CUTUBKA-16-AAD
MUSLIMO & DHARAS
Muslimo hadday sida dadka lays kugu diro xariifad ku tahay, Xaaran sida warka looga soo saaro ayay macallimad ku tahay, Muslima warkii sii wadatay oo tiri:
“Aamin jannatu firdowsa allaha geeyo, muddaan isla soconay aad ayaan isku jeclaanay far iyo faraanti ayaan ahay, ma kala hari jirin oo dadku waxay na dhihi jireen labadii jacaylka la sarqaaamy, balaayo sideedaba ilayn meel nagama jirin, oo Ibliiskaan Afka dheer ayaa ilayn hawada cashaq dooro ku helay, been kuu sheegi mayo biyo dahab ayaan ahaa markaan yaraa, cadceeda soo baxda iyo aniga nalama kala aqoon, naag intii ilaahay qurux siiyay ayuu ii dhamaystiray, asna cambaruudkaas bislaaday ayuu dusha ka arkayoo is yiri cantuug cidi kaama xigtee…” Xaaran ayaa ka dhex gashay oo tiri:
“Mas ku cantuug dheh oo cawrada kaa goosay, kaasaaban nacee, ahaan jiray adna ha dhihin, haddaabad dayax soo baxay aad u egtahaye” Muslimaa oo uurka islka leh
“walle Xaaran munaafiqnimo baratay”, ayaa hadalkii sii wadatay, oo tiri:
“Maalin ayuu ii yimid oo igu yiri waan ku raabaa oo inaan cidda kaa doontaan raabaa, si wanaagsan ayaan ula hadlay oo waxaana ki iri, walaaloow wiil ayaan wada soconaa oo aan is jecelnahay asagaana ku heshiinay inaan isguursano, waadse ku mahadsantahay inaad dhicayga soo eegtay, asaga oon aan hadal oran ayuu iga tagay, anna wax weyn uma arkin oo waxaan is iri reer miyinnimadii ayaa weli ku jirta iyo sidee naag kuu diidi kartaa, maalmo kadib ayaa niman dhallinyaro ah u yimaadeen Xareed, waa wiilkaan is jecleyne, waxayna ku dhaheen gabadhaas agteeda ka dheeroow haddaad nolol rabto, laba iyo labo markaan isa saaray waxaa ii soo baxday in faran farkii ka danbeeyo howsha, maalin ayaan arkay oo aan ku iri, ma adaa nimanka u soo diray Xareed, kitaab jaamaca ayuu maray, waase haddaan kitaab galti miyi magaal ah rumaysto, walaaleey dad waxaa ugu aqoon xun tuula jooga, oo miyi iyo magaalo midna aan la socon, dhaqanna aan lahayn, asna saas ayuu ahaa, sheekada yaanan kugu kala goyne wuxuu igu yiri, nimaan aniga ahayn naag u noqon maysid, ma qasab baa markaan ku irina waa dhaqaajiyay, gadaal ayaan war ku tiri ku keentay ah ku maqlay in asagu rag soo diray, dayixii isoo baxayna tiisii ayaa dhamaatay oo maydkiisa laga helay meel luuq ah, ibliiskuna waa inkiray balse cidna caad kama saarnayn, balse ayada oo caddeyn aan lahayn iyo asaga oo beel hubaysan ka dhashay ayaa arrintii la iska ilooayay, aniguse ma illoobin mana illoobi doono”.
“Dhulka meeshaad cag dhigtaba kula duntay, oo ciidu ku laqday”
ayaa Xaaran tiri, si ay Muslimo hadalka u sii wado, una raacisay oo tiri
“wadaadkaagan ayaa kuu qornaa, calaf waa cajiib”
“Haa, wixii ilaah qoray lama seego”
“Xaajigaaga hadda ma is barateen mise waa ku soo doonay?” ayay weydiisay ayadoo og sheekada, haddana waxay is tiri bal in ay sheegto wax aysan maqlin oo laga illooayay markii hore.
“Alle u naxariisaygii markii Alle oofsaday, rag badan ayaa ii soo saftay, balse mid walba waa iga dhuuntaa markaan maalmo wada soconno oo
waa la handadaa, aniga oo calaf guur ka quustay inta ehlu naarkaas nool yahay, ayaa wadaad kaan maalin ii yimid oo i yiri waan ku raabaa, oo cidda inaan kaa doontaan raabaa , waxaan damcay inaan ku dhaho “oo ma inaad dhimataad rabtaa, ma noloshii ayaa ku dhibtay”, mise oran oo iftiin ii bidhaamay ayuu ahaa iyo raja nolol iyo guri iyo nin iyo hadii Eebbe caruur hooyo i dhaha i siinayo, haye ayaan iri, raalli ayaan ka ahay”
Xaaran ayaa ka dhex gashay oo tiri:
“Calaf waa kaas, adna cimri waa kugu socday, caruur waad u baahnayd”
Muslimaa inta qosol guuxday tiri:
“Xaaran sheeka naageedka naga daa iyo waxa naaguhu is kugu sheekeeyaan, caruur in ilaahay iga siiyaan u guursaday, waa sheeko naageed, rag iyo dumar caruur qof u guursada ma leh, salkaan ka wada kacnay, is qaboojiya ayaan isku raadsanaa haddaan rag iyo dumar nahay ee caruur cidi kama fakarto marka hore” oo hadalkii sii wadatay, “Wadaadkayga ayaa markaas ciddii u tagay oo i weydiistay, anna markii la i weydiiyay waan ogolay ayaan iri, waxaan ogaa in Af-dheere uusan qori ka jabin Karin agtiisa, asagu waa nin miskiin ah, balse kuwo dadka istaagga ku diirta ayaa la dhashay, lafta uu ka dhashay oo dhan waa rag oo madaxa la galin karin, beeshiisuna waa hubaysan tahay, kana xoog badan tan eeyga Af ka dheer, in aanan cidla ku duqoobin oo aanan gablan ku dhiman ka cararideeda, ayaan qori iyo hub u magan galay iyo rag wada dilaa ah, asaguse waa nin wanaagsan oo Muslim ah, nin hanuunsan weeye, haa, waxaas kuma jiro”, oo inta yara qososhay tiri:
“Markii hore waxaan is lahaa kan waa miskiin ee iska iimaanso, balse sariirtii ayuu war la yimid, ninba kama xoog badna, ilayn ninka ragannimadiisu is qaad qaad maahan iyo xoog badni, ee howsha uu la yimaado marka runtu timaado weeye, dadku waxy i dhahaan maxad odoga u dhibtaa, anna yuusan kaa fakan ayaa igu jirta, sidii naagoo dhan ogyihiin libaax nimadiisa iyo wanaagiisa,”
“Naa naga aamus” ayaa Xaaran tiri siina wadatay hadalkii “kaligaa maahan ee gabdho badan ayaa dhibban sidaas oo kale, adiga mid nacaladi ku dhacday ayaa ku helay, balse gabdho kuwii dhalay iyo kuwii la dhashay ay ku qasbayaan niman aysan rabin oo indhahooda oo shan ah jacalkoodii iyo dadnimadoodii laga xayuubiyay oo nolosha ku dhamaysta hadday saan ahan lahayd, haddii aan diidi lahaa, haddii iyo haddii, oo ubdka Alle siiyay maahine nolosha inteeda kale mugdi u tahay oo aan cidna u ogayn ayaa jira, ciil badana, kuwa gabdhaha qasboow qabriga Alle idiinma waasiciyo”.
Aamin intay tiri Muslimo ayay ku dartay
“waad I daahisay, goormaan qado Karin” oo inta istaagtay tiri “Warka ma qariside niskiinkaas Dharas ah ha ceebaysan, oo ilaahay ka baq, tan kale meelaad habaarka ku baratay maaqaane, waxaad ku fiican tahay ba asagaan arkee, har iyo habeen Af-dheere ii habaar”
“Hadal layga maqli mayo, Af-dheere waa shaydaan shaydaanna habaar laguma karo, dhulka iyo cirkuba ha diideene, walaahi ninkaas aniguba waa nacay, naxariis Eebbe naarta ha ka arkee”.
Markii Muslimo illinka ka sii baxaysay ayay inta garbasaar soo haabatay, gabar guriga joogtay ku tiri:
“Naa qadada sii kari Ugub ayaan gaarayaaye”
durbadiiba waxay u tagtay Ugub oo sheekadii uga sheekaysay, Raaxo oo lagu naynaaso war safrisa oo meesha fadhidayna inta maqashay sheekadii ayay la roortay, oo cidii koowaad iyo labaad iyo kuwii ku xigay oo dhan dhaaftay ayada oo is leh, kuwaan warku hadduu soo gaarayaa ee kuwa fog fog warka u gee intuu kulul yahay, sidaas ayayna ku tagtay xaafad shanaad iyo ka gadaal, oo warkay soo maqashay iyo xardhid ay ku dartay u sheegtay, durbadiiba warkii Xaaran soo tabisay sidii dab bal qabsaday ayuu u faafay oo meel kasta gaaray, warkii oo muuqii kore ka jooga, balse macnihii wax badan is badaleen.
Muslimo oo qadadii wali dabka u saran tahay ayaa waxaa u yimid islan dariskeeda ah oo isku raran lagu naynaaso, oo ayada oo aan wali fariisan, salaan haba sheegine tiri:
“Naa Muslimo, wax baa lays kula haraaye see kaa noqotay, oo sirtaan aan soo maqlayna immisaad qarinaysay?”
Libaax nin ganay iyo meel laga soo ganay waa yaqaan, warkii oo waji kale lehna in la wado waa dareentay, markaasay tiri:
“Bal fariiso horta, oo hadalka tartiib iigu sheeg, warkana ii taana taanee”.
Isku raran intay ganbar soo haabatay oo garbasaartii ka sii dhacaysay dhusheda soo celisay oo fariisatay ayay hadalkii ku bilowday:
“Gabadhaan dariskaygaa ayaan hadal ka soo maqlay, ayaduna Xidday ka soo maqashay, Xiddana Canabaray ka soo maqashay, Canbarana
Suleekhay ka soo maqashay….”
Muslimaa inta ka dhex gashay tiri:
“Naa aniga xaddiis rasuul ii sheegi mayside warka nuxurkiisa ii sheeg, meeshuu ka yimid waan aqaanaaye”.
Isku raran inta neef xoog leh jiiday mid ka sii xoog badana soo tuurtay tiri:
“Waxaa suuqa ku jira in adiga iyo xoolhii aad wadatay Dharas aad balo maleegaysaan, si guurka ina Warfaa loo baajiyo, oo fidno tii u danbaysay oo casriya aad wadaan, oo maanta oo dhan aad shir ku jirteen irduhu u xiran yihiin, oo aad xataa odagaaga illinka ka furi weyday, oo uu irida garacayay maanta oo dhan, oo adiga iyo Dharas qol isku soo xirteen qorshe weyna dajinayseen, go’aana aad ku gaarteen in Warfaa kabtiisa cirka loo tuuro, adiguna fulinta qorshaha aad madax ka tahay oo lacag lagu siiyay, balse aad diiday oo aad tiri inaan Warfaa oo aan ka aarsado ayaa lacag igala weyn, lacag….”.
Muslimaa ka dhexgashay oo tiri:
“Naa bal sug, waa maxay dakanaha Warfaa iga galay oo aan ka aarsanayo?”
“Kuuma sheegin miyaa” ayaa Isku raran tiri ayada oo iska dhigaysa inay ka xuntay inaysan weli warka nuxurkiisii u sheegin, oo hadalkii sii wadatay
“waxaa la yiri barigaad yarayd Warfaa ayaad aad u jeclayd, asna waa ku diiday oo Ugub ayuu kaa raacay, ciilkii ayaad u qabtaa oo maalintii adoo la hadlaya oo baryaya uu jidka kaaga dhaqaayay, ayaad kitaab jaamaca ku martay inaad ka aarasato, waa sida la yiri, anigu war kama hayee, qabri ayaaba tahay, anagoo intaas in naqaanay inaan sheekadaas maanta maqlo, waaban yaaayay”.
Mulimo haday ahaan lahayd qof beer jilec u dhashay mar horey qaylin lahayd oo ku waalan lahayd waa been iyo habaar, balse si daggan ayay u tiri:
“Waxaas waxba kama jiraan, waa been la soo dhoodhoobay, wanaagga aniga iyo reer kaas naga dhaxeeya ayaa xaasidiinta u cuntami waayay, Eebase waxaan ugu mahdinayaa tii warka qaaday markii hore oo Ugub u gaysay inaysan wax ku darid aqoon, balse in ay war tabinta ku dheerayso waan aqaan”.
Isku raran intay foolka foolka u soo saaraty Muslimo ayay tiri:
“Waa tuma taas walaaleey?”
“Yaa kale, xaafadaan adiga iyo Xaaran cid idinka war tabis badan miyaa jirta?”.
Isku raran waa is gashay, wanaagii ay u samee is lahayd iyo warkay ula soo rooraysay masaanay dhashay, intay istaagtay ayay tiri:
“Horaa loo yiri asxaan ha falin shar kuuma timaadee, naa nabadeey, adba war kuguma yaree” oo illika u dhaqaaqday,
Muslimana waa ka daba tuuray oo tiri:
“Dhammaanteen allaha na nabad yeelo walaaleey, ifkaba wixii war wareejis yaqaan ayaan ugu necbahaye”
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply