BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-25

 

CUTUBKA-13-AAD

KADIYE

 

 

 

 

hadalkiina sii watay Kadie oo yiri:“Waxaas iyo wax ka daran ayaa nala ku hayay, haadana nala ku hayaa, marka ma waxaad Warfaa rabtaa caruur cadaabtaas la mariyo oo reer abtigood dayra ka ah in aan keenidooda sabab u noqonno Alla ka sokoow, oo noloshooda ciil iyo caro ku dhamaystaan , waxaan ka cararayo ma garatay, hadda anaga dhexdeena dadkaan iska dhalno awalba dhibka waa nalu ku hayay, balse reer abtiga ha ku caayaan oo ha ku fogeeyaan oo ha iska kaa dhowraan waa dhib, saddex magac Eebaan kuugu dhaartee waan ogahay inaan wiilkaygu Sagal oo kale heleynin, mid ay isku cidyihiin iyo mid kaleba, adi iyo Ugubna dad lala

xidido kuwa ugu fiican inaad tihiin waan ogahay ee ilmahas dhalan doona illinta ka daadan doonta ayaa i hortaagan”.

 

Warfaa ayaa aamus yar ka dib yiri:

“Kadiye aduun waa isbadalay in kastoo dad uusan wada fiicnayn, haddana wax badan ayaa is badalay, waa la ilbaxay sidii hore waa la dhaamaa, diintii waa la bartay …….”

Kadiye ayaa ka dhex galay oo yiri:

“Culumadaan kuwii hore wax ma doorshaan, kuwii horaaba ila roonaa oo warkoodu bannaanka yaalay, diinta labartay oo aad sheegayso sow tan dadka lagu bireeyo maaha, sow tan Soomaali oo wada muslin ah lagu yiri intiinna badan gaalaa tihiin maaha, wadaaddada inta badan sow maahan kuwa na leh xaaraan ayaa dadku kuwada dhasheen, maantana qof walba gaal ku sheegaya, hadalkii ayaan kaa dhex galee warka ii wad, waxaan ka xanaaqay diinta sida loogu tuntaye”.

 

Warfaa ayaa yara qoslay oo yiri:

“Waan aqaan markii dhinaca diinta laga hadlo in dhiigu ku karo, hase yeshee dhibku dhinac walba waa naga saameeyey ee Allaha na dhowro” hadalkiisii horena meeshiisii ka sii watay” Waan garan karaa waxaad ka hadlaysid anigaba illaa aan nin weyn ka noqday oo shaqo bilaaayay oo  la ii baahday horteed si kale ayaa la ii arki jiray, waana ciddiina aan la soo koray waxa la ii riixayay oo barbar ka xaraan ayaan ayaga u ahaa, wax badan ayaase is badalay, waan kugu raacsanahay dibad diidnimadaada oo aniguba ma jecli caruurtaydana lama jecli, wixii xun oo dhib wada fool ka fool ayaa loo abaaraa oo layska celiyaa, waana taan rabo inaan adiga iyo anigu dagaalkeed biloowno, horseedna u noqono dad badan oo wanaagsan, kuwa badan oo xunna ay tusaale u noqoto, aniga iyo adigana xil weyn ayaa naga saran sidaan dadkaan u toosin lahayn, dhaqankaan xun sidii looga gudbi lahaa, anigu Warfaa ahaan Alle ka fogaansho ma rabo iyo danbi, wiilkaas gabadhaas wax aan ugu diido uma jeedo, arrin aan ugu diido oo aan jirinna abuuri mayo hadda, saa maba jirtee, laabtana waan gashtay inaan labadaas la isku guurino, saan u jeclahay war kama haysid iyo saan dadkaas curdunka ah farxadooda u rabo ee isma kay hortaagteen, qorshahaygana haraati kuma dhufateen, waxaanse kuu sheegayaa Gallad waa nin weyn aniga iyo adigu isku mid ayaan u nahay, qof wax jecelna indho iyo dhago kale maleh qofkuu calmaday maahine, waan isku guurin buuqa haddaad badisana walaaltinimaddeenii ayaad illoowday, oo haddaan labadaba dhoofsho oo dibadda u diro ka waran?”.

“Maya maya, ilmahaygu dhib ay dalkooda uga qaxaan alle ima tuso, naxdin waxaa iigu filan ilmaha Soomaaliyeed ee rafaadku ku haysto qurbaha, gabdhaheenna gaal iyo muslin meel kasta lagu xoogayo iyo wiilasha la adoonsanayo, dalka siday ugu soo noqdaaana ay ku adkaatay, kuwii dalkooda ka didiyay allaha cadaabee”.

“Marka la’aantaa ayaan tashan una talin carruurta, Galladna caruur maahan waa nin weyn, in kasta oo aan hubo inuusan kugu caasinayn, taasna talada ku darso saaxiiboow”.

“War bal cawdu billayso sheydaankaan dusha kaaga soo dagay waa maxay sidaan u joognay, waanaageena iyo walaaltinimadeena ifka waxaan siisanayo oo ku badalanayo maleh, adna waa sidoo kale waan ogahay ee taas ha igu handadin,” oo kaftan ahaan uyiri “xoogna haddaan is galno waad ogtahay inaan laba laba raga u garaaci jiraye, arrintuse halkaa naga gaari mayso, Eebana nagama gaarsiiyee, imaqal”.

“Waan ku maqlayaa, ogoowna waagaad laba labada u dili jirtay raga lama joogo, da’ ayaa kaa daba timid”.

“Anigu waan isku diiday kuma oran igamana maqal ee ha i masabidan, waxaa ku tusinayay dhibka dhici kara, Warfaa ooddin ayaa igu taagan aan is iloowsiiyo, adiga saaxiibkeeya maahane aan cidkale kala sheekaysan, taas oo kale ayaan u diidanahay carruurteena iyo kuway dhalaan, intaas maahine wax kale ma jiraan, si sharaf iyo wanaag ku jiro ayaad gabadha noo siisay, si ka sii wanaag iyo sharaf badan ayaan kaaga guddoonnay ee gaajaa i haysee soo bax wax soo cunee oo qadada ku dul Sheekaysane, mise Ugub ayaad ka baqi adiga oo dharagsan haddaad guriga tagto?”.

“Waagii aan yar yarayn ayaan ninkii dariskeena ahaa ee guriga naga danbeeya daganaa hadal ku iri, markaas ayuu igu yiri war af xumidaa, waxaan ku iri sow Kadiye saaxiibkiis ma ahi, inta i fiirshay ayuu igu yiri laba cunug oo cirka laga soo tuuray ayaa tihiin, igana tagay, marka af xumida waan kugu aqaan ana waad i bartaye ku gula yaabi mahayo, lixdan ayaan ku dhawahay markaas ayaad i leedahay waad baqaysaa, ma baqayee waa xushmad, adiguba kaliga intaad baxdo maqaayad wax kama cunteen waan ogahay, anigaad igu daba ganban, Warfaa ayaa qado isoo siiyay oo aan ka diidi waayay inaad tiraahdid ayaad rabtaa, Eebana aan u mahad naqno laba oori oo rag oo dhan uusan haysan ayuu nasiiyeey, na mari anigaba gaajo waa igau dhagan tahaye”.

“Mahad allaa iska leh, rag waxaan ku dhaafnay oo kaga hormarnay waa labadaas dumar ah waan ogahay, ayagana allaha dhowro abaalkood ma gudi karnee.”

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply