BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-3

 

CUTUBKA-1AAD

MAQAAXIDA

 

 

Meel yara laab ah oo dhinaca bari ah waxaa fariista rag akhyaar ah oo sheekadoodu aysan meelo fogfog garsiisnayn, kooxaha kale ee meesha fariistana waxay ugu yeeraan odayaal xaafadeed iyo odayaal ziyo, meesha waxay ku hayaan waa kaftan iyo waqti dhumis iyo salaada maqrib oo ay ku sugtaan.

 

Raggaan culus waxaa ka mid ah nin lagu naynaaso Yariisoow, waa nin dheer oo affar ila shan dhudhun ku dhow oo calool weyn, qosol weyn, muqaalkiisa oo dhan weyn yahay, ilkihiisu kuwa dadka kale aad u malaysid in ay ka weyn yihiin. aan hadal badnayn, Warfaa nin dhuuban bar yar kaftan badan oo galabta aan mesha ka muuqan,  Af dheere nin dheer oo caata ah calool se leh, gar weyn leh, ilko soo dheer leh, markastana aad u malaysid inuu dhoolla cadeynayo “dhoollaynayo,” Siidoow murqa kuus isku kawis ah hadal badan, duqayn badan, Macoow nin dhexdhexaad ah, xifaalo badan gar iyo shaarib midna aan lahayn, iyo Jirac nin dheer oo caato ah oo asagu jecel inuu la fariisto odoyaasha balse xanaaq badan oo aan saas loola kaftamin iyo Kadiye nin dhexdhexaad hilib ka ah, bashaash ah, garsooraha raggana ah marki lays qabsado, raggana kala dhex gala laguna kalsoonyahay.

“Dowladdu war ayay maanta soo saartay”. Ayaa Jirac yiri:

“Haye noo sheeg hee, wariye”, ayaa Macoow yiri asaga oo raba in uu ka qaylisiiyo Jirac.

“War bal tanoo kale war goormaan wariye idiin ahaa, ma anaad lacag igu siisaan inaan wararka idiin soo tabiyo”. Siidoow ayaa kala dhex galay oo yiri

“Macoow iska hadal lee yaqaan, ee ha u bixin, ee dowladda maxay sheegtay?”.

“Waxay tiri hubka waa la aruurin, ciddii hubka ay haysato keentana lacag ayaa laga siin”. Ayaa jirac ugu war celiyay.

Af-dheere ayaa inta ilkihii dhaadheera bananka keenay yiri:

“Oo ma annagay raabaan inay fara bannaani na dhigaan sidii dumar, garaad yaraa ragga sidaas ku taliyay, kolley anigu nin ayaan ahayoo dhiibi maayo hubkayga”.

Siidoow ayaa qoslay oo yiri:

“Walaahi Af dheere daayaal maahan, haddii qorigiisa iska dhiibo dadka see isaga celinayaa, faradheer feer ma kasayso, awooddooda hub lee waaye”.

“Feer ma yaqaanaan baa? walle haddaan feer kugu dhufto inaad ku waalan i waraabshaay oo jirku ku holci”.

Waa la wada qoslay Jirac oo warkii Macoow ka sii xanaaqsan maahine, Kadiye aa yiri:

“War bal noo kaadiya ninku war fiican ayuu wadaaye, Jirac warka xagee ka maqashay?”.

“Intaanan idiin imaan wax yar ka hor ayaan muuq ayaahiyaha {TV} laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan hub ka dhigista”.

Yariisow ayaa yiri:

“Macoow hubka iska wareeji waad maqlaysaaye dowladdii waa soo jeesataye”. Qosol weyna raaciyay.

“Aniga hub hal qori leen ka gatay, tii iga raacdayna allaa og, baddaana ku tuuray asagoo dhan”.

Af-dheere oo yaab fooolkiisa ka muuqdo ayaa yir:

“War ma qori ayaad badda ku tuurta? waa lacag ku dheelistaas iyo garaad xumidaas, meel xun ka bax”.

“Maxaa dhacay ma i warsanaysid miyaa? yaa Af- dheere, haddii qori adiga qiimahaas kula leeyahay aniga ma ila laho, dhibkiisana waan arkay”. Ayaa Macoow ugu hadal celiyay.

Jirac oo barbar dhac raadinaya ayaa yiri:

“Haye bal noo sheeg maxaa dhacay awal baadan wax wanaagsan sheegayne, qori waxaad u tuurtay xilligaan la joogo waa doqonnimo kugu jirta say aniga ila tahaye”.

Macoow inta horey u soo fariistay ayuu yiri:

“Adiga jirac”….

“Suga suga, buuq ha nagu furina, ma waxaad biloowdeen markaad mukulaal iyo jiir isku noqon jirteen, Macoow waxa dhacay kaliya noo sheeg oo heerkaas qori kuu necasiiyay” ayaa Kadiye yiri.

 

Macoow ayaa ku bilaaayay hadalkiisii oo yiri:

“Igaar aan dhalay ayaa aabe qori noo gad igu waalay waan isku ilaalinaynaa, wax badan ayaa ka diiday, markii danbe waan soo gaday sanduuq ayaana ku xiray, muddo ka dib egaarkaygaa yiri aabe qorigaan inaan fiirrino siduu u shaqeeynayo ma fiicnoo, waxan ku iri kii laga soo gaday suu u shaqaynaayo mana soo tusinoo? bes baraabar waaye qoriga waxba ma qabo waa fiican yahay, Ayaan ku iri, wax badan markii uu igu celceshay aan fiirino saas u shaqaynaayo, ugu danabayn waan oggolaaday haye ayaan ku iri, cawo dhabbartii siyeed saac ayaan guriga kor fuullay, gurigayga baddaas ku jeedaa, baraabar, qorigii ayaan badda u jeedinay igaarkaygaa hal xabbo ka riday, hubaal waaye hal mallaay ama labo mallaay waa dilay, waan iska xaraynay, haddiise waagii baryay dad lee guriga nagu soo garaacay, haddii gurigii la furnaybo waa kanaa shan nin oo nin lug u duubantahay wada, gabarteydaa ii yeertay, baaba nimanaa ku raba, waan soo dagtay haye nabad ma jirtoo ayaan ku iri,

“Nabad weeye adeer” ayay dhaheen, “balse xabaddii xalay aad tuurteen ayaa ninkaan ku dhacday oo waa dhaawaac, hadde daawayntiisaa laydinka raabaa”.

 

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply