BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-22  

 

CUTUBKA-12-AAD

XAN FUDUD

 

 

 

 

“Adiga kuma oran wax baad xamataa, afkaygana sooma marin, ee caado dumar ayaan ka hadlayay” ayay tiri Muslimo kuna dartay “Naag aan waxa uurkeeda ku jira run iyo beenba aan sheegin oo dumarka kale la qaybsan, naagba uma aqaan anigu”.

hadalkaasna waxay ku duraysay Ugub oo inta badan aan la fariisan dumarka mar mar maahine hadday la fariisatana xanta iska dhaafa ku tiraahda, Muslimo magaceeda runta ah maahan, cid u bixisayna lama yaqaan, waxaase loo badiyaa in ayadu naynaastaa suuqa gashatay, hubaalse waxaa ah in ayada iyo naynaasteedu aysan isku qalmin, warka iyo isku dirka aad ayay ugu dheeraysaa, waxay ku faantaa in ay waaya arag ku tahay sida guryaha loo bur bursho oo labada is qaba laysugu diro, waxay tiraahdaa daqiiqad kaliya ayaa igu filan oo aan naagta la hadlo si aan ninkeeda ugu diro, dad ayay sharad kula gashay xaaska madaxweynaha ma i tusi kartaan, inaan kala furaan idin tusiye ayada iyo madaxweynahee, ama aan dowladdaba anigu u taliyo oo warkaygu socdo anigoo ayada adeegsanaya, war wuxuusan kugu daalin Muslimo waa Ibliis garab waayay ee mar horey kala diri lahayd dowladda iyo golaha wasiirrada iyo baarlamaankaba.

“dadka faraha ka qaad oo nabad gali” ayaa

Mayran ku tiri,

“Cid aan faraqa ku dhaganahayba uma jeedo” ayay ugu hadal celisay oo inta istaagtay tiri “Idin daayay oo idin ka tagay haddaad khayr isku haysaan”.

Xaaran oo sanka bololinaysa ayaa inta fiirisay ku tir:

“Sii soco macaanto, Soomaalidu waxay tiraahdaa balo markay kaa maqan tahay mus Islaameed ayay ku jirtaaye, kolley meel kalaad busta ka kicinaysaaye, nabadeey”.

Muslimo intay fiiro yasida fiirisay Xaaran ayay tiri:

“Naa sow taan aqaanay ma tihid waxba wadaad hayskaga kay dhigin, naarta meesha lagaa gaynayo Eebbe igama geeyo” dhaqaajisayna.

 

“Warka waxa keenay waa ayada, maanku ha ka guuree, doqontaana waa u jiibinaysay ilayn waxba ma kala ogee” ayaa Xaaran tiri markii Muslimo tagtay, ayada oo gacanta ku fiiqaysa Canbaro aragtayna in Cambaro war soo wado, markaasay tiri:

“Naa hadal adoon is dilin, Bismillaahi, xabadku kuma xanuuno miyaa xabad ku xoog badanidaa” intaysan warka dhmayn aya Canbaro is garaacday oo tiri:

“Bal Musllin alloow aflagaadada iyo nabsiimadaas eega, Ilaah waxaan ugu mahdinayaa inaan warkaaga cidi qaadan, saa waa lagu yaqaanaaye naag toora tooruhu go’ay ayaa tahay oo dheeli tirkii hadalku ka dhumay.”

Ugub ayaa soo dhex gashay oo tiri:

“Naga daayaa warkaas iyo is qab qabsiga cida aan hada haysto malehe, waana run gabadhayda hadii la soo doono ceeb maahan, Gallad nin ka fiicanna uma heleen ee warka kale oo meesha yaalaa waa maxay?”.

“Waa run war kale majiro oo meesha yaal, balse dad ayaan ka maqlay is kuma xirmaan oo nikaaxu iskuma qabto” ayaa Xaaran tiri

“Maxaan idin iri nagtaan hadalkeedu qabasho maleh sow idinma oran? waa la hadlaaye hadal weeye garaadkeedu” Canbaro tiri

“Afka ha i goosan waxaan maqlaan sheegayaaye anigu, santuuq maahi wax lagu qariyee”

“Oo haddaa ma nacas iska hadashaa tahay oo warkeedu soohdin lahayn, heedhee waxbaa layskula haraa” ayaa Mayran ku tiri.

Ugub ayaa soo dhex gashay kuna tiri:

“hadda dood uma joogno Xaaranna waxay maqashay uun bay sheegtay, sideedana in wax la qariyo waa laga fiican yahay, runtu waa nasiino aan dad badan ogayn, in warkaas aniga iyo qoyskayga laga sheegayo in uu jiro anaaba og, ee dan iyo heelaan ka lahayn, markaad qalad ku jirtid ayaad hadallada ka gubataa balse qofku hadduu toosan yahay hadalku ma dhibo, mana gubo, gabadhaydana nin wanaagsan oo xushmad badan oo diinta ku fiican ayaan Alla uga baryi, Gallad hadduu noqdana kaba sii fiican hadal dad iyo qabiil kuma jiro, raali ahaanshada Eeb ayaa wax kasta igala weyn iyo laba jacayl isku guursada kuna wada jooga”.

Xaaran ayaa soo dhex gashay oo tiri:

“Sidii heestu tiri jacaylkeenaa ka weyn ,waa run wax walba jacaylkaa ka weyn, jacayl la’aan waa nolol la’aan iga qora taas aniga, qofku jecel markaad haysato ayaad dareentaa inaad nooshahay, aaaaaah ilaahow Jannada kaa waaraabi, iftiin ayuu ii ahaa, hamigaygii noloshuu ahaa, indhahaan wax ku arkayuu ahaa, maalintuu dhintay ayaan mugdi galay, Eebbihii abuuraase oofsaday, alxamdullillaahi.”

“Bes dheh dee calooshaad na hurisee, jaamc waa naga wada tagee Weynuhu ha u naxariiste”. Ayaa mayran tiri.

 

Xaaran waxay ahayd xaaskii Jaamac, ayaduse waxay leedahay weli xaaskiisii ayaan ahay in kastoo uu dhintay, nin kalena gadaashii waa diiday, saddexda caruura oo Eebbe kala siiyay ayay korsataa oo hadda weynaaday, qalbigeeda maalin kama uusan maran, waxayna ku nooshahay xusuustiisa, waxayna laabta gashatay in jacaylkii jaamac oo kale aysan arkayn, xushmadii iyo farxadii ku xayndaabnayd noloshooda oo kale in aysan helayn, in kasta oo wax badan guurso la yiri haddana waa ka dhaaratay, markay kaligeed tahay oo ay soo gocato wanaagii Jaamac ilmadu waa soo dhaftaa, ma jirto salaad ay tukato oo aysan ku ducaysan Ilaahoow ooridiisii jannada iga yeel. Wax yar hadii la amusnaa ayaa Ugub tiri:

“Waa sax hadalkaas, wax walba jacaylkaa ka weyn ee Eebbe khayr ha kala siiyo labadii is calfata, danbi Soomaali maara uma hayo, Ilaahay ayagana wanaaga ha tusiyo oo coloolahooda isku fiyoobaysiiyo, dhaqankaan xunna naga ayaabi’iyo”.

Sidii ay is ogaayeen ayay hal mar wada yiraahdeen.

“aamiin”.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply