CUTUBKA-13-AAD
KADIYE
Warkii ayuu sii watay kadiye asaga o oleh “Warfaa waxyaabaha dhacay qaarkood maskaxda qof fiyoow waa diidi inay rumaysato”.
Kadiye wuxuu uga sheekeeyay Warfaa dhacdooyin hore oo ay ka mid tahay, nin shiikh ah oo kitaab u meerin jiray dad masaajid isugu imaan jiray, maalin ayaa markii uu dhameeyay kitaabka sharraxaadiisii iyo salaadii isku soo beegmeen, imaamkiina waa uu maqnaa, nin ayaa yiri shiikh salaada naga bixi, raggii meesha joogay ayaa intii badnayd diiday oo tiri, nin aan nasab ahayn salaad nagama bixinayo oo imaam noo noqon maayo, diintuna nasab dhiman inuu imaam noqdo ma ogola. Shiikhii ayaa ku yiri:
“Diintu sow taan anigu idin barayo maahan, ma anaa warkaas iyo wax la mid ah iga maqasheen, waa maxay diintaan kale oo sidaas qabtaa oo aad idinku haysataan oo aanan anigu aqoon, waxba diinta ha masabidanina waan isnaqaanaaye Soomaali ayaan ogolayn dhaha, oo dhaqan xumo iyo aqoondaraad ku diideene diinta yaan loo gafin, Eebihii nawada aayuuray waxaas iyo wax la mid ah kama suuroobaan iyo inuu dadkiisaa kala faquuqo ,ee yaan la masabidan oo Alle u towbad keena.”
In kasta oo dadka qaar u riyaaqeen hadalkii shiikha qaarna ay is moodsiinayeen oo dad aan maqalba warka shiikha iska dhigayeen, haddana muran dheer ka dib waxaa laysku raacay inuusan noqon Karin imaam oo dhaqanku ogolayn.
Waxa uu uga sheekeeyey ninkii naagta guursaday markii dambana ayada oo uur leh xoog looga watay, marmarsiiyana laga dhiganayay, markii hore waa isla baxsadeen oo meelay isla aadeen waa la waayay, cid isku dartayna ma lahayn, masaafaduna waaba xaaraan, kay dhashay iyo kan ay caloosha ku sidana waa wacallo oo diin kuma dhalan sidaa darteed mar asagoo la baxsaday marna uu nassab dhimman yahay gabadhu kuma xirna, wiilkii ay u dhashayna bartii ayaa looga tagay, ayada oo barooranaysana ayaa xoog lagu waday, wiilkii yaraa oo ka daba oynayana xoog ayaa looga reebay, ninkii qabay sidii loo garaacayay mayd ahaan ayaa looga tagay, ilmihii ay caloosha ku sidayna laga soo riday markay carradoodii tageen, dadka qaar waxay leeyihiin dhex intii la sii waday ayaa caloosha laga garaacay oo ayada oo dhiig baxaysa oo isku dhiman rabta ayaa isbitaalkii la gaarsiiyay.
Waxuu u sheegay tii asaga ku dhacday oo uu yiri:
“Anoo yar oo dugsi quraan dhigta, waad aragtay reer miyiga meel ayaa dugsi laga oodaa, reeraha aaggaas dagan ayaa caruurta wada geysta oo mar mar laga yaabo in ilmuhu laba saac u socdaan dugsiga ama ka badan, maalin ayaa nala yiri cid meel kore dagan ayaa Alla bari qabta marka ardada oo dhan xagaas ayaa loo wadayaa si ay quraanka u subciyaan oo cidda loogu duceeyo”
“Casir liiqii ayaan dhammaanteen wada baxnay macallinkiina na hor qaaday, maqrib ku dhawaad ayaan tagnay gurigii, markii la tukaday ka dib waxaa la bilaaayay subicii, kuray yar ayaan ahaa laakiin quraanka aad u yaqaan, qayb libaax ayaan ka qaatay, markii subicii la dhameyey oo cunnadii oo saxamo waaweyn ku jirta la keeni rabo, ayaa afar afar isugu leexda la yiri, affar aan anigu ku jiro ayaa isku bayrtay, gaajada i haysay cunada carafteeda ayaa i qaaday oo maa la keeno ayaan is lahaa, markaan arkay suxuunta hilbaha ah ee la soo wado waan farxay, saan uumati ma cunin tan iyo saakaye, intaan cunadii naloo soo dhigin ayaa nin ii yimid oo igu yiri kaalay adeer adiga saxan kaagu waa gaare oo gacanta i qabtay korna ii kiciyay, anoo hadlin ayaan warkiisii yeelay oo istaagay, waayo waxaan maqli jiray ajiyi gabooyo kama naxdo umana naxariisato, saas ayaa baqdin ii gashay oo aan warkii ninka war uga soo celin waayay, markaan sii istagayo ayaa wiil aan saaxiib ahayn oo aan isku loox ahayn yiri, adeer daa annaguu nala cunayaaye, aamus waryaa ayuu yiri waana i waday meel gees ah oo dadka ka go’an ayuu i fariisiyay kaligay, saaxiibkay murankii markuu badiyay iyo maxaa Kadiye noola cuni wayay ayaa macalinkii dugsiga noo dhigayay wuxuu ku yiri dadka nassabka ah lama cunaan dadka gunta ah ee nassab dhimmanta ah ee waxba ma ogide aamus cunnadaada cun”
“Waxaan maqli jiray oo aan la yaabi jiray balse aan isoo marin ayaan habeenkaas arkay, farxada iyo qosolka la i tusi jiray inay been ahayd ayaan arkay, nalama sinnid in la i yiri ayaan arkay, doofaarka najaasada ah si aan loola dhaqmin ayaa layla dhaqmay, macallinka quraanka ayaa iigu darna, dugsi danbe in aanan aadin ayaan go’aansaday oo gurigeena aanan dhaafin”
“waxaana ku shallaayay maxaad galabta u soo raacday, haddii ay kaa soo tagi lahaayeen haddaa gurigii ayaad joogi lahayd, waxna waad cuni lahayd dhibkaanna kuma soo gaareen iyo caydaan, waxaan is iri bax intaan cunnada la ii keenin oo gurigiinii aad, hadana waan baqay meeshu waa meel bahal daban, saxan yar ayaa xoogaa cunna ah laygu keenay oo hortayda naagi dhigtay oo markay gadoon damacday aragtay inaan ooynayo markaasay igu tiri:
“waxba ha ooyin hooyo, iska samir Ilaah waa ujeedaa wax walba anigu qof dumaraan ahay wax yalahaas wax kama aqaano, dumarna warkooda cidi ma dhagaysato, balse waxa lagu kacayo inaysan fiicnayn waan u jeedaa ee rag iska dhig caloosha adkayso, tan iyo saaka afkaadaad qabtaaye cun waxaani maalin uun waa dhamaane” igana tagtay”
“Markii hore cun isma lahayn ee hadalkii naagta iyo anoo tan iyo saaka qadsanaa darteed ayaan iska cunay cuntadii, si ay u dhadhamaysay cunadu ma aqoon, waayo waxaa is dhex galay ilmadii iga socotay iyo cunnadii, wixiiba dhanaan ayay isla noqdeen, markii aan dhargay ayaan dhinac isku dhigay bartii aan ku cunay aniga oo ka baqsan haddii meesha dadku seexanayo aan tago in hadana layga cayrsho oo meel gaara la ii bixiyo, dug ayaan iri meeshaydii, islaantii ayaa ii timid oo tiri kakac meesha oo inta i waday geed duggaal leh i ag seexisay marana i huwisay, macallinkii galabta isoo waday qof aan la socon oo uusan aqoon ayaaban u noqday, oo marna inta ii yimid war see wax kuu yihiin ima oran, dadka kalena warkoodaba daa, daalkii badnaa iyo ciilkii hurdaan la dhacay, miyir waxaa iigu danayaysay inta aanan seexan anoo laabta iska leh, Ilaahay muxuu dadkaan kaliya u abuuri wayay oo haddaan la sinayn idinka iskaga kiin dhaafi waayay, shinbirka galayrka ayaan jeclaa waxaana is iri haddii ilaahay galayr kuu uumi lahaa dhibkaan kuma jirteen manta, xor meeshuu rabo aada, waxuu rabo sameeya ayaad ahaan lahayd, dadkaan oo dhanna waad ka sarayn lahayd, lagumana ciileen’’
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply