BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-29

 

CUTUBKA-15-AAD

GOGOSHII TOLKA

 

 

 

 

Odayaashii, wax garadkii iyo culumadii beesha Warfaa iyo beesha Ugub waxay isugu yimaadeen guriga Af-dheere oo asagu gogosha dhigay, Warfaana waa la war galiyay in tolku fariisanayo loona baahan yahay in uu ka soo qayb galo, reer abtigii gabdhu dhinac ayay fariisteen, dhinaca kalena reer adeerkii ayaa fariistay,

 

Gurigu waa cusbaa oo maalmo ka hor ayaa la dhameeyay, welina rinjigii ayaa ka soo uraya, qolka fadhiga oo dhinaca soke soo xiga marka aqalka la galo ayaa waxaa ku goglanaa laba fadhi carbeed oo laba jaad kala ah, maadama ragu badnaayeen iyo qolka fadhiga oo weynaa ayaa sidaas loo yeelay, fadhi carbeedyadana mid waxaa laga keenay guriga Af-dheere midna cid dariska ah oo aqal kale oo uu leeyahay Af-dheere kiro ugu jirta ayaa laga soo qaaday, cabitaan qasacado iyo dhalooyin ku jira oo kala jaad ah oo bandan ,na waa la keenay oo shirka ka hor iyo ka dib haddi la cabo aan dhamaanayn, uunsi aad u caraf badan ayaa lagu shiday guriga oo walibana barafuun lagu sii buufshay si urka rinjiga aan loo dareemin.

 

Af-dheere waxaa ka go’nayd in magaciisa iyo marti soorkiisu ay is lahaadaan waa sida uu asagu isku sheegay, in tolka iyo qaraabadu aragto ayuu rabay in uusan wax reeban oo arrinta uu isugu yeeray ay dhab tahay, oo waxaan oo dhib ah iyo kharasha uu  u huray sidii magaca beesha dhulka looga dhowri lahaa oo wasaq looga ilaalin lahaa, tan kale waxuu doonayay in ay ogaadaan in gacan adayga lagu sheego ay been tahay oo aan waxba ka jirin, taasna wuxuu  u qorsheeyay in markii laga reebo buskudka iyo xalwada iyo cabitaanka galabta, haddii Warfaa daaqada lagala baxo galabta uu dhammaan ku casuumo berri aqalka uu dagan yahay oo qado sharaf aan horey loo arag loona maqal u dhigo, in kasta oo uu hatida uu haaysto uusan u soo dhididin dhaxagna u soo jabin ee uu handadaad   iyo dil iyo qori caaraddii ku helay, haddana qof walba waa ogaa qarsoodina ma ahay in Af-dheere uu aad u gacan adagyahay, golaha xanka markii la joogo Xaaran waxay ugu yeertaa iimaan yare  iyo iimaan laawe, muslimo waa ka xag jirsantahay oo waxay tiraahdaa, gaalkii Rabbi iyo Rasuul ka furtay ayaa sidaas yiri ama sameeyay, Canbaro oo allaheed ka Allaana intay xabadka iskaga dhufato labada calaacalood oo wada socda ayay dhahdaa war wadaadka iska daaya.

 

Markii shahii iyo cabitaankii iyo mac macaansigii loo keenay oo qof walba hoostiisa dhigtay wuxuu nafac bidayay, ayay laba laba u sheekaysi galeen inta uu ka imaanayey Warfaa, in doora ka dib waxaa soo galay Warfaa uu ku yiri ragii meesha fadhiyay raalli ha layga ahaado waan idinku soo dahaan u malaynayaaye, waxaana u yeeray asaga iyo Diiriye oo la socday Proff Calasoow oo yiri halkan soo fariista, oo asagu markii horeba gees u maray ragga, nin beesha Warfaa ka mid ahaa ayaa

Yiri, maya halkan ha soo fariisteene…., Warfaa ayaa ka dhex galay oo yiri dhib maleh, meeshaan fariisanaba waa meesheedii kale waad salaamantihiin dhamaan, waana fariisteen, Af-dheere oo luguhu isku dhaafsanyihiin colooshuna in doora ay kasoo horayso barta uu suunka ka xiran yahay oo surweelkii awalba gaabnaa soo xaytay oo jilbaha agtoodana keenay ayaa hadalkii furay oo yiri:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim aniga oo ah af- dheere sida dadku ii yaqaan badankoodu waan idin salaamayaa, gogoshaan maantana anaa dhigay, aniga oo uga jeeda in aan maanta meshaan isku aragno arrin nagu soo korortayna ka wada hadalno, arrintaas oo ah in Warfaa uu gabadhiisa u guurin rabo ina Kadiye oo aad wada taqaanaan, warkana in la caddeeyo oo dhabta laga sheego ayaa fiican, waana waxaan manta halkan isugu nimmid, waana ku mahadsan tihiin imaatinkiina, in kasta oo uu imaatinkiinu xil idin saaran ahaa si sharafta tolka loo badayaadiyo, gabadha reer abtigeeda nagala soo qayb galayna waa mahadsan yihiin, sidoo kale idinkana xil idin saaran ayuu ahaa imaatinkiinu oo sharaf dhac ayay idinkaba idin ku tahay waana idin saamayn haddaad reer abti tihiin arrintaan, marka waad  la  socotaan  ayaan  filayaa  waxaan iskugu nimid, waligeed wax dhacay maahan, waxaan ab iyo isir aan u lenahay maahan, inaan cidaas aan kala guursano, waa dad Alle uumay oo anigu wax ka sheegimayo, caado la burshaa caro Alleey leedahay ayaa Soomaalidu horay u tiri, Soomaali been waa sheegtaa beense kuma maahmaahdo, ninkii Kadiye ahaa wiilkiisa ayuu raabaa  in uu gabadha uu dhalay uu ku daro Warfaa, anigu maalin dhawayd anoo warka og ayaan arkay kala mase hadal, niman ragga hada ku jira ayaa weydiiyay asna wuxuu u sheegay inay taasi jirto, arrintaas ka hadalkeeduna meeshuu ku habboon yahay waa gogoshaan, warka yaanan ku dheeraane talo ayaa nala ka raabaa  iyo sidii arintaan wax loga qaban lahaa, guurkaasna loo baajin lahaa, Warfaana gardaradiisa u qaadan lahaa tolkana ugu soo hoyan lahaa, hadalkiina waan ka baxay”.

 

“Bismilaahi Raxmaani Raxiiim, wa ssalaatu wa slaamu calaa  ashrafil  mursaliin  sayyidinaa Muxammadin wa calaa aalihi wa asaaxbihi ajmaciin, akhawaanii fi’ddin anoo afkiina ku hadlaya iyo kan tolka aad ayaan ugu mahd celinayaa garadkeenna Af-dheere oo gogoshaan tolka u fidiyay, jazaa kumullaahu khayr ayaan dhahaynaa” ayuu hadalkiisii ku bilaaayay shiikh Abtidoon asagoo hadalkii si watana yiri:

“Akhwaanii nasabnimadu waa wax diintu sheegayso, Allaah Subxaanahu Watacaalaa quraankiisa ku xusay in dadku kala darjo badanyhiin, siyabo bandanna u kala daraja badan yihiin, waan hubaal taas oo quraankay ku jirta, Ilaahay faraha ma simin, sidaas oo kale ayuu dadkiisana u simin, mid ayaa mid ka dheer, mid ayaa mid ka qurxoon, mid ayaa mid ka lacag badan, mid ayaa mid ka dabeecad fiican, mid ayaa reer banuu Haashim ah, mid ayaa qolo kale ah, Ilaahay qabaa’il iyo shucuub ayuu naga dhigay, quraankay ku jirta, haddaan tan maanta u soo dago Rasuulkuna “scw”waxuu yiri naagta afar sheey midkood u guursada, quruxdeeda, diinteeda, maalkeeda iyo nassabkeeda”.

 

Shiikh Abtidoon madaxa ayaa loo ruxay ayada oon cidna aysan weydiin kala sareynta quraanku sheegay waa noocee, ma nassab dhiman iyo nassab fiicnibaa, ma wax kalaa, sida muuqatayna ragga inta badan maba rabin in ay ogaadaan, asaguna faallo uma galin, waana uu arkay siduu hadalka u rabay in looqaatay, balse Fanax oo nin karmeed ahaa waagiisii hore madaxase laga galay oo hadda xoogaa roon sidii horena dhaama ayaa yiri:

“Sheikh naagtu hadaysan nasab ahayn oo qurxoon tahay ama lacag leedahay ama wadaad tahay sow lama guursan karo, Kadiye waa nin lacag lehe sow gabadhiisu guur ma gasho?”.

Nin Af-dheere ag fadhiyey ayaa yiri:

“War wax yahow waalan naga aamus, waxaad kala og tahay ma jiraane”.

Fanax inta indha kulul ku fiirshay ayuu asaga oo cod dheer ku hadlaya yiri:

“War afka maxaad ii qaban, Rusuulkaaba yiriye sow tan shiikhu sheegayo, waryaada anigu aqoon diin iyo mid aduun midna ma lihi, nin waallana waad igu sheegtaan, hase yeeshee waxaan ogahay Rasuulku waxuu yiri oo shiikhu noo sheegay inay run tahay, taasna maskaxdaydaan ka ogaaday, hadalkii Rasuulka ha la ii faafaahiyaan iriye ma wax kalaan sheegay iyo wax danbiya” oo inta istaagay cimaamadiisiina dhulka ka haabtay u raaciyay “dooffaaro laysku keenaad tihiin, waxaad rabtaan ayaad sheegtaan ana haddaan hadlo afkaa lay goosan, dadkii ilaahay wada abuuray ayaad kala saraysiinaysaan, duufaantii wax lagu halaagi jiray idin duubatay” oo illinka xagiisa  u dhaqaaqay, markii uu irida marayo ayuu soo jeestay oo fiiriyay Afdheere iyo ninkii ag fadhiyay yirina: “Caloolaha buuran day, xaaraan ayaad ka dharagteen garaadna bartii ma lihidin, waxaan anigu gartay oo Rasuulku yiri ayaad garan weydeen” iridana ka baxay,

Afdheere ayaa markaas yiri:

“Allaha caafiyo rag waa uu ahaaye balaa martay” oo inta shiikhii ku jeestay yiri sheekh noo wad wacdigii”,

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply