CUTUBKA-14-AAD
BAXSASHADII WARFAA-2
Markii iftiin yar uu bilowday ayuu si aayar ah u dhaqaaqay Warfaa oo aqalkii uga baxay, in doora markuu socdayna orod ayuu bilaaayay si hadii la soo raadiyo aan loo soo gaarin, markii uu ku daalay orodkii ayuu geed hoos fariistay oo buraashaddii biyo ka cabay, saaka biyo kuma soo shuban oo in lagu kaco ayuu ka baqayay, kuwii shalay ayaa wax uga hareen aan badnayn, in doora markuu fadhiyay geedka harkiisa ayuu gadaashiisha jalleecay wuxuuna arkay raad laba libaax oo ka kacay geedka uu fadhiyo una dhaqaaqay dhinaca uu ka yimid, qarracan ayuu la suuxi gaaray, ilaahay kuwaas ima tusin dhib kalena alaha iga hayo ayuu uurka iska yiri oo orodkii bilaaayay asagoo hadba gadaal soo jalleecaya oo eegaya bal in labadii liayaax soo muuqdaan oo soo daba galeen, mar uu isleeyahay ciddii ku soo dabagasha iyo libaaxba fudayd kuugu imaan mayaan ayuu socod bilaaayay marna rucleys, gabal dhicii mar ku dhow ayuu tuula yar tagay meelna iska fariistay, asaga oo sheeda ka ilaalsanaya baaayuur ari sida, in kasta oo uusan ogeyn baabuurku meel uu u socdo hadana waa ka go’nayd in uu raaco si kastaba.
Maqrib maarkii la tukanayay oo dadkii salaada galeen ayuu inta hareeraha iska fiirshay iskana hubiyay in aan la arkayn gaariga qaybtiisii danbe si dhib leh ku tafay, arigiina dhex galay, sidii uu isku lahaa maa mar uun baabuurku socdo oo meesha laga tago ayaa cishe markii la tukaday oo la casheeyay baabuurkii dhaqaaqay, neef weyn ayaa ka soo
fuqday ilmahii yaree baxsadka ah.
Saq dhexe ayaa baabuurkii joogsaday, waxa uu maqlay nin hadalkii oo ku leh mid kale ariga fiiri, ninkii la soo diray oo furka hore saarnaa ayaa
furkii gadaale soo fuulay oo ariga dhex qaaday, si uu u hubiyo in arigi bad qabo, Warfaa darbiga ayuu isku dhajiyay sagxaddana dhabacday go’iisii cadaana huwaday, in yar ka dib ninkii waa dagay oo qaybta hore ku laabtay asaga oo kor u leh ariga wax kama halaysna, baabuurkiina waa dhaqaaqay.
Salaaddii subax markii loo istaagay ayaa daba ka fuulkii furka danbe soo fuulay si uu u hubiyo in arigu nabad qabo, waxa uuna dhex qaaday arigii oo fiir fiiris ugu dhaqaaqay, markii u soo gaddoomi rabay ayuu isha ku dhuftay wax kuusan oo geeska xiga, wuxuuna is yiri ma neef baqtiyay, baa hadiise uu u soo dhawaaday waxuu arkay qof duuban inuu yahay, waa u dhawaaday oo cagta jug ku siiyay, Warfaa oo jugtii qoobabka ariga qabatimay tan iyo xalay waa uu diiri waayay jugtaan, daba ka-fuulkiina inta foorarsaday ayuu marada ka qaaday, Warfaa oo meel looga yimid aan aqoon ayaa booday oo fariistay.
“War maxaad ahayd” ayaa daba ka fuulkii yiri asaga oo yaaban kana naxsan arraga wiilka iyo waxa rafaad ka muuqda, hadal waa ka soo bixi waayay Warfa, indho baqdin badan ka muuqato ayuu kor ugu fiirshay, ninkii ayaa markaas yiri:
“War bal soo dag”
Warfaa inta hareeraha fiirshay arkayna in meel cidlaa la joogo oo aan magaalo la gaarin ayuu yiri:
“Adeeroow waan ku baryayaa ee cidladaan ha igu dajin” oo illin iyo oohin isku daray
“Adeer cidladaan kaaga tagi mayno ee soo dag, meel fiican ayaan ku fariisine, arigaan ka soo dhex bax”.
“Alla adeeroow meel aan aado maaqaan haddaad iga tagtid, cidladaan bahalladaa igu cunaya”.
Inta naxay ninkii arkayna baqdinta iyo dhibka wiilka haysta oo calooshu hurtay ayuu ku yiri:
“Adeer meel la is kaga tago lama joogo, kaana tagi mayno waa igu saddex magac Ilaahay ee soo dag oo dhaqdhaqo, meeshaan fadhino ayaad nala fariisane, qaybta hore ee baabuurka”.
Waa uu istaagay si uu gaariga uga dago ayuu garan Waayay, ninkii ayaa kaalmeeyay si uu u dago, dhulka hadduu cagaha dhigayna wuxuu arkay dhawr nin oo meesha taagan iyo qaar weyseysanaya oo si yaab leh u eegaya, aroor ayay ahay waxaana soo carfayay cawska iyo geeda iyo ciidaba, wuxuu maqlayay ciga raha ka qaylinaya balli uu is yiri meesha kama foga, uurkuu ka ooyay, noloshaan macaan waxaa u qoonsatay eedo ku sheegtii uu ka soo cararay, hadday qof wanaagsan ahaan lahayd haddaa ayuu inta shah cabo iyo caano iyo waxii cuno la hayo cuno ayuu arigiisa raaci lahaa, xasuusta ariga ilma ayaa indhihiisa ku soo joogsatay, laba maalin ayuu ka maqnaa waana uu u xiisay, wahel kale ma uusan aqoon intuu noolaa oo aan arigiisa ka ahayn,
Wadihii gaariga ayaa meeshii uu ku weysaysanayay ka soo qayliyay oo yiri:
“War xagee nooga timid adigu, yaa gaariga ku soo saaray”.
Nin ag joogay ayaa ku yiri:
“War ilmaha yarkaa dhaaf, asagaaba argagaxsane” oo inta u yimid yiri “adeer magacaa?”.
“Warfaa ayaa lay dhahaa adeer”.
“Gaariga xagee ka soo raacday?”
“Tuuladii aad shalay joogteen adeer, ma meeshaan cidlada ah ayaad iiga tagaysaan?”.
“Maya adeer kaaga tagi mayno, ha baqin ee orod wajiga iska dhaq oo soo kaadi”.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply