CUTUBKA-13-AAD
KADIYE
Markii dumarka xaafadu haasaawaha ku haysteen kabiska guriga, Warfaa waxuu u sii socday dukaanka Kadiye oo kiisa u dhow, salaanta markay is weydaarsadeen oo uu fariistay ayuu yiri:
“See tahay? Dhuuxeey iyo caruurtiina ka waran?”.
“Aad ayaa loo nabad qaayaa ee adigu bal waran Ugub iyo caruurtii see yihiin?”.
Alle mahadii wax dhiba majiraan ayuu ugu war celiyay, halkaas ayaana sheekadii ka bilaabatay, waayo waayo iyo beri samaadkii dib ugu laabteen,
markii cabaar la sheekaystay ayaa Warfaa weydiiyay
“Wiilkii agoonkaa ahaa dugsigii ma u heshay?”.
“Maalin dhaweyd ayaan waxaan tagnay dugsi lagu xaroodo oo Islaami ah oo caruurta agoontaa la geeyo, wadaadkii maamulka hayay waxa uu noo sheegay inaysan wiilka wax kaalmo ah u hayn iyo waxbarasho, markaan weydinnay see ayay ku dhacday ,meeshaan waxaa nala ku yiri agoonta tabaalaysan ayaa lagu daryeelaye, is qorniinkiina waa socdaa Ayaan maqalnaye, shiikhii waxuu nagu yiri waa run meesha agoonta taakullayn tooda ayay u furan tahay, deeq Eebbe dad walaalaheena nooga soo qaaday ayay ku dhisan tahay, balse buuqii ayaa batay iyo is qabqabsigii iyo is eedayntii, marka waxaan door bidnay in beel ahaan aan u shaqayno oo madarasad walba ninka maamulka ka hayaa beeshiisa aqbalo, marka wax idin ka halaabi mayaan ee qoloda aad tihiin madarasadooda taga inshaa Allaahu waa idiin hagaagi wiilkuna waa helayaa wax barasho iyo hoy, waxaan ku iri shiikhoow ninkaan beshiisu meel lahayn ka waran, xagee la gayn agoontiisa,, Ilaahay subxaanahu watacaalaa waxba kama daahsoona faraj asagaa u furi bi’idni llaahi kariim, laakiin habkaan ku dhaqanno waa habkaas, imaatinkiinana shukaran jassaa kumu llaahu khayran, waana naga dhaqaaqay annaga oo bartii taagan.
Warfaa ayaa yiri markaas.
“Ha hodmin Kadiye dalkaan ninba maqaayad ayaa u furan, sidii uu rabo ayuuna u maamusha, waxa maanta laguu diiday magaceena ayaa lagu soo qaaday cid ay wax ka siiyaana maleh xataa tolkood, wax yar oo ay carabta tusaan, tolkana isaga aamusiyaan weeye waxay sameeyaan, dhowr dugsi iyo dhowr arday ah bes, oo beel ahaan lagu qaybsado, mid maanta wax u soo dagayaan oo baabuur cad ku socda ayaad arkaysaa, bila gudohood ayuu dhaqaalahaas fataha badan ku helay, ma circa ayaa lacagtu uga soo dagatay, waa maya, marka ayaga iyo Ilaahood”.
“Waaban iska dhaafay”.
Warfaa ayaa bilaaayay in uu ka hadlo arrinti uu u yimid oo yiri:
“War ma ka haysaa in Gallad iyo Sagal ay nuxnux hoose wadaan ayaantaan”.
“Waan maqlay arrintaas walise mase weydiin, inaan weydiiyase waan ku tala jiray, waxaan kaloo maqlay inayba gurigaaga isku shukaansadaan”.
“Gurigu waa gurigisii oo kama baxo waana ogtahay Gallad in uu wiilkayga oo kale yahay, shukaansise ma aqaan, habeen dhaweyd ayaan mid falani war igu tuurtay, warkii haddaan u sii dhabba galay oo caruurtii weydiiyay waxaan ogaaday inayba tashi guur ku jiraanba, waxayna igu yidhaahdeen waan soo soconay si labadeena nala kugu sheego”.
“Kow” Kadiye yiri asagoo yaaban
“Khayr ayay noqon ayaan iri, waxaan aad ula dhacay dhiiranaantooda iyo siday runta iigu sheegeen”.
Kadiyaa markaa yiri:
“Yaab” oo inta kursigii dib isugu jaleecshay yiri:
“Maxaad ku talisay marka”.
Warfaa ayaa inta si fiican u neefsaday yiri:
“Gallad nin ka fiican oo gabadhayda aan siin lahaa ma jiro”. Kadiye ayaa hadal damcay, waxaase ka booayay Warfaa oo yiri:
“Waxaad ku fakarayso waan garan karaa, waxaas wax kama jiraan, gabadha anaa dhalay oo waa gabadhaydii oo xilkeeda iyo xarragadeedaba anaa leh, Galladna adaa ii dhalay oo waa wiilkaygii oo kale guurintiisa iyo hagaajintiisa wax ayaan ku Leeyahay, waxa kaliya ee aan kuugu imid waxay tahay caruurtaas is jecel ee hiyi kacday in aynaan niyada ka jabin, waxaan qabaa wax kasta waxaa nooga horeeya farxadooda”.
“Anaaba kadis igu heshay Warfaayoow wanaagna waan kaa filaa markasta,” oo inta kursigii uu ku santeecsanaa horay uga soo durkay yiri:
“Warfaa niman saxiibo mudo badan ahaa ayaa nahay oo walaala ah oo meel ku soo wada koray, runta markaan u hadalo nin fiican inaad tahay waan ogahay, caad igama saarna cadayn tii u danayaysay inaad wanaagsan tahay arrintan ayaa markhaati u ah, hase yeeshee waxaan ku diidayaa waa dadka aan ku dhex nool nahay, waa taqaan siday yihiin, diin xumidooda waad taqaan, dhaqan xumidooda waa taqaan……” Warfaa ayaa ka dhex galay oo yiri:
“Intaas aad sheegaysid waan la socdaa hase ahaatee dhaqan xun waa laga gudbaa, wixii Alle necebyahayna waa laga tagaa, maanta haddii tusaale wanaagsan oo la raaco aynaan dadka u noqon, goormaa laga baxayaa dhaqankaan qurunkaa oo dadkii kala dilay?”.
“Taas waan la socdaa oo wax kasta biloow ayay leeyihiin, ee waxaa ka baqayo ma aadan garan Warfaa, kuwaan is guursanaya maahan ee waa kuwa ay dhali doonaan wareerka ku imaan doona, nolol sideeya ayay ku noolaan doonaan, hadday dalkaan ku dhashaan oo ku koraan, waad garan kartaa ayaan u malayn ee dal gaalo miyaan gaynaynaa ha ku koraane, Soomali haddaan nahay gaalada ayaa na cadaalad dhaanta oo nolol qofka u ogol, waana wax laga xumaado anaga oo diin tii u wanaagsanayd haysana in gaal naga cadaalad fiicnaado, wax badan ayaan ciil soo arkay amaba soo aragnay bahdeena oo dhami iyo Soomaali badan oo nala mid ah, hadana dalkaan waa dalkaygii aniga iyo kuwaan dhalay iyo kuway sii dhalaan in aan meel kale ku noolaano ma rabo, kanaan ku dhalanay kuna dhiman doonaa, wax iga barakiciyana ma rabo, dhib inta nala ku hayo hadda ayaa nagu filan ka badana ma rabo”
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply