CUTUBKA-14-AAD
BAXSASHADII WARFAA-2
Markii uu soo dhaq dhaqday ayaa odaygii siiyay timir shirka uu ka soo bixiyay, markii uu dhamaystay ayaa wadihii gaarigu ku yiri daba ka fuulkii asaga oo sii socda, wiilkaan yar kor saara ma fuuli karaan u malaynayaaye kaligiis, haddana inta istaagay oo Warfaa fiirshay ku yiri:
“War see gaariga u soo fuushay xalay, yaa ku soo saaray?”.
Nin kale oo dadka ka mid ahaa ayaa yiri
“War naf ayaa wadaye baabuurka na saara”
Rako yar oo dusha laga sameeyay ayaa dhowr qof saarnaayeen, dadkaas ayuu dhex galay oo garka iyo jilbahana isla galay asaga oo fadhiya, go’iisana isku duuayay.
Markii la warsanayay wuxuu u sheegay ninkii odaga ahaa iyo intii kaleba in uu agoon iyo rajay labadaba yahay oo cid ifka u joogta aysan jirin. Adeerkii uu la joogay iyo wiil hooyadii dhashay oo uu maqlay in uu jiro balse uusan waligii arkin mooyee, in uusan cid kale lahayn, adeerkiisna inta badan geela la jiro oo uusan guriga joogin, eedada adeer qabana ay silcisay, wuxuuna tusay ulaha dhabarkiisa ku yaal oo ay ka naxeen dhamaan intii argtay, odaygii ayaa yiri bes adeer xiro funaanadaada timirtaadana dhamayso, hadalkiina intaas ayuu ku xirmay dadka qaar eedada habaarayay maahine. Barqo dheer ayaa baabuurki meel tuula ah tagay oo laga quraacday, ka dibna socdaalkii ayaa horey loo sii watay, lamana joojin gaariga in cunno loo istaago iyo salad maahine, waayo xilli qaboow ah ayay ahayd.
Maalin saddexaaddii galabteedii ayaa waxaa soo muuqtay xamar, guryo cad cad iyo biyo badan oo ka danbeeya oo Warfaa is yiri waa balli weyn, meeshu barwaaqo badanaa waxaan oo biya ah oo dhulka jiifa, Xamar jiilaal lagama yaqaan, balligaan waligii guri mayo, ayuu laabta iska yiri, rayn rayntii magaalada uu yimid iyo miyigii uu ka soo baxsaday waxaa ka jiiray murug ah xagee aadi marka xamar timide, cid kama taqaanid, qof waliba gurigiisa ayuu aadayaa adiga maahine, adigase maxaa kuu tala ah, haddana wuxuu isku dhiirri galiyay, dhiman maysid si uun baad yeeli, la joogii eedo iyo rafaadkii waa kuu dhaantaa, yaa reer hebel ah weydii dadka wax cidihiinaa weyn mayside, xamar dad uun baa jooga oo sheeda laga weheshanayo mooyee cidladii duurka wax ma dhaanto, waa magaalo aadan qof ka aqaoon, meelaad ka aaddana aadan garanayn, ayuu uurka iska yiri,
Yoobsan ayaa baabuurkii istaagay dadkiina waxay bilaabeen in ay dagaan ayaga oo nabadeey is leh, markii dhowr qof dagtay asna weli aan dagitaan ku jirin, meel uu tala ka qabtana la’yahay ayaa odagii hoos ka soo dhawaaqay:
“War aaway wiilkii yaraa?”.
“Waa ikan adeer” ayuu hoos u yiri asaga oo ka baqaya in la yiraahdo, war gaariga nooga soo dag maxaa ku saaray oo magaaladaada dhinac ka gal, wiilka tartiib u soo dajiya ayuu yiri ninkii wanaagsanaa, markii dhulka uu dagay ayaa odagii ku yiri:
“Adeer anaa ku wadi oo meel ku gayn inta dad ciddiina ah lagaaga helayo, wax dhibana arki maysid”.
“haye adeer” ayuu yiri asagoo laabta ka ducaynaya,
Hareerihiisa ayuu eegay dadku tira badanaa oo bulaan badanaa, baabuur yar yar oo dadku fatuurad ugu yeerayaan iyo kuwa ka sii yar yar oo saddex addin leh, tiirar dhaadheer oo madaxa ka iftiimaya, faynuusyo cayn kala ah oo guryaha ka shidan, wax uu arkay maahan, wax uu maqlayna maaha, wax uu maanka waligii galiyayna maahan, dhul sidaana ayaa jira waligii kuma riyoon, wax kaliya ee uu xamar ka aqoonsaday waa dadka, ayaguna ka qurxoon kuwii miyiga uu ku arki jiray.
Bulxan oo Warfaa la socdo markay gurigii gaareen ayaa waxaa ku soo kala orday affar ilma ah saddex gabdhood iyo wiil, ayagoo kor ugu dhawaaqayaa, aabe, aabe, aabaa yimid, lugahay iskaga duubeen iyo dhexda, markuu nabaadiyay ayay hal mar wada fiirsheen wiilka la socda, wiilkaan Warfaa ayaa la yiraahdaa, waana nala joogi doonaa, Warfaa waa caruurtaydii yar yarkaa, idinkaaba is baran doonee na mariya, hooyo see tahay ayuu yiri, waa fiican tahay ayay la soo wada boodeen, habeenkaas Warfaa si uu u seexday ma aqoon, asaga oo joodariga riix riixaya oo raaxadiisa la yaaban iyo aqalkaan dugaalka ah ayuu hurdo la dhacay, yaabse waxaa ku dilay suuliga, waa qol yar oo illinka aad soo xiranaysid oo aan cidna ku arkayn, xishoodba reer magaal ayaa loogu yimaadaa iyo aqal lagu dhex saxaroodo.
Bulxan waxa uu raadshay wax ku hayb ah wiilka, waxa uuna tagay Shiikh Birre oo ay daris ahaayeen wiilkana isku hayb ahaayeen, una sheegay wiilka xaalkiisa, markii shiikhu warsadayna waa uu gartay waana aqoonsaday, markiise shiikhu uu u tagay tolka intiisii kale ee magaalada joogay, war wanaagsan se kama uusan soo helin, nin walba marmarsiyo ayuu sheegtay uu wiilka hayntiisa ku diidayo, tolkii waxay ku yiraahdeen shiikh adigaa guri cidla ah jooga oo aan caruur kuu joogine ha kula joogo, annaguna waan kugu ogaanaynaaye, dani waxay noqotay in shiikh Birre uu u sheego Bulxan in cidii ay ka war wareegayan haynta wiilka yar, balse asagu uu haynayo oo qolku ku wada filan yahay,
balse Bulxan waa ka diiday asaga oo la socda tabarta shiikha darted iyo wax la’aantiisa, waxa uuna ku yiri caruurtaan ayuu iska dhex galayaa waxba ka hallaabi mayaan ee culays ha isa saarin, shiikhuse waxuu u sheegay in ay wanaagsantahay in uu dagaan ahaan asaga la dago balse ka tirsanado reer Bulxan sidiisa kale, waayo dadka maanta wax u qaban waayay hadday maqlaan Bulxan ayaa wiilkii haya buuq ayay kugu furayaan, wiilkana waa wadanayaan waxna u qaban mayaan, sidaas ayaa lagu heshiiyay, odaygii wanaagsanaa iyo xaaskiisuna ku go’aansadeen in ay koriyaan wiilka, markii danbe oo Shiikh Birre tii Alle u timid Warfaana nin weyn noqday waxuu u soo wareegay guriga reer Bulxan, rag ciddiisa ah oo badan oo dhowr jeer u yimidna si ay u wadaan
waa uu ku gacan sayray.
Muddo markuu joogay oo asaga iyo Kadiye dhiganayeen dugsi quraan iyo mid laga barto af talyaaniga iyo casharro badan oo kale oo
wax barashadii ay dhaadhacday ayaa waxaa la geeyay dugsigii dhabta ahaa oo ay meel fiican ka bilaabeen, labadooduna waxay noqdeen laba aan la kala dhex marin oo aad isku jecel oo walaalo ah, waxaan aboowe ahayna gabdhuhu uguma yeeri jirin Warfaa, in kasta oo maalmihii uu cusbaa ay ka maadaysan jireen reer miyin nimadiisa, Kadiyase waa u sheegay markii horeba in wax badan lagu qosli doono, waayo asaga qudhiisa ayaa laga maadaysan jiray oo mar dhow miyi laga keenay halkaas oo uu ayeeyo la joogay, oo ay aabihiis ka codsatay inuusan ka wadin markii cida inteeda kale soo guureen, kuwa Xamar ku dhashay maahine iyo wiil ka weynaa oo dhintay,
Sidaas ayuu uga mid noqday reer Bulxan oo wax barashadiisi ku dhamaystay oo ku shaqo bilaaayay, markii danbana intaan odogu dhiman ayaa xoolo Diiriye magaalada keenay oo uu iibshay lacag fiican ka soo gashay, waxa uuna siiyay lacagta inteedii badnayd Warfaa oo uu ku yiri wax ku qabso, Bulxanna waxa uu u sheegay inuu wax ugu darayo, Markaan waa duqoobay oo da’ ayaa i haysa oo waan cuslaaday ayuu yiri Bulxan, Kadiye ganacsigiisa ayuu ku wareejin, Warfaana inta walaalkiis keenay ayuu wax ugu darayaa, sidaas in ay ku hawl galaan oo shaqada dowladda isaga tagaan ayuu u sheegay, waana ka yeeleen, dhimashadii odayga cidla weyn ayuu dareemay, aabihii labaad ayuu waayay, hooyadiisii labaadna way ka horeysay, dad waxaa u soo haray Diiriye oo asaga oo nin weyn ah sidii ilmo yar markasta ka war haya iyo reer bulxan, gaar ahaan Kadiye.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply