BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-37

 

CUTUBKA-17-AAD

TASHIGII DILKA WARFAA

 

 

 

 

 

 

 

Barni waxay ahayd qof war jecel sirta dadka inay ogaatana aad uga heshey, qolkaan yar wuxuu u ahaa dabinka ay warka ku gaado, siiba marka la marqaamo oo hadalka aan hoos loo dhigin, waxay iska dhaadhicisay ogaatayna in ganbarku uu ka fiican yahay kursiga marka xanta la dhagaysanayo, oo qof qayilaya oo fadhiya aan sifiican warkiisa looga maqlayn kursi, raadiyana waaba ka dheeraysay qolka iyo agagaarkiisa, ganbarkeedii ayay baroosinka dhigatay, gabdhihiina waxay ku tiri madaxaa i xanuuniye ee shaqada iska celiya.

 

Marqaankii markii la gaaray muddo ka dib Barni na dulqaadkii ku yaraaday oo ay iskula hadlayso,  ciyaar meeshan uma aysan imaane oo qolka iskuguma soo xirine warka may bilaaayaan, ayada oo jees jeesanaysa, ayada oo is leh maxay warkay rabtay u bilaabi la’yihiin ayaa Afdheere hadalkii bilaaayay, Barnina neef ayaa ka soo fuqday, alxamdullilaahi ayay tiri, Afdheerana hadalkii wuxuu ku bilaaayay:

“Arrin ayaan kuugu yeeray aniga iyo adigana in ay na dhaafto ma rabo, odayaal ila og waa jiraan hase ahaatee inaan adiga kuu dirayo hawsha ma oga, adiguna ragga ila wada inaad ogaato looma baahna, shaqadaas ayaad tolka u qaban dhaqaale fiicana  waa lagu siin”.

“Cidna war iga maqli maysee, waa maxay shaqadu?” ayuu yiri.

 

Laamo yar yar oo uu gacanta ku hayay ayuu inta afka ku kuusay yiri:

“Waad la socotaa in maalmaahaan ninkii Warfaa ahaa iyo tolkii ay kala taagan yihiin”.

“Wax waan   ka   maqlay arrintaas, haye?”.

“Gabadhiisii ayuu wuxuu siinayaa nin nassab dhimana, waxaasna sharaf dhac iyo ceeb ayay nagu tahay, warna waa diiday oo asaga ayaa isla qumman”.

“Aniga maxaa layga raabaa marka? inaan baryo oo wax u sheegaa?”

“Maya maya maya, nin baryootama waad ka Weyntahay, tol dhan hormoodkoodii ayaa tahay, nikaaxii berri ayuu dhacaayaa oo aroortii ayaa gurigiisa lagu qaban, saddex saac, adiga waxaan kaa rabnaa inta uusan dhicin nikaaxo in aad wiilka gabadha lagu nikaaxinayo aad ku tagtid, intaas kaliya ayaa lagaa raabaa , hawl kugu dhib ahna maahan ayaan filayaa”.

Gunud intuu xoogaa aamusay ayuu yiri

“Waxaas iyo wax la mid ah dhib iguma hayaane, waxaan ku iri ujeedada wiilka loo dilayo waa maxay ma nassab dhimman ahaan taas baa?”

“Haa, ma sharaf dhac ka weyn ayaa jira oo na soo fool saari lahaa hadduu guursado gabadheena?”

“Runta marka loo hadlo ninkaad dil I leedahay aniga iyo adigaba naga fiican, nagana nassabsan, sow ina Kadiye maahan, wiil la mid ihi waa yar

yahay wanaagiisa iyo sharaftiisa, taase hadda mid ii taal maahan ee meeqaa lay siin”.

Af-dheere oo hadalkii ka yara xanaaqay warse aan ku celin Karin oo lafihiisa uga baqaya ayaa yiri:

“Kun dollar”.

“Waa inaan ugu yaraan laba qof wataa oo wixii kor iiga yimaada iga ilaaliya, marka laba kun oo lacag ah ayaad keeni, warkuna intaas ha ku

yaraado,” una raaciyay, “Waxaanse ku weydiiyay maxaan caawaba noo diiday inaan kala tuurno oo berri noola sugaysaa?”.

“Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa, Warfaa warkeena waa diiday si sharaf leh intaan ula hadalnay, wiilka oo caawa la dilaa xanuun badan kuma haynayso, hasa yeeshee gurigiisa dhexdiisa iyo nikaaxa oo loo fadhiyo cashar ayay u noqon asaga iyo kii kale oo isku daya sidaan oo kale”.

 

Warkii waxaa lagu gunaanaday in berri hal saac uu keeno kun doolar oo hor maris ah oo maqaaxidan laysugu yimaado, wax yar hadii la kala aamusnaa ayaa Afdheere yiri:

“Gunud nin waaya aragaad tahay inaan kula tashtaan raabaa”.

“Haye”.

“Waxaa jira wax aan kaa qariyay, raggii odayaasha cidda ahaa ee i soo diray waxay i soo dhaheen Warfaa xataa ha la soo dilo, waana arrinta loo rabo in xilliga nikaaxa aad howsha fuliso oo labadoodaba hal dhagax ku disho, marka bal maxay kula tahay?”.

“Afdheere anigu nin shaqo u soo jeedaan ahay, wiilka aad dil leedahay waxba igama galabsan, haddana calooshaydaan u shaqaysan haddii lacag  aad ogoshihiin, aniga Warfaa Waxba iigama duwana wiilka”.

Heshiiskii ayaa dib loogu laabtay waxaa lagu ballamay berri hal saac iyo bar iyo Afdheere oo laba kun iyo shan boql oo hor marisa wada, laba kun iyo shan boqol kalana markii shaqada la dhameeyo, waayo Gunud waa diiday in wiilka iyo Warfaa isku lacag noqdaan.

 

Markii la yara aamusnaa ayaa Gunud weydiiyay waxa uu sidaan soohdin ka baxaa ugu neceb yahay Warfaa.

“Ma necbi, nacayb gaara uma hayo ee tani waa mid tolku wato anna odayaasha cidaan ka mid ahay”.

“Tan ka hadli ma hayo ee sidiisaad u neceb tahay, wax badan annaga oo sheekaysanayna yaan kaa dareemay, xurgufna in labadiina juffo dhex taal waan maqlay”.

“Taasi mar horay ahayd, waa hore, geel jirayaal is dilay iyo buuq yar, waana laga heshiiyay mar hore xaal marina gabdhaa lays dhaafsaday, arrintaas waagiiba waa dantay, Allaa naga damiyay hadalkeediina waa joogsaday markiiba waana la heshiiyay, warkiina halkaas ayuu ku xirmay, intii dhimatayna Allaha u naxariisto”.

“Warfaa awoowgii dagaalkaas rag ayuu ku dilaan maqlay jufadiina ah, waxa Warfaa aabihiis loo dilayna waa aanadaas ayaa la yiriye maxaa ka jira?”.

“Maya maya maya, aargoosi maahan, waayo ninka dilay buux juffadeenna maba ahayn, waa nin ay is af dhaafeen kadibna isku gacan qaadeen, Allaha u naxariisto nin karmeed ayuu ahaa Jiiqle, Warfaa awoowgiis, in kasta oo uu da’ ahaan weynaa dagalkaas markuu dhacayay hadana nin baluu ahaa, Buux iyo walaalkiisna maba joogin umana dhaweyn meesha dagaalku ka dhacay, oo ka heshiintii xurguftaas Warfaa adeerkiis gabar ayaaba lagu daray  jufadeena ah oo aabahay ayaaba gabadha bixiyay oo adeer u ahaa ayadu agoon ayay ahayd”.

Gunud ayaa uurka iska yiri

tuug tuug dhalay, adiga iyo kii ku dhalay waxba isma dhaantaan, laba Ibliis oo ifka loo soo diraad tihiin.

 

Intaas ka dib nin walba suxulkuu aastay oo naftiisa ku mashquulay, Gunud waxuu ka fakarayay sidii uu howshaa u qaban lahaa asaga ooaa n cid kale wax gaarsiin, lacagtiisana u duuban lahaa, Af-dheere waxuu ku howlanaa siddeentanka boos goofka ah ee asaga iyo Warfaa wada gateen ee uu asagu isku qoray, ballantuna ahayd in nootaayo la tago oo labada magacba lagu soo qoro sida uu meel cidla ah uga helayo berri marka tii Warfaa soo dhamaato, waayo wax cadayn ah ma jirto oo muujinaysa inuu dhulkaas Warfaa wax ku leeyahay, wax qoran maleh, hadal kaligiina sharci maahan, nin dhintayna aakhiro hadal kama soo tabiyo, siddeetan boos oo qiimahoodu maalin walba kor u sii socdo, Ilaahay makuu gargaaraa mise gafuur gafuur ayuu kuu tuuraa, ma anaa iri mise reer xamar ayaa yiri,  ayuu laabta is ka yiri asaga oo uurka ka qoslaya.

 

Hal saac iyo bar markii uu yimid Gunud makhayadii ayaa Barni u sheegtay in Afdheere gudaha fadhiyo, waa uu u gudayay, hadal la’aan lacagtii ayaa faraha loo gashay, ma fiirin mana u baahnayn inuu fiiriyo ama tiriyo, waayo libaax asaga oo kala ah Af-dheere xoolo kama cuni karo, kamana hunguriyeen karo, beena uma sheegi karo, waxa uuse yiri ma dhan tahay lacagtu intaan ku ballannay sow maaha?, haa ayuu yiri.

 

Gunud waa nin dheer oo xorgogsan seed iyo muruq iyo laf ah, timo jilicsan oo sheexo u baxsantahay, indho cad birtana u madoow leh, shaarib leh, garmaleeytiya, qaad cun badan, sigaar cab badan, ilkuhuse cadcadyihiin, aadna u xarrago badan oo qofna aysan ku soo dhacayn kana ayaa baas abuur ah.

“Waayahay, wiilashii mid ka mid ah oo korkaas daggan ayaan halkan ku ballanay oo aan iska raacaynaa, ee iska sii bax adigu ka soo qaad in howshii fushay, waa inoo duhurkii iyo inta dhiman lacagta”, saas ayaana lagu kala tagay.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply