CUTUBKA-18-AAD
DILKII
Markii qol weyn oo guriga Warafa la goglay oo joodariyaal iyo barkimo lagu safay ragiina qaar yimid ayaa waxaa illinka hore ee guriga soo istaagay Afdheere oo wiil meesha sii galayayna ku yiri Warfaa iigu yeer adeer, haddii uu soo baxay Warfaa waaba Afdheere ninka sugayaa yaab iyo ammankaag,
“qaskii ma gurigayga ayuu la soo doontay. Inii tuu banaanka iigu gaystay ma ku filnaan weyday, dhagaxtuur inuu halkaan ka bilaabo miyuu u yimid” ayaa Warfaa laabta iska yiri,
raggii kale qaarkood xalay ayay siin u soo direen oo waa dhunsanayn ku dhaheen ee naga raalli noqo, nikaaxana waan imaanaynaa qaarbaaba fadhiya hadda gudaha, asaguna sidii cir ka soo dhacii ayuu irrida isa soo taagay, Warfaa waa is dajiyay hadalna kuma kululayn, waxa uuna ku yiri:
“Af-dheere nin ka u danbeeya ee aan is lahaa waa iman ayaad ahayde, maxaa jira saaka oo dadkaad necayayd iyo gunta ku dhex keenay?”.
“Saas ha dhihin Warfaa naf iyo sheeydaan ayaa nala xariira oo si kale qofka wax u tusa, Soomaalidu waxay tiraahdaa geesi waa ninkii gafkiisa qaata, saakana nin iga geesisan ma jiro ayaan filiyaa mar haddaan gafkaygii qaatay oo soo hoyday”.
“War bal tanoo kale war ninku sow Afdheere maahan, war illayn naxariis Eebbe lagama quusto”, ayuu uurka iska yiri:
“Soo gudub khayr Allaha ka dhigo, gacma furan ku soo dhawoow”.
Saddex ujeedo kaliya ayaa Afdheere u yimid nikaaxa oo gurigaan keentay, mar asaga oo ka maqan meesha haddii dilku dhaco amaa tuhun yimaadaa waa is yiri, marna Warfaa amuu nikaaxa ka dhex hadlaa ciilka uu qabo dartiis uu ragga u sheegaa goofka ay wada gateen, taasna sida uu uga badbaadi karay waa isagoo nikaaxa ka soo qayb gala, tusiya in carro nabad tahay, tan saddexaadna Warfaa awoowgiis rag badan oo jufada Afdheera ah ayuu dhagta dhiiga u daray, in kasta oo laga heshiiyay oo gabdho lays dhaafsaday hadana mar uun waa ku tallamayay qof reer Jiiqla ah oo gacantiisa ku baxa in uu arko, reer Jiiqle waxaa ka haray Warfaa iyo inta uu dhalay iyo islaantii xumayd ee doqontaahay oo Afdheere ina adeertiis ahayd oo Warfaa adeerkiis qaayay intay dhashay, oo ayagu hadda ay heshiis la yihiin Warfaa oo islaantii iyo carruurteedii oo ku biilo magaalo ay daggan yihiin, “doqontaas Warfaa wax waa ka qaban weyday waana ka soo fakaday, naagi kugu tol maaha, maantaase garsoorkii jiraa, ina buux sida uu u nafbaxayana daawan doonaa” ayuu uurka iska yiri.
Dumarkii oo mashxaradaya markii nikaaxu dhacay ayaa Gunud illinka hore ka soo galay, labadii nine ee la socotayna mid banaanka igu sug ku soo yiri midna gaarigii yaraa looga soo dhex tagay, cid u fiirsatay ama danaynaysay ma jirin soo galitaankiisa, waayo alalaasaha iyo rayraynta ayaa ka weynaa in qof meel maraya la tabo iyo masharada Xaaran iyo Cambaro ee dhaga jabiska ah oo haduu madfac soo dhaco aan la maqlayn, wuxuu sii dhex qaaday dumarkii alalaasayay oo irida ka istaagay qolkii nikaxu ka dhacay, indhihiisu waxay qabteen wiilkii arooska ahaa oo macawis qurxoon iyo shaati cad oo gacma dheera ah xiran, cimaamadna garbaha u saran tahay oo salaan saf kala maraya raggii meesha fadhiyay, markii uu dhameeyay salaantii oo uu meeshii uu ka kacay soo fariistay, ayaa Gunud oo aan weli qolka si fiican u galin bastooladii la soo baxay oo afar xabadood oo daran dooriya ka riday, gadaalna u laabtay oo xabbad kalana kor u riday si dumarku ay wadada ugu banneeyaan.
baabuurki oo kacsan ayaa asaga iyo kii banaanka ku sugayay fuuleen kana dhaqaajiyeen, gudaha qolka markii isku dhex yaacii dagay ayaa la arakay Warfaa oo nin rafanaya dul fadhiya oo cimamadiisa xabadka kaga haya si uusan u dhiig bixin, war ninka qaada isbitaalka ka gaarsiiya iyo hadalo jaadkaas ah ayaa mesha ka yeerayay, hase ahaatee Afdheere uma ekayn mid naftu la gaarayso isbitaal iyo meel kalaba, laba xabadood wadnahay ka haleeleen, midna dhuunta, midna garabka bidix, intii la dul dhoobnaa ayaa naftii daysay.
Nin oday ah oo meesha joogay ayaa yiri:
“Innaa lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun, Allaha u naxariisto marxuunkaan, waxaanse maqli jiray abeeso ninkii korsadoow adigaa u aayi, walle inaysan been ahay, saa Afdheeraba ninka saaka bartaan dhigay waa Gunude”.
Galabtaas waxaa la soo duugay Afdheere waxaana lagu ballamay in arooska toddobaadka dib laga dhigo, arooskiina si fiican ayuu u dhacay, maalin xusuus mudan ayay ahayd, maalin sooyaalka Soomaaliya meel weyn ka gashay ayay ahayd, maalin qofkii joogay ama xasuusta ay illin farxadeed ka timid ayay ahayd, iftiin cusub oo Soomaali u baxay maalin uu bilowday ayay ahayd, nolol rayn rayn bash bash iyo barwaaqo iyo dhibba leh ayaa u bilaabatay lammaanihii is jeclaa maalintaas, ayaga oo laabta ku haya sida geesinnimda leh ee ay ula duubteen waalidiintii ayaga dhalay iyo inta badan bulshaday ku dhex noolaayeen, ayagana laga sugayo sidaa iyo si ka fiican iyo Soomaalinnimo dhab ah oo xumaan iyo qalooc aan lahayn, kuna qotonta garsoorka Eebbe iyo mid nooleba, waxaa u biloowday lamaanaha iyo dadkii arooska ka soo qayb galay iyo Soomaali oo dhanba, ladagaallanka faquuqa, gooni dad u riixidda iyo kala saraynta bulshadeena in badan soo dilatay.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply