u maqan”.

“War heedhee, waxa intaan iga reebay waa sidii laygu hanjabaayay oo laygu caga juglaynayay, taas waan isnaqaanaaye, imaqal, waxbaaan kuu sheegaya aanan cid kale u sheegin hada ka hor”.

“Waa maxay”

Barni ayaa inta si qumaatiya indhaha uga eegtay ku tiri:

“Kobtaad adiga iyo asagu dilka Warfaa iyo wiilka ku maleegayseen, qolkaa gudihiisa ayaa dilkii aabahaana lagu maleegay, Afdheeraha ku lahaa soo dil dadka ayaa Wiilwaal kula heshiiyay in uu aabahaa soo dilo oo lacag ku baxshay, intaas ayaan kuu sheegi”.

Gunud oo hadalkii filan waa ku noqday argagaxna ka qaaday ayaa yiri: “Waxaad ku hadlayso ma runayaa?”.

“Waxaan kuu sheegayo wax lagu kaftamo ma kuula eg tahay?”.

“Maya, maxaadse tan iyo intaas ula aamusnayd oo aad iigu sheegi weyday?”.

“Sidaad hada ii handaday ayaa lay handaday oo Wiilwaal i yiri caruurtaadaa u maqan, asagii haduu dhintayna, waxaan culayskaan uurka ugu sito ma jiraan, haddana cidaan aniga iyo adiga iyo

Afdheere ahayn ma oga, saad ka yeeli lahayd aday ku jirtaa”

“Wiilwaal baqdintiisa ayaa ku heshay waan garan karaa, waana mahadsan tahay saan yeelayo anay i jirta, maxaase Afdheere aabahay ku galay? koley waad ogtahaye,”

Barni oo cabsidii ka dagatay oo awal ka baqaysay inuu wax yeelo hadase ogaatay inuusan wax yeelayn, oo ciil keeda mid ka weyn uu u qaaday Gunud Afdheere ayaa tiri:

“Xoolo aduun lexa jecladood, waana tan uu hadda ku dili rabo Warfaa, iyo waanada uu kaa daba waday aabahaa oo ku oran jiray odayaashaan waa kugu danaysanayaan iyo maandhoow joogtii uu kulahaa aabahaa, intaas ayaa lagu dilay, wiilku waa marmarsiyo, ninka uu Afdheere aakhiro la raadinayaa waa Warfaa”.

Ninkii uu sugayay ayuu arkay, inta istagay ayuu ku yiri:

“Berri markii markhati lagaaga baahdo hadalkaas waa lagaa raabaa,  hadii kale adaa u qoollan”, horana u sii baxay.

Intay sii fiirisay intay baabuurka ka korayeen oo qososhay ayay tiri:

“Kun markhaati anaa kuu noqon, Af-dheere haddaad i dhaafisid, noloshuu igu ciriirshee qabriga Allaha ku cariirshee”.

DHAMMAAD

buugta qoraaga ee soo socota

Isma oran

Faq shaydaan

udubprinting@gmail.com

alishka5@hotmail.com

alishka5@gmail.com

Facebook: suldaan cali ameriko

 

Leave a Reply