CUTUBKA-15-AAD
GOGOSHII TOLKA
Markaas ayaa shiikhii hadalkii sii watay oo yiri:
“Waxba ha u arkina waalidiisa aakhira ayaa Ilaah wax fiican ugu badalaayaaye, marka akhwaani dhaqanna waan leenahay soo jireen ah oo tan iyo awoowayaashenii lagu soo dhaqmayay, waxba warka yaanan ku dheeraane Ilaahay Subxaun Watacaalaa towfiiqda hana waafajiyo, aslaama caleeykum wa rax matullahi wabarakaatuhu”.
Intaas ayuu shiikhii hadalkii kaga baxay asaga oo aan wax cusub soo kordhin, ragga qaarkiina waxay u arkayeen inuu Rabi iyo Rasuulba masabitay, oo arintii meesha ka socotay uu u ekeysiiyay mid sharciga Islaamku qabo, qaar kale oo ragga ka mid ahina madaxa u ruxayeen, marin habaabis kiisana waa u riyaaqeen.
Hadalkii waxa uu wareegay reer abtigii waxaana u hadlay Tuur oo hadalkiisii ku bilaaayay oo yiri:
“Bismillahi, sano lixdanaad ayaan ku jiraa, ebedkeey tan oo kale waan maqli jiray igumase imaan, musiibo iyo magac maalineey ku raacaan ayaa la yiri, beriga anagay na haysataa musiibadan, ee Eebbe hanaga badayaadsho” garkiisa guddudan inta cantoobiyay ayuu dadkii mesha fadhiyayana isha la raacay, markuu arkay in bilowgii hadalkiisa dadka qaar u khushuuceen, oo madaxyada hoos loo lalmiyay, lana ruxayo ayuu hadalkii sii waday oo yiri:
“gabartaan beriga halkaan laysugu yimid arrinteeda anagaa abtiyaal u ah, dhiiggeeda iyo dhaqashadeeda iyo sharafteeda intaba waxbaan ku lenahay, waana na saamaynaysaa, waxaan aan Eebbe raalli ka ahayn ee uu ninka aan xilka kala mudannahay ee Warfaa uu ku dhaqaaqi rabo annagu raali kama nihin, wuxuu wadana waa waxii caro Alle lagu mutaysan jiray, annagu warka aan ku leenahay Warfaa waa wax yar, idinka ayuu idin ka dhashay oo qabashadiisa leh, haddii uu waashaba waad ceshan lahaydeen, maantana wax waalan hal ma dhaamo, hadalka ku dheeraan maye, IIlaahay ceebteena ha asturo, dadka uu gabarta siinayana dhib waa heysta oo wax aysan ab iyo isir u lahayn ayuu lugaha u galiyay, baqashii socodka dameeraha diiday socodkii fardahana gaari weyday ayay noqdeen ee ayagana caqliga Allaha u soo celiyo oo tubtii wanaagsanaayd ee aan ebidkeen ku dhaqmaynay ha ku soo hanuuniyo, wax gaara oo anigu hadda aan cidaas ku cayrsanayo maleh, dhaqankaase sidaas ah, hadalkiina waa iga intaas”.
Markii dhowr nin hadashay ayaa Af-dheere oo hadalka qaybinayay ku yiri Diiriye oo ay labadoodu xurguf xun ay ka dhaxayso, adna maxaad ka leedahay Diiriye arrintaan.
Habeenkii Diiriye warka ka maqlay Muslimo ka dibna uu wax ka weydiiyay Warfaa maalintii ka danayaysay oo Warfaa warka dhabtiisii ogaaday, ayaa waxaa soo maray ayaga oo meel fadhiya Kadiye oo shaqadii u socda, markay is nabdaysteen oo Kadiye ka tagay oo uu hadalkii shaydaanta xalay xasuusty ayuu yiri:
“Warfaa walaaloow xalay warkii si ayaan u garan waayaye gabadha iyo wiilka ma wax ayaa ka dhaxeeya”.
“Aniga qudhaydu saaka ayaan wax kala ogaaday maahine xalay, waxba kuma dhaamin”.
“Haye”.
“Sida muuqata wiilka iyo gabadhu waa is raabaan, in muddo ahna waa wada socdeen, arrin guurna waa isla meel dhigeen”.
“Kow?”
“Arrini hadda waa saase maxay kula tahay, adigaa ninkii cidda u weynaa ahe”.
Diiriye inta bakoorada salkeeda dhulka ku garaacay oo yara aamusay ayuu yiri:
“Aniga iyo adiga rag walaala ah ayaa nahay meelnana kala tagi mayno, Kadiye ama aan dhaho reer Bulxana tol ayaa tihiin, Soomaalidu tol iyo beel ma kala taqaan, beel waa kuwaad ka dhalatay tolna waa dadka aad is fahantaan ama isku meel ku dhaqanteen isku xusuus tihiin, waad isku tolan tihiin, isku dan iyo isku dagaan ayaa tihiin, marka reer Bulxan waa tolkaa dad wax idin ka dhaxeeyaan weeye, beeshaaduna waa dadka aad ka soo jeedo, dan ayaa laysku wataa iyo is garabsi iyo is gaashaan buuraysi, dhalyaa isku kiin keentay”. Intuu bakoorada madaxeeda labada gacmood ku qabsaday garkana saaray oo xoogaa amusnaa ayuu hadalkii sii watay oo yiri:
“Kadiye iyo adigu waad isku tolan tihiin, waan ogahay dhexdiinana cid ma dhex gali karto, gar ayaadna u leedahay, aniga kula hadlaya reer Bulxan say u dhanyihiin madaxay ii saran yihiin waana siday kuu wanaajiyeen darteed, markii kuwii aad dhalyada wadaagteen kaa jeesteen adoo Gabana, reer Bulxan waa ku wanaajiyeen oo ku gacan qabteen wiilna kaa dhigteen, adigu kii la wanaajiyaaba tahay oo iigaba sokaysid, kumana weydiinayo talada aad ka qabtid arrintaan saa waan garan karaaye, anigase ma laba mid”.
“Midba?”.
“Dhaqankeena haddaan fiirsho iyo warka la wareejin doono iyo gabadhaad adeerka u hayd gun ayaa guursatay waa i dhibaysaa, been kuu sheegi mayo, hor fariisiga odayasha iyo la sheekaysigooda ayaa i dhibi doona”.
“Tan kalena?”.
“Tan kale Ilaahay xaggii haddaan fiirsho, [inkasta oo Soomaali haddaan nahay markaan wax diinta ku lug leh aan diidi rabno aan diintaba iska indha saabno], iyo haddaan fiirsho wanaagii ay kuu galeen reerkaas oo anigana i samaynaya iyo aniga oo og haddaan ku dhaho baaji oo jooji arrintaan in aadan iga yeelayn inaan kala dhimano labadeenu maahane, taasna ma rabo inay dhacdo, intaas aan soo sheegay haddaan fiirsho, guurka caruurtaas raalli ayaan ka ahay”.
Warfaa ayaa markaa yiri:
“Ilaahay iyo walaaltinimadeena iyo wanaaga la ii galay iyo abaal gudidii wax ka sareeya maleh ayaan u malayn”.
“Waa run”.
“Walaalkay iga weyn ayaa tahay dhib waxaad iga soo martayna waan ogahay, adoon wax badan iga weynayn ayaad i korin jirtay, kala dhimasho warkeeda daa horta, manta heerka aan aan gaaray ilaahay iyo adiga iyo adeer Bulxan iyo Sheikh Birre ayaa mahada iska leh, marna inaan ku garab dhaafayo ha u malayn, walaal kaliya iima tihide aabe iyo hooyo aanan arkin booskoodii ayaad ii buuxisay, intaan soo korayay agoonnimo iyo rajaynimo ma dareemin waana adiga dartaa iyo adeer, waan garan karaa dhaqan ayaa ku jiidanaya oo ku haya, waan garan karaa hadalka dadka, waan garan karaa warka sayladaha laysla dhex wareegi doono intaasna waxa aniga igala weyn in aanan Eebbe danbi ka galin, saad u sheegtayba tolkeey ku abaal dhici maayo iskana xumayn mayo, adna saan wax u arko inaad iila aragto yaan filayaa jeclaan lahaana, marka waxaan kaa codsanayaa walaalkay iga weyn ahaan iyo waaridnimaba in aad adoo raaliya ilmahaas faataxada u marto, iskugu ducayso”.
Intuu yara aamusay ayaa Diiriye yiri:
“Wax badan waa lay orandoonaa waa inan gumaydkii, taasna waa dhammaan ama anaa inta la wadwado dhimanaya, da’ayaaba I haysee, waxaanse kuu sheegayaa haddii laysku yimaado waana ay dhici doontaaye, oo beeshu isku timaado, inaan kuu doodo ha iga sugin, inaan dhaho daaya ninku waa toosan yahe ha iiga fadhin, warkaygu ma cadyahay”.
“Si fiican” una raaciyay “war kalana waan kuu soo wadaa”.
“Haye”.
“Reer Warfaa waxay doonnad kaaga yihiin gabadhaada Aragsan oo ay kaa raabaan in ay ku gula xididaan”.
“Aragsan adoon i weydiin, wiilkeygaan ku darsanayaa ayaa kugu filneyd balse waad i sharaftee, Allaha ku sharfo, waana filayay, muluq muluq dooda ayaan u bogi waayay markay isla joogeen”.
“Oo waaba la socotay miyaa?”.
“Cidi wax iima sheegan, oo duul aan waxba kala ogayn ayaa la ii haystay, balse waan la socday arrintooda, khayr Allaha ka dhigo”. “Amiin”.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply