BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-33

 

CUTUBKA-16-AAD

MUSLIMO & DHARAS

 

 

 

 

 

Dharas oo ay Warfaa isku hayb yihiin aadna u fudud oo aan wax hubasan oo aad is leedahay waali iyo fiyoobi ayuu u dhaxeeya mararka qaarkood, kana mid ah odaasha beesha ayaa isku xilqaamay asaga oo cidna aysan dirsan in uu baajiyo guurka wiilka iyo gabadha oo sharafta cidda badbaadiyo, taasna ay u keeni karto in uu ka mid noqdoono odayaasha waaweyn ee beesha oo aan warkooda la soo celin iyo ayada oo markastan la xasuusan doono wanaaga uu tolka u sameeyay, waana siduu asagu is yiri.

 

Dharas xaafadda ayuu wax ka daganaa oo dadka aagga si fiican ayuu u yaqaanay, waxayna aad isugu taagnaayeen Xaaran oo markii golaha xanta la joogo oo asaga laga hadlayo ugu yeerta, madax lagu khasaaray, ilaahay madax weyn ayuu siiyay balse maskax yar ayuu ku abuuray ayay tiraahdaa, Dharas madax weyn ayuu leeyhay iyo qoor dhuuban oo lala yaabo siday madaxiisa wayn ay u celiso qoortaan aad u dhuuban, wuxuuse saaxiib fiican la ahaa Muslimo oo warkeedu war shiikh yiri ula mid Ahaa, fudayd dartii wax walba oo ay dhahdo waa la dhici jiray, wuxuuba u arkayay Muslimo in ay tahay qofka ugu caqliga badan ee xaafadda daggan markii la reebo asga oo isku haysta in garaadka Eebbe siiyay aan dad oo dhan la wadasiin kuwa gaar ah maahine.

 

Muslimana waxay ogaatay meesha Dharas uu u jilicsanyahay oo ah isla weynida aan waxba ka jirin taas oo ay ka faa’iidaysato, hadalada ay ku tiraahdo marka ay been faaninayso waxaa ka mid ah,

Soomaaliya shan adoo kala ah hadday u dhalan lahayeen dad jira ayaan maanta ahaan lahyn” iyo Dharasoow madaxda dowladdu hadday kula tashan lahayd ama hogganka dalka wax lagaaga dhiibi lahaa dalku waa toosi lahaa, maxayse kuugu taal nin wax garad ah Soomaali ma rabtee, ciil badanaa Dharasoo kale oo aan laga faa’iisanayn oo maskaxdiisa qabri la galaya”

wax yaabo badan oo jaadkaas ah ayay ku faanisa, waana waxa uu u siiyay kaalinta labaad ee garaad garashada dadka dagan xaafadda.

 

Muddo hadduu raadinayay sidii uu arrintaan waajibka ah xal ugu heli lahaa ayuu soo xasuustay Ibliisadii Muslimo, wuxuuna laabta iska yiri “baadiye nimaan lahayn ayay ag joogtaa, bal baan mar hore soo xasuusto naag ayayba shaqadeeda tahay arrimahaan oo kale”,

Horay ayuu ka dhaqaajiyay oo aaday gurigeedii, balse nasiib wanaag ayada oo guriga u socota ayuu jidka ku arkay, wuxuuna u sheegay in uu u wado arrin muhiim ah oo xallinteeda labadooda looga fadhiyo.

“Yaa nooga fadhiya oo na sugaya?” ayay tiri

“Tolkoo dhan”

“Tolkee? illayn aniga iyo adigu isku tol maahine”

“Waa runta, waan ilooayay ilayn isku tol ma aynaan ahayn” oo inta gacmaha kala rogay hadalkii sii qatay “wallaahi jacayl walaaltinnimo oo aan kuu qabo ayaad dad oo dhan iiga sokaysaa, waa tolkayga dadka wax sugaya, anna adiga maahine inuusan qof kale wax ka qaban Karin arrintaan waan huayaa.”

Wax waalan badanaa ayada oo uurka iska leh ayay tiri;

“Waa arrin seeya? bal ii faahfaahi”

“Sow ma ogid in Warfaa gabdhiisa ina Kadiye guursan rabo?”

“Haa, maxaase laga raabaa dadkaas is jecel?” ayay tiri ayada oo baaritaan ka wada rabtana inuusan wax uusan dib ula harin oo warka u wada sheego.

“Jacayl warkiis majiro, waxaas waa sheeko caruureed markii sharfta beesha laga hadlayo” ayuu yiri

“Oo beesha miyay arrintii gaadhay, howl hoose in ay tahay ayaan u haystee” ayay ku tiri ayadoo uurka iska leh, ku toos wadada Dharas oo warka soo daa,

sidii ay filaysayba waddadii ayuu saani u qabsaday oo wixii dhacay oo dhan u sheegay, sidii cajal ayuu u soo duuayay wixii meesha ka dhacay oo eray eray ugu sheegay, hebel saan ayuu yiri oo hebel saan ayuu yiri oo hebelna saan ayuu yiri, Warfaana saan ayuu yiri warkiina waa mari waayay tolkiina ku gacan sayray.

 

Intii uu waraka u waday Muslimo waaba xajiimootay, naarba naar ayay ka cawdu billaysata, Muslimana sideedaba hadday magaca Af-dheere maqasho canaanyaa kuba kacda, meel uu lug ku leeyahayna waa ka la labootaa, dadnimo xumo ayuu doofaarnimo ku darsaday ayay tiraahdaa, dagaal furan ayaa ka dhaxeeya labadooda oo tan iyo hadda Af-dheere guusha wato, ilaahayna waxay ka baridaa ayada oo aan dhulka la goyn eygaas ilakaha dheer in uusan dilin asaga iyo ayadaba, nolol iyo raaxa adduun oo ay filaysay ninkii kala tuuray waa asaga, ilkuhu midba mar ha ka soo dhaceene, ifka kay ugu jeclayd ninkii aakhiro u diray weeye, ayadana qalbigeeda mugdi ka dhigay, wadaadka hada qaba ee ay meelaha ku burbursato hortii ninkay jeclayd waxaa loo eedeeyaa in shirqool Af-dheere dhigay lagu dilay, balse wax cad waa lagu waayay, dhimashadii noloshii Muslimana waxaa loo saariyay dableey aan haybtooda la aqoon, balse wariyayaasheeda gaarka ah waxay u sheegeen in loo badinayo asaga, ayaduna waaba hubtaa oo asaga ayaaba ku yiri, nimaan aniga ahayn naayaa ku dhihi maayo, balaayaan asaga ahayn ifka cag ma soo dhigin, mar qura  intay xusuustii ka soo baraarugtay ayay tiri:

 

“Dharasoow dadka markaan sheekaysanayno oo magacaaga laysku keeno waxaan dhahaan, ilaahay hadduu garaad cid siiyay dharas ayuu siiyay, oo wallaahiya, waayo waxaan kugu jeclahay waa caqliga iyo xikmadda, waagaan inanta ahaa haddaan ku baran lahaa afkaan kugu la carari laha, maya, wallaadan iga maqasheen”

Dharas foolkaa dhalaal ka baxay, farxad uu isku celinayo ayaa maqaarkii soo dhaafatay, waa wada iftiimay, hadalkii ayay sii wadatay ayadoo leh, “maantase maankayga ma ka daadagayso ninkaan aqiinay in Af-dheere ka caqli badiyo, mana dhacayso oo waan hubaa in xoolahaas wax uu soo maleegay aysan ku marayn, ee see wax u jiraan”.

Farxaddii ayaa bar go’ ku noqotay Dharas, qaracan ayay ku noqotay sidii cirka loo marinayay in dhulka lagu soo daayiy, wuxuuna galay is difaac asagoo leh:

“Maya, maya, arrintaan Af-dheere shaqo kuma leh, anaa is xilqaamay oo tolka u xaytay, mana uu la socdo asagu waxaan damacsanahay, intaas inaan dhaamo adba waad ogtahay Muslimo, oo kaas oo kale warkiisa aanan meel ka soo qaadin”.

“Waan ogahay, ee sideedaba nimaad ka garaad roontahay qorshe uu wato waxba laguma darsado, ceeb ayuu lugaha kuu galin, waana maqlay in arrinta dhan uu asagu wado oo gogosha dhigay adna aad ii sheegtay, tan kale nin ehlu diin ah ayaad ahayde oo dadka shiikh u ah, ee dhaqankaagii wanaagsanaa ku soco qabiil iyo ilaahay kala weyn, aakhiro iyo aduunyo kala badan, naar iyo jannano kala qaboow, wallaahi waan ku jeclahay, aduun iyo aakhiro inaad liibaantana waan jeclahay”.

“Ilaahow kun jeer towba, walaalay waa runtaa ilaahow tooba” asaga oo leh ayuu dhaqaaqay nabadeyna ku yiri.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply