BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-31

 

CUTUBKA-15-AAD

GOGOSHII TOLKA

 

 

 

 

 

Diiriye asaga oo og in uu uga digay Warfaa in uusan garab ka sugin, ayuu haddana markuu arkay waxa Af-dheere dabada ka wado iyo foolka Afdheeraba xanaaq is xiray, hadalkiisiina ku bilaaayay oo yiri:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, dhamaantiin waad salaamantihiin,  arrinta  gogoshaan   loo  fidiyay maanta waxaan filayaa ninba in uu aragti ka qabo, inta aanan dhex gallina ka hadalka arrintana waxaan jeclahay in aan wax yar dhaho, oo ah haddaan nahay odayaasha Soomaaliyeed is badalka xilliyada lama socono, noloshu maanta tii hore oo kale maahan, dhillinyarada soo kacday garaadkeena iyo koodu meelo badan iskama qaban karo, waa caruurteennii inaan u tallino ma xuma balse waa inaan ogaanaa xilligay joogaan in uusan keennii oo kale ahayn, isbadal joogta ah in nolosha iyo nooluhuba ku jiraan waa inaan la soconaa, arrintaan haddaan u soo gudo galo, waxaa dhici lahayd in haddii tan oo kale dhacdo dhallinyara nimadeenii boqolkiiba sagashan iyo sagaal lagu gacan sayri lahaa, balse maanta waxaan hubaa da’da cusub in boqolkiiba sagaashan iyo sagaal ay soo dhaweyn nayaan, waayo wax yaabo badan ayaa is badalay, aqoon ayaa soo korortay mid diimeed iyo mid kale ba leh, dadkii kala durugsanaan jiray oo qayba meel daganayd waa isku soo dhawaadeen, dhabarkaa laysku hayaa, guryihii ayaa isku dhagan, magaalooyonkii ayaa weynaaday dadkiina ku soo bateen, caruurtii sidaas ku soo kortay waa iskaga dhow yihiin kuweenii hore oo dhaqan miyi iyo beeshooda kaliya ku soo koray, reer hebel maanta da’daan cusub waa ku yaraatay, meesheedii waxaa u galay isku ciyaal xaafad ayaa nahay, waana wax wanaagsan sidaan qabo, inaan ku sii dhiirri galinana waa loo ayaahan yahay, qolo qolo inta ayna soo marsisay iyo meeshay na dhigtay wad aragtaan, intiinaan meesha fadhida nimaan aabbihii ama walaalkii ama ina adeerkiis ama qof xigtadiisa ka mid ah asaga oo aan waxba galabsan waa reer hebel aan loo dilin idin kuma jiro”.

Raggii meesha fadhiyay inta isha la raacay ayuu hadalkiisii sii watay oo yiri:

“Anigu miyi ayaan intaan ku soo la ekaaday oo wax ma baran, mid diimeedna geel jire ayaan ka ahaa, balse in la siman yahay oo Ilaahay uu diiday in lays takooro waan garan karaa, waayo garaadka igu jira ayaa ii sheegi kara aniga oo aan wadaado weydiin, hadalka yaanan ku dheeraane waxaan qabaa in go’aanka Warfaa uu yahay horseed fiican oo in lagu daydo mudan, waana ka baxay hadalkii”.

 

Warfaa wuxuu laabta iska yiri balaayadii qofku dhacdaa qof kalay wax tar u leedahay, xurgufta Diiriye iyo Af-dheer iigama darin, garab aanan filayn ayayba ii noqotay.

Bulaan yar oo raggii ay laba laba iyo saddex sddaex afka iskula galeen ka dib ayaa Af-dheere oo meeshii laga saro aysan dhiig lahayn yiri:

“Oo hadda ma waxaad leedahay ha lagu raaco Warfaa oo sharaftii beesha oo dhan dhulka ha lala galo, bal waxaad ku hadlaysid fiiri nin weyna waad isku sheegaysaaye”.

Rag kale ayaa hadalkii soo galay oo yiri wax dhici kara iyo wax la qaadan karo maahan talada Diiriye, buuq yarna meesha ka muuqday, markii buuqii damay ayaa Diiriye oo daba jooga hadalkii Af- dheere yiri:

“Af-dheere ma iloowsan tahay in aynaan isku beel ahayn aniga iyo adigu, oo Warfaa aan walaallo isku hoya ah aan nahay, mise waa kaa hoos baxday taas”.

 

Shib ayaa la yiri wax la filayay maahayn, ragga qaarkiina xumaan uu ula danleeyahay beeshooda ayay u qaateen, asna guduhuu ka qoslayay tan uu Af-dheere ku dhigay, hadalkiiayuu sii watay oo yiri:

“Si xun ha ii dareeminina, beesha inaan ku xumaynayo ha u qaadanina, meel ma kala jirno hayb koraa naga dhaxaysa, sina kuma kala hari karno, wixii idin dhibi anna waa i dhiayayaan, balse beeshayda iska daaye gabadhayda maanta haday la timaado nin dadkaad diidan tihiin ah oo nin wanaagsan ah uma diideen, waxaase iga xanaajiyay in ragga qaarkii ay arrintii ka dhigeen kacbada oo la burburin rabo, waana mahadsantihiin, haddaan gafayna raalli ha layga ahaado, waana ka baxay”.

Af -dheere ayuu fiirshay oo ciil buuxa,

qorshihii Afdheere kala daaday marba hadii asagii Warfaa la dhashay raali ka yahay guurkaas, rag ciil cadaab ka dooray ayaa la yiri, ee jabad ma ku saaray Afdheeroow cirrid xumayde sidii doofaar dhalan dhoolayee, waxaad qastaad baratay, tanaase laysku baran” ayuu uurka iska yiri Diiriye.

 

Hadalkii waxaa qaatay Prof Calasoow oo sagal abtigeed ah, markii horena cid u yeertay aysan jirin, Af-dheerena in uu meesha yimaado maba rabin, Calasow waa geed adayg aan hadalka la gaban, galabtaasna markii odayaashu beeshiisu isa soo qaban qaabinayeen oo Tuur soo hor kaci rabay ayuu la kulmay, xagee loo socdaa markii uu weydiiyay ayaa nin raggaa ka mid ah ay ka soo fakatay oo yiri:

“Af-dheeraa ayaa noo yeerayoo arrintii Warfaa ayaa laga hadlayaa, kuna saabsan gabadha Sagal ah oo uu boon siin rabo”.

“Oo maxaa laygu soo sheegi waayay” ayuu yiri

“Anagaba Tuur ayaa noo sheegay, ee lama socon miyaa?”.

Waa uu iska aamusay, guriga Tuur hortiisaa ayaa la taagnaa, durbadiiba Tuur ayaa soo baxay oo  yiri na wadsha, markaasuu isha ku dhuftay Prof Calasoow, inta is galay asagaoo xusuusan balantii Af  dheere ee ahayd Calasoow yaan la keenin goobta ayuu yiri:

“Arrin yar ayaan u soconaa inteenaan ayaana loo yeeray”. Intuusan hadalkii dhamayn ayuu ka dhex galay oo yiri:

“Walle inaad lugtaad qaado ku jabiyaa galabta, ma waxad rabtaa intaad iska kay reebto oo aad talada walaashay iyo gabadhaan abtiga u ahay adigu falanqaysid, eey aa tahay, adiga iyo kii ilkaha faran farka lahaa waxaad wareegtaan ma anaad igu keenteen, habartey ayaa ii banaan haddaan wax dhicin”.

Oo inta dhaqaaqay kuwii kale ku yiri:

“Haddaad socotaan soo baxa”.

 

Hadalkiisiina waxa uu ku bilaaayay.

“Bismillaahi Rahmani Raxiim, dhamaantiin waad salaaman tihiin waana ka xumahay in aniga oo aan la ii yeerin aan galabta imaado gogoshaan, waxaase xusid mudan reer abti markii loo yeerayay maxaa aniga la iiga qariyay, aniga oo gabadha abtigeed ah, oo ay ku dhacday ragga oo soo socda inaan arko layskuna dayay in la i reebo, waxay ku dhacday waa dulmi ragga qaarkii ee nagu dhexjira ay wadaan, in badan oo cirrid xunna ay la qabaan sida Tuur oo kale iyo Af-dheere oo ku taliyay in layga soo tago iyo kuwa kale oo meeshaan fadhiya, magacaabi doodana hadda dhay macaan ku dhami mayee inaan iska dhaafo maahe, waxaan gartay dulmi in uu meesha ka socdo oo garsoor Eebbe ragga intiisa badan aysan u imaan bartaan, waxaanse kala helnaan leenahay”.

Barkhad ayaa ka dhex galay hadalkii maanta oo dhanna aamusna oo yiri:

“Barafisoore waan ka xunahay arrinta dhacday aad iyo aad, nin meel weyn kaga jiraa tahay bulshada, waan kaa raali galinaynaa”.

 

Barafisoor waa calasoow oo asagu soo dhamaystay wax barasho sare dalka gudihiisa  iyo dibadiisaba dowladana meel fiican ka joogay barena ka ahaa jaamacadda dal dagaalkii sokeeye ka hor, ka dibna aan ka bixin dalka go’aansadayna haba yaraatee in dalkaan iyo dadkaan wuxuu u qaban karo u qabto, waxaana uu bilaaayay olole ah in deeqda galeeyda ee WFP keento oo dalal kale laga soo gado la joojiyo oo beeralayda soomaalida laga gado galayda ay tacbeen, meel kastana uu ka sheego in ay niyad jab ku ridayso beeralaydeena oo markii dalagu u soo baxo mid bilaasha ay WFP suuqa soo daadiso, taasna ay keentay in qofkii beer lahaa uu xilliga soo socda wax tacban waayo ilayn khasaare ayuu galaye, waa gumaysi daahsoon iyo dib u dhac nalala doonayo, dalka iyo dadkana la rabo in dhinac walba laga burbursho ayada oo la adeegsanayo calooshood u shaqaystayaal nagu dhex jira oo soomaali isku sheegaya, taageerayaal badan waa uu helay oo la ololeeya, nacab badana waa yeeshay naftiisa halis galiyay. Warkiisii ayuu sii watay oo yiri:

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply