BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-21

 

CUTUBKA-12-AAD

XAN FUDUD

 

 

Maalintii Warfaa uu la hadlay Gallad oo dareen ogolaansho uu u muujiyay maalintii ka danbaysay arrinta labada is jecel xaafada ayaa lagu wad waday, ayada oo warkiiba loo badalay in wax kasta dhammaaden oo arooskii mar dhow la dhigayo, toddobaad haday ugu badato ay ka hartay.

Sidii caadada u ahayd dumarka xaafadda bar kulankii ayaa casirkii lays kugu yimid, maantase maalmihii hore waa ka duwan tahay oo nux nux ayaa socota, laba laayaa afka lays kula jiraa, markii Ugub guriga ka soo baxday warkii waa joogsaday, ayada oo aan weli fariisan ayay tiri:

“Maxaa loo aamusay, warka maa la wado mise waan idin ka qasay”.

“Mayee sheeko caadiyaan wadanaye soo dhawoow oo soo fariiso”. Ayaa mid tiri,

Markay fariisatay walina la’aamussan yahay ayaa warkii waxaa bilowday Xaaran oo wax la qariyo aan aqoon, warkana runta ka sheegta waxayna tiri:

“Maxaad la aamusan tihiin, markii ay maqnaydba waad haysateene markay timid maxaad u aamusteen ma baqdeen?”.

“Qofka la heystay ma anigaa?” ayaa Ugub tiri

“Haa” ayaa Xaaran tiri kuna dartay “Aakhiro qof dhinaca ii galaya ma leh”.

Waji gabax hadday tagtay arrintii, lana is hor fadhiyo ayaa Cambaro tiri:

“Ugubeey wax kale maahine waxaan maqalnay in gabadha Sagal ah la soo doonay, intaas ayaan isku keennay maahine wax kale maahan”.

“Cid hadda soo doontay uma jeedo, haddiise la soo dooni lahaa sow gabdhaha lama dooni jirin, taasi wax cusub maahan ee warka runta ka sheega, waxaad isku keenteen sow maaha gabadhii Ugub nasab dhimman ayaa guursanaya, waxa xaafadda meeraysanaya war waan ogahaye”.

“Afkaaga caano lagu qaayay Ugubeey”. Ayaa Xaaran tiri

“Saas maahan ee waxaan isku keenay hadii gabadha markii hore sida gabdhaha kale loo gudi lahaa saan uma dagdagteen oo ayada oo yar salka kama kacdeen”.

Ugub ayaa inta fadhigii qaabaysatay tiri:

“Horta dad is yaqaan oo walaalaa ayaa nahay, in aad warka igala gambataan maahan, arrintaan uurkiina ka guuxaysa mid ayaan idin ka leeyahay, tan gudniinkana mid ayaan idin ka leeyahay”.

Xaaran ayaa u jiibisay oo tiri:

“Midba”

“Waxaan idin weydiinayaa gudniinkan aan caadaysanay xagee ayuu ka yimid ma taqaanaan?”.

“Fircoon ayaa keenay ayaan maqlay meel xun ha ka baxe” Canbaro tiri:

“Fircoon kumuu ahaa ma taqaanaan?”.

Xaaran ayaa tiri:

“Xaaraanku waa kii Ilaahnimada sheegtay”.

“Haaa, marka sow ma ogidin qofkii fircoon warkiisa raacaa in uu yahay qof ilaahnimo u qiray?”.

“Bismillahi Raxmaani Raxiim, Ugub naa ma walaatay, cid kaas Ilaahnimo u qiraysa maleh waaba gaalnimee” ayaa Canbara tiri ayadoo dhawr dharayaaxyo xabbadka iskaga dhufaty. Mayran oo amusnayd ayaa hadalkii soo gashay oo tiri:

“Wallaahi warka Ugub waa war weyn oo sax ah, oo waligayba saa uma fiirine, wadaadada waxaan ka maqlay in diinteenu aysan ogolayn gudniinka fircooniga oo Rasuulku “scw” uu yiri “nacaladi ha ku dhacdo qofkii gabadha quruxdeeda iyo raaxadeeda wax u dhima oo kala gaasira” ha la sunneeyo gabdhaha dhiig yar ha laga keeno, waxayba wadaadada qaar leeyihiin waaba loo dhaafi karaa gabadhu say ku dhalatay, marka soo jid maahan qofkii nabiga iyo diintu waxay tiri diida oo fircoon warkiisa yeela in gaalnimo lagu tilmaamo…” Canbaraa ka dhex gashay hadalkii, sidii caadada u haydna jugta isku haysa oo tiri:

“Subxaannallaah, war bal daya, oo hada ma gaalaan nahay gudniinkaan waligeen ayaan ku dhaqmi jirnee, waa war cusub, qofkii ifka joogoow maxaa wax maqlid kuu laaban”.

“Wixii aqoon daro kuu gayso dhib maleh Eebana waa kaa dhaafi, wixii aadse bareer u samayso abaalkeeda waa lagu marin, shalay dadkeena dhaqan ku adayg iyo gabadhaha saanaa u roon iyo aqoondaro ayaa nahaysay, maantase wadaadadii ayaa wada sheegaya in aan lagu dhaqmin gudniinkaas oo uu xaaraan yahay, shalayna wadaadadii joogay dhaqankii ayaa ka xoog batay oo kii runta sheega dayruuba ahaa, marka qiil noo banaynaya ma leh, marka qofkii ku dhaqaaqa gudniinkaas waa muslin ma dhihi karnaa Canbaro?”.

Canbaro intay dibnaha xoog iskugu keentay, farahana taagtay ayay tiri:

“Anigu wareeray, waxayse ila tahay inaan wadaadadu aysan masabidanayn Rabbi iyo Rasuul, oo waa xaaraan haday dhaheen ay xaaraan tahay, “u u u u” Eeboow na cafi”.

“Naa Maxaad la wareeri, “u u u u” ku lahaa, warku waaba cadyahee ama fircoon raac ama Eebihii ku abuurtay raac, warku waa intaa, war qoftu see tahay” ayaa Mayran ku tiri, kuna dartay “oo dhaqtar ayaaba waxa uu igu yiri ummul raacashada inta badan waxaa keena gudnninkaas, cudurro badana waa keena sida infekshin iyo waxyaabo badan oo aanan garanayn oo uu ii sheegay”.

 

Waa la aamusay qaar ayaa hoos danbi dhaaf Alle weydiisasho galay, qaarna waaba yaabbanyihiin, kuwa kalena dibnaha maroojiyeen si ay diidmo u muujiyaan oo warkuba sheeko baraleey ula muuqdo, hadalkii ayaa waxaa bilaaayay Canbaro oo ayadu dhab iyo dheel si wax yiihiin iyo si wax u socdaan kala garan la’ oo tiri:

“Haddaan gabdhaha iska dayno oo aan saas aad sheegaysid ku dhaafno sow jidadka lagu fuul fuuli mayo, ilayn isma ilaalin karaan markaase”.

“Kuwaan jar jarnay oo tol tolnay sow maahan qaarkood kuwa hadda jidadka lagu fuulayaa, maxaa la soo kordhiyay ii sheeg, raaxadoodii

waa lagu ciyaaray, caafimaadkoodii lagu dheelay, warkii Eebbana waa la gees maray, hadana waa kuwaas qaarkood suuqa ku jiraan,” oo hadalkii sii wadatay Ugub oo tiri: “Warkaan gudniinka waad igu maaweelinaysaane oo kii kalaad igu iloowsiinaysaane, waase fiicneyd inaan ka hadalno, ee gabadhayda hadalkeeda maxaa fadhi ku dirirka xamashada keenay, dad intaa is yaqaanay ayaa nahaye intaad ii timaadan wax ma i iweydiin weydeen”?.

Muslima oo aamusnayd oo inta badan aaban hadlin, balaayase la aamusan ayaa tiri:

“Dad hoos ka cunida waan isla wada naqaan, wax dheeriyana anagu hada ma samayn, xan fudud uun ayaan meesha ku haynay, raalina ahoow haddaad ka xumaatay”.

Ugub oo yara xanaaqday balse aan muujinayn ayaa tiri:

“Naa ma anaa dad kula xanta?”

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply