BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-26

 

CUTUBKA-13-AAD

KADIYE

 

 

 

In kasta oo reerka uu ka dhashay Kadiye ay dhaqaale lahaayeen oo xilligaas dadka ladan lagu tirinayay, hadana Kadiye waa dareensanaa in si loo guul guulo oo loo dheereeyo, balse aan si bareer ah war aan cidi u oran karin ama u cayn Karin, waana tan uu ku ogaaday hanti in ay ninkeeda gaashaan u noqon karto, oo kii garaad xun ay meel ka marin karto, kii kalena asagaaba alle toosiyay.

 

Kadiye aad ayuu uga xumaan jiray sida gaarka ah ee loo eego ama dhabarkiisa looga hadlo, gaar ahaan markuu gabdhaha la soo haasaawo oo ayba gaartay in oday uu yiraahdo gabdhayada ii dhaaf maandhoow, shukaansi iyo waxaas ma gaarin gabadhayduye, balse Siman oo aad u jeclayd Kadiye ay ayadu soo doonatay, oo asagoo jidka maraya istaajisay, wada hadal xoogaaya ka dibna ay u sheegtay inay maqashay waxa aabaheed ku yiri balse ay ayadu jeceshahay oo aysan cidna ka haybaysanayn, dulmiga aabaheed wadana aysan raali ka noqonayn diyaarna u tahay inay isla baxsadaan.

 

Kadiye wuxuu isku dayay in u sheego in uu asaguba in uusan cidna kaga haybaysanayn jacaylkiisa oo meeshii ay raabaan isla aadi karaan balse wuxuu tusiyay in uu dad ka tagayo oo cidiisa oo dhami qaxi Karin guurkiisa dartii, haddi ay joogaana dhib uu ku imaan karo, balse uu hubo in dhib weyn soo gaarayo oo dadka ay banaankaas kaga baxsan waayeen aysan qosol iyo dhoollo cadayn ka dhaxayn doonin, wuxuu tusiyay cabsida haysa inaysan ahayn mid asaga ah ee uu u baqayo reerkiisa in dhib soo gaaro, hadal dheer ka dib wuxuu ku yiri, bal waan ka soo fakari sidii aan wax u maarayn lahayn, ayaduna waayahay ayay tiri balse soo dhaqso.

 

Intii aysan kala tagin ayaa waxaa ku soo baxay aabaheed oo jidka marayay, asaga oo aan eray u furin ayuu dharbaaxyo darandooriya gabadhiisii ku bilaaayay, oo inta tintii jiiday u sii hantaataqiyay dhincii guriga ayada oo oynaysa asna uu leeyahay intaad caruur nassab dhiman ah ii keeni lahayd adoo sharmuuto noqota oo wacallo ii keenta Ayaa ka qurxoonaan lahayd oo aan ka jeclaan lahaa. Kadiyana bartii asaga oo taagan ayuu maqlayay baroorta ka dhacaysay gacalisadiisa, markii guriga la geeyay oo ciddii oo dhan ay ku goobatay Siman, waxaa dhagahiisa soo gaarayay qaylada hooyadeed oo leh

“War garaacistu waa naxariise middida qaado oo gowrac, alla gablamay tani iga dhimatay, dad sinji xun intay raadsanayso ayada oo gaalada talyaanigu fuulaan ayaa ii dhaanta, gablamay, alle ba’aye kulanoow gowrac”

codka oday kulan se mar mar ayuu soo gaarayay asagoo leh.

“Hadday ii noolaato xalaal layguma dhalin”

Kadiye horayna waa u socon waayay gadaalna waa u noqon waayay, dhulkii ayaa qabsaday, ciil iyo caro dartood indhihiisa illin ayaa ku soo istaagay, ma u tagtaa oo maka celisaa wuu is yiri haddana marmarsiyihii ay ku dili lahaayeen ayay helayaan haduu illinkooda tago, waa ogyahay nolol inuusan kaga soo baxayn gurigooda, waa uu hubaa, asagoo caga jiidaya oohintii Simanna ay dhagahiisa iyo maskaxdiisa  ka dhawaaqaso ayuu tagay.

 

Maalintaas ayaana ugu war danayaysay Kadiye arag uu arko Siman, maalin labaadiina waxaaba loo ka xeeyey baadiye halkaas oo ay ku dhimatay sannad iyo bar ka dib, waxaana waa danbe loo sheegay in murug iyo uur xumo darted ay u dhimatay, oo markii miyi la geeyay la takooray, gabar miyiga ka timid waxay sheegatay in Siman sidii doofaarka lays kaga dhowri jiray, si kastaba markii ay dhimatay Siman hooyadeed baroorteeda waa la aamusin waayay, oday kulan aamuskii uu galay waa uu ku dhintay asaga oo ugu danbayntii garwaaqsaday in uu gabadhiisii asagu wadka u waday alle ka sokoow, maalintii uu dhimanayay oo sakaraadku saarnaa ayuu dalabaday in Kadiye loogu yeero, inkasta oo Kadiye markii hore uu diiday gadaal danbase waa yeelay markii aabihii si fiican ula hadlay, markii uu u tagay Kulan oo sakaraadkii saran yahay oo hiraagaya, Kadiye waa uu illooayay dhibkii uu u gaystay ninkaan aakhiro u sii socda, wuxuuna bilaaayay in uu yaasiinka ku akhriyo, waana uu eegi waayay indhaha Kulan ee kor u soo eegaya ilamaduna ka da’ayso, inta yaasiinkii oo dhex u maraya joojiyay ayuu yiri, waan ku cafiyay adeer, Kulan oo nafis yar inuu helay oo culays ka gaday ladareemi karo, balse ay ka muuqato in uu weli qoomamo ka qabo in Simantii cafin lahayd ay aakhiro kaga hormartay, ayaa mar qura hinqaday, Allihii abuurayna oofsaday, oo naftii ka baxday.

 

Intii maydka laysku duwayay ayuu soo baxay Kadiye, banaanka markuu soo istaagay ayuu isha ku dhuftay gambar banaanka yaal oo Siman hooyadeed ay ku fariisan jirtay, oo ayadu qaracankii dhimashada gabadheeda aan cudur ka bixin ilaa ay ka dhimatay, inta in doora

eegay ganbarkii ayuu yiri

“Adna waan ku cafiyay, Quman”.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply