CUTUBKA-16-AAD
MUSLIMO & DHARAS
Muslima waa ka hehsay sida fudud ee ay u kala wareejisay Dharas, waxayna ku shallayday haddii dadka dhan sidaan u ahaan lahaayeen, jikadeeda ayay Soomaliya uga talin lahayd, Af-dheerana in uu silic u dhinto waa ay hubin lahayd, ayada oo ubax baxaya ah ninkii jeerin qallalay ka dhigay oo farxadeedii af duubay, aakhirana u diray gacaliyaheedi, Muslimo waxay iska dhaadhacsiisay in ifka hal farxad ugu hartay, taasna ay tahay Af dheere oo aan dhimanna noolayna in ay aragto, taas weeye farxada ifka ugu hartay, waana waxay ilaahay labadoodaba cimri dheere uga barido.
War badnida Muslimo iyo fudaydka Dharas waxay labadoodaba illoowsiisay in goobta ay taagan yihiin oo ay ku sheekaysanayaan ay tahay dariishadii aqalka Xaaran oo warkoodi oo dhan dhagta u dhigtay, waxay maqshayna ay filan waa ku noqotay, markii ay dareentay Xaaran in asagii tagay, ayay inta roortay oo qolkii ka soo baxday oo alaab dayrka taalay ka dul tallaabsatay si aysan ugu daahin ka leexashada alaabta, [in kasta oo aydu aysan kala sheegi karin hadda, inay ka booday iyo in ka weecatay] ayay illinka hore soo istaagtay oo Muslimo oo meesha maraysa ku tiri:
“Nabad ma sheegtay?”
“Waa nabad walaaleey” ayay tiri Muslimo soona xasuusatay in sheekadoodii ay ka dhacday dariishada Xaaran agteeda, markaasay u raacisay “si fiican ma u duubtay Xaaraneey, anaaba og war kaama fakadee”
“Maxaan duubay?”
“Ma annagii ayaa isku keen keennay Xaaran, waligaaba inkir, dan ayaan suuqa uga maqli waxaad duubtay oo dhan” oo inta wajiga kala maroojisay tiri “ilaahay ayaan ku mahdin wax wanaagsan mooyee in aadan wax xun iga maqal”
Xaaran intay dibnaha ka sharqamisay ayay tiri:
“Waxaan ka naxayba waa warka wanaagsan ee aad ku hadashay, ee maxaa ka danbeeya wanaagaas?”
“Maxaa ka danayayn lahaa? waligayba saasaan wanaag u waday ee dad aan wanaagaba aqoon ayaan dhex joogaa maahine, oo …” oo inta hadalkii joojisay tiri “ducaysan bal biyo isii balaayadu waa i harraadshee, adna waad iigu darsantaye”
Gurigii ayay galeen oo galaas biya ah u keentay, laba ganbar oo iska soo horjeedna la fariistay, warkiina waxaa bilaaayay Xaaran oo tiri:
“Naa xoolahaan la soo daystay muxuu lahaa?”
“Ha layaabin waa maangaab tahliil qabiil la cabsiiyaye, asaga oo kale raggu waa u badanyihiin, haddayba wada ahayne”
“Dumarkaba waa ku badan yihiin” ayaa Xaaran tiri.
“Dumarka raggaa baray, isku halayn rag ayay u sameeeyaan, ee hadday ogyihiin inaan rag is dagaalayn ayaguna badaas ma galeen oo beel beelna kama hadleen, ee duul doqomo ah oo rag la yiraahdo ayay arkeen oo ay isku diri karaan”
“Walle inaysan been ahayn”
“Been maahan dumar, haddaan nahay dhibkeen ma yara, hadal badan iyo muran, isku dir, walle Aadan wax la tus”
“Aadan kee?”
“Awoowihii aan ka soo farcannay, suu ayeeyo Xaawo ayuu dad kaligiis kala joogee”, oo inta yar aamustay oo yara qososhay tiri: “tolow yay ku diri jirtay, ilayn dad lama joogine? Yay la xaman jirtay?”.
“Naa ha I danayaajine waxaan ku weydiiyay, wanaagaan kuguma aqoone maxaad uga celisay wankaan qorshihii uu watay, wadnuhu ha karee”
Muslimo intay qososhay oo istaaq furulaysatay ayay tiri:
“Caqli badnidaa weel daloolaan kuu haystee oo qaylada uun ku fiicane, wanaag aan u samaynayo ugama celin, ee magac xumo iga soo raacaysa ayaan uga celiyay iyo jacayl aan u qabo jabaka eyga ilkaha dheer”
“Magac xumo seeya kaa soo gaaraysa?” ayaaa Xaaran tiri ayada oo rabta in warku is furfuro.
“Duulku daba dhilifyada daacada ii ah ayuu ka mid yahay, dadkuna waa ogyihiin, marka hadduu inta i taqaan dhexdooda waxaas oo kale la tago anaa farta laygu soo fiiqayaa, ayada ayaa ka adanayaysay baa la oran, ilayn asagu garaad ma lehe, waana waxa uu ii soo raadsaday”
Xaaran oo yaabban ayaa uurka iska tiri
“tan haddii aanan cidooda aqoon lahayn, Ibliis ayaa dhalay ayaan ku dharan lahaa, dabayli ku qaaday oo jahannama dalaq kugu siisay”, balse waxay tiri:
“Adiga see kula tahay guurka labadaas?”
“Aniga Muslima ahaan ma kala jecli Gabooyaa tiriye jinni haddii loo guuriyo, balse waan ogahay in laysku diido in ay diin ka bax aysan waxba ka yarayn, saa hadalkii Eebbe iyo rasuul baa la diidee”
“Jacayl rabbi iyo rasuul aad u qabto maahan waxaad saan u leedahaye, dhaga beelihii Af dheeraa meesha ku jira, waan maqlayay hadalka” “Warkiisa igaa wadnuhu ha go’ee, dhiig dad inaan galo marabo, balse qorshe uu wato oo aan ogahay in uusan socon ayaan ballan ku qaaday” ayaa Muslimo tiri ayada oo ciil ka muuqdo.
Xaaran oo caan ku ah inaysan wax qaboojin in ay ka darto mooyaane ayaa is tiri bal arrinta qabooji markay aragtay murugta iyo ciilka foolka muslimo ka muuqda oo tiri:
“Ma iloobe lagama fakado, ilaah ayaa jooga oo ka jaaseyn, intuu halleeyay oo dhan aakhiray ku sugi oo laga abaalmarin, ha murugoon macaanto, ilaahay talo saaro” oo durbadiiba kala wareegtay oo tir ”walaaleey asagu waa inkiray ayaa la yiri in uu dilka ka danbeeyay, anna warku tifiq tifiq ayuu igu soo gaaraye see wax u dhaceen?, Af dheere silsilado naareed ha lagu xiree”
Muslimo waa qof uurkeeda in la ogaado neceb balse markii arrintaan laga hadlayo Xaaran kun jeer ayay ka daran tahay, oo biloow ilaa dhamaad ma joojiso, hadalkeediina waxay ku biloowday oo tiri:
“Nuur alle ii soo diray ayaan is jeclaanay, qurux iyo edeb iyo aqoon intaba Alla u dhameeyey, waanaagiisa mid aan la calfanayn waa u ekaa”
“Haa, horaa loo yiri, qof wanaagsan ma waaro, allow kuu naxariiso, haye” ayaa Xaaran oo hadalkii ka dhex gashay tiri, ujeedkeeduna ahaa inaan Muslimo intay murugooto war ka joojin, in ay u jiibisana ay fiican tahay.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply