BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-32

 

CUTUBKA-15-AAD

GOGOSHII TOLKA

 

 

 

 

 

“Waad mahadsan tahay Barkhad, Ibliis cid walba waa ku dhex jira, keena waa naqaan, idinkuna waad taqaaniin ayaan u malayn kiina, haddaan taas ka gudbo, beri hore ayaa awoowgay maalin igu yiri dadka boonta la dhaho maxaa boon loo yiri oo loo fogeyay ma taqaan? maya ayaan iri, waxuu yiri waa hore oo dadku miyiga wada joogay oo xoolo raacato la aha, garaadna wax badan aan la dhaamin xoolaha la raaco, diintuna dadka ku yarayd, magaalo weyna aysan jirin, dadkaan boonta la dhahaa waxay joogeen tuulooyinka iyo magaalooyinka, farsama yaqaannay ahaayeen aad ayayna iskula weynaayeen oo waxay gaareen heer ay dhahaan ninkii waran wanaagsan raba ama kabo aan ka dhammaan ama ableey fiican oo af  leh, adigu wax fiican qofkii raba waa inuu gabar nasiiyo, colaadana waa jireen oo nin walba ableey fiican iyo waran waa u baahnaa, sidaas ayay dadka kula dhaqmi jireen, balse waxaa la gaaray, ninkii gabar ka guursadaa inuu nin karmeed yahay, waxay sidaa ku socotaba biloowgii gaalada ay imaanayeen dalka, waxay arkeen gaaladii farsama yaqaanadaan maahine cid kale oo wax kala og kana hor imaan karta in aysan jirin, wadaadada diinta marka laga reebo oo ayaga il gaara gaaladu ku fiirinaysay, hadde waxaan ka hadlayaa boqollaal gu’ ka hor, ayada oo sidaas la yahay ayaa farsama yaqaanadii waxay toleen kabo labada dhinac laysku soo rogo oo kor xarig laysaga xiro marka la gashanayo, markii aan la qabin oo ay dhulka taallo kabtu, oo labada dhinacna geesaha u kala dhacaana u ekaata aummada kirishtaanka, catabka, taas gaaladii waa ka caraysiisay, ciilkii xoola raacatadu u qabtay iyo kii gaaladu u qabtay ayaa isbiirsaday oo gaarsiiyay in lays kugu tago inta laga gaarsiiyay halka ay maanta joogaan.” Calasoow ishuu la raacay dadkii meesha fadhiyay hadalkiina sii watay:

“sidaas waa sida awoowgay ii sheegay, mana ka beensan, aniguse waxaan ogahay nin farsamo yaqaan kaa nasabsan, waayo adiga ayaa u baahan markasta ee asagu kuuma baahna, danta ayaa kugu qasbaysa in aad hoos joogtid, waayo agabkaaga oo dhan ee nolosha ayuu sameeyaa, balse sida hada aan qabno oo aan ka rumaysanahay in lagu dayriyay, oo ah baqti ayay cuneen, wax ka daran ayaa la sameeyaa maanta oo wax badan bakhti cunidu dhaanto, horeyna soomaali u samayn jirtay, cid cid ku cayaysana la ma arko, waaba lagu faana dilka iyo dhaca iyo boobka maanta, marka runtu waxay tahay in dadkaan naga fiicanaayeen, haddana naga fiicn yihiin,  dhabtuna waxay tahay nin wax yaqaan midkaan wax aqoon inuu ka fiican yahay, diinta ayaa  sheegaysa iyo garaadka toosan intaba, ayaguna dad farsama yaqaan ayay ahayeen, oo tan iyo hadda yihiin, dadka maanta lagu faano aduunka ee wax walba oo hurumar ah keenay, oo gaarsiiyay bani’aadamka in ay dayaxa ku dul dagaan, oo isgaarsiintaan iyo horumar ifka keenay, waa dadka aad liidaysaan idinku, waa kuwa sameeya kabaha iyo boorsooyinka qaaliga ah, oo laga yaabo qaarkiin inaysan gadan Karin”

 

“Waxaa caddayn markhaati ma doonto u ah inay dad wanaagsan ahaayeen, haddna yihiin magacyada loo yaqaan sida, Madhibaan oo ah ma dhibe, dad dhib yar in ay ahaayeena ku tusinaysa, dad nabadeed, Howraarsame oo ku tusinaysa dad hadal wanaagsan, eray wacan in ay ahaayeen oo lala dhaqmi karo, Waraabiye ama Waraabeeye oo ay ugu baxday in xilliyada abaarta oo biyo la’aantu jirto oo Soomaalidu biyaha isku diidaan ay ayagu dadka u yimaada waraabin jireen, dabato (jaaji) oo kaba hormarsanaa Soomalida inteeda kale, oo barwaaqada badda dhex jiifta ogaaday kana faa’iidaysan jiray, magaca Tumaal oo ku tusiya nin howshiisa haysta, oo aan la’aantii dadkuba horumar gaareen, iyo magacyo kale oo wada wanaagsan, Eebbe waxa uu yiri hal naf ayaan idinka abuuray, balse waxaa lagu kala hor maray oo lagu kala sharaf badatay waa xumaan ka tagida iyo wanaag u jooga iyo Alleka cabsiga, waana inta magacyadaas ku tusayaan, oo ah wanaag uun bes, si kastaba nimaan naarta kaa celin Karin yuusan idin habaabin, dadnimadana idin ka bixin, Weynihii na abuurtayna aan ka baqno, warkaygu waa cadyahay ayaan u malayn, tan maanta laygu yeerayna ama aan soo diriqsaday imaatinkeeda ayada oo aan la ii wacan, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa maalintii oday oday, habeenkiina hooyo hooyo, marka aniga ayaa gabadha u abti ah, waana idin kaga sokeeyaa, waana ku raacsanahay Warfaa, war kale ninkii uu ku jiro waa hadli kara, jawaabtiisa anigaa u haayee, waana ka baxay”.

 

Barkhad ayaa yiri, Warfaa bal wax dheh warkii aduu ku joogaaye, inta fadhigii hagaajistay ayuu hadalkii ku bilaaayay

“Bismillaahi, dhammaantiin waa idin salaamay, salaan ka dib warka inaan ku dheeraado ma rabo, war la ogyahay waxa loo dheereeya waa daaman daalis iyo daldaloollo raadis, marka hore anigu nin dadkiisa diidan maahi waxii wanaaga oo ciddu ku tashato nin diida maahi,  waana igu taqaanaan, waxaan u cuntamin nin qaatana maahi waad igu taqaanaan taasna, runtana kama gambado waad ogtihiin taana, maantana waxaan idiin sheegayaa Weynihii i abuurtay iyo aniga dhexdeena nin soo gali kara ma leh oo aan u ogolaanayo”.

inta yara aamusay ayuu hadalkii sii watay oo yiri:

“Maalin dhaweyd oo aan xanuunsanaa dad badan ayaa ii yimid qof walba Alle ha ku caafiyo ayaa wax tarkiisu ahaa, intaas kaliya ayaa awoodiisu ahayd, qof iga qaadi karay jiradaas malahayn ama anaa kaa qaadaya i yiri, marka jiro yar oo i haysay ayaad iga qaadi weydeene side ayaad ugu tala jirtaan inaad naarta iiga badayaadisaan haddaan Weynaha warkiisa diido oo kiina yeelo” dhinac ka dhinac ayuu isha la raacay, raggii meesha fadhiyay shibtay wada galeen,

“Hal mid waan ugu diidi gabadhayda wiilkaas, waana haddii aad balan qaadi kartaan ama midkiin ballan qaadi karo inaan Alle ii caroonaynhaddii uu caroodana aad naartiisa iga bad baadin kartaa, ma ii balan qaadi kartaan taas?  Waa maya ayaan fili,   mood {maal} maanta waan haysta iyo caruur Eebe ayaana mahadda leh, magacna Warfaa ayaan u ahay, ifka waxa aan raadiyaa waa raalli ahaansho Eebbe iyo sidaan naartaa uga badayaadi lahaa iyo caro Alle in aysan helin, garaad hadduu idin ku jiro waad ii garaabi lahaydeen waadna igu dayan lahaydeen.” Cid hadasha waa la waayay, markii danbe Sheikh Bacool ayaa hadlay oo yiri:

“Waa runtaa intaad sheegtay balse dhaqankaan xun wali waa jiraa Allaha naga baabi’iyee, waana baabi’doonaa, balse annagu kuwa bilaaba yaynaan noqon uun weeye waxa meesha laysugu keenay oo aan ka hadlaynaa, waxaa la yiri qofaan dhaqan lahayn ceebi uma dhowrna” maahmaahdaas Shiikhu meel uu ka keenay lama yaqaan, waxayna u badan tahay in ay jeebkiisa tahay, rag badan baa se madaxa u lulay oo ku raacay.

Warfaa ayaa hadalkii sii   watay   oo     yiri.

“walaalayaaloow Ilaah aan ka baqno, tan kale maanta oo aan tarmay oo mood iyo noolba Rabbi isiiyay ayaan tolka ka mid noqday, maalintii gaban yar oo agoon iyo rajaya aan ahaa nin i qaada oo i meeleeya waa laydin ka waayay, shiikh Birre oo tabar daran oo aan waxba haysan ayaa kaalay i yiri iyo Bulxan oo gurigiisa ii furay, caruurtisa igala mid dhigay, maalintaas oo aan hiil iyo hooba u baahnaa tolkay waan ka waayay, waxba uma arag taas, ka gadaasheed nin ii sheegi kara ma idin ku jira wax tolku i warsaday oo wanaagsan oo aan maya iri oo aan diiday, qaaraan ayaad igu soo qorataan, waliba qaybta weyn, waan bixiya kama hadlo, markaas ayaad idinkuna maanta ileedihiin Ilaahay ka sokoow ninkii heerkaas i gaarsiiyay oo waxaan idin taro maanta saldhigga u ahaa ku caasi, oo kir ku dheh, in yar oo dadnimaa qof ay ku jirtaa ma sameeyeen waxaad igula talinaysaan, dadna kuma waaniyeen, aan dib isugu noqonno ifka iyo aakhiro kala badan, dadka dulmiga ha laga daayo, kuwaa gabdhahooda gaalo qabto ayaa jira oo beesha ah oo markay yimaadaan fadhiga looga kaco oo istaag lagu salaamo, weynaysiin la weynaynayo darted, waayo gabadhiisa ayaa gaal qabaa, kii muslinka ahaa oo Soomaaliga nala ahaana gabdhaheenna ma geeyo ayaad leedihiin oo guurkoodu waa xaaraan, war ma anigaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa, intiinaas oo odayaal ah waxaad iila timaadeen manta, waa diinta ka bax, waa Rabbi iyo rasuulkiisa daba maryee, mana idin ka yeelaayee Ilaahay ha idin soo hanuunsho idinka, warkiina waa ka baxay”.

Aamusnaan ayaa goobtii qabsatay, cabbaar markii ninba goonidiisa u humbulsanaa, ayuu hadalkii ku soo laabtay oo yiri:

“Jimcada ayaa meherkii dhacaya, waana idiin furan tahay irrida gurigaygu, waana idin ku soo dhaweyn dhammaan, ninkii yimaadana walaalkay, kii aan imaanna walaalkay”.

 

Ugu danayayntii ugaaskii ayaa hadlay oo is ilaalinaya, oo see xeero lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan maskax ah wata wuxuuna yiri:

“Bismilaahi, dhamaantiin mahad ayaan idiin celinayaa sida wanaagsan ee aad uga soo qayb gasheen fadhigaan, marka xiga ninba garaadkiisa ayuu ka hadlay anaga oo wax dhiba aan is weydaarsan, waana wax wanaagsan, Waa xilli danbe Warfaana warkiisu wa cadyahay, mar kale ayaan isku imaan doonnaa oo waxii laga qaban lahaa arrintaan go’aan ka gaarayna, inta ka horreysana Allaha na nabad yeelo”.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply