BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-20

 

CUTUBKA-11-AAD

BANDHIGGII JACAYLKA

 

 

Gu’geedii toddobo iyo tobnnaad ayada oo kabbiska gurigooda hor  fadhida goor fiid ah, ayaa waxaa ku soo leexday Gallad oo meesha marayay waana uu la fariistay, sidii ay horeyba isugu taqaanay dareenkii mar walba gali jiray markay aragto ama maqasho asaga ayaa ku biloowday, waxaa ugu daran calaalaha dhididku wada qooynayo oo aysan marka kale isku arag, rayn rayn culays Watada, ma ku durugtaa aad dareentitd kulaylka jirkiise oo ay is dhahdo, waxay ku hammisaa meeshay rabto ha ka dhacdee xabadkiisa isku tuur, barkin ka dhigo, asna gacmihiisa xoogga badan ha ku huwiyee, macaanoow waan ku jeclahay ku dheh, waxyaabo kale oo isbadal ah oo ay aad ula yaabto oo ay isku aragtayna waa jiraan,

 

Sheeko ayay Meeshaii ku qabsadeen, inta sheekadu socotayna siduu isku yaqaanay asna naftiisa ayuu guuayaabo ku wadaa iyo dhiirri galin, hadal doqon yahow nin ayaa Alla kaa dhigaye, waxa uurkaaga ka guuxaya banaanka soo dhig, jacaylkaan kaligaa ku daashaday dibada u soo bixi, sidaad u jeceshahay ayaduba waa ku jeceshahay oo waad ka aragtaaya, balse waa dumar waa xishoone ee Allaa rag kaa dhigee afka furo, wax waliba soohdin ayay leeyihiin intaan ka badan ma qarin kartid jacaylkaaga, waxaad qarsataa waa ku qarsadaan, caawa waa kala bixii

 

xagee ayuuse hadal ka bilaaayaa gabar walaashaa oo kale ah jecloow waa murug iyo yaab, tan la dhalatay waxba ugama duwana, haddana wadnahaan waa uu u talin waayay, iskiis ayuu isku maamulayaa, asaga oo dhan ayuu maamulayaa, in badan ayuu isku dayay inuu maanka ka saaro, maankuse waa uu diiday Sagal maahine ma qof kale ayaa jira, go’aanka wadnihiisa eek ama danbasta ah kaas ayuu ahaa, garaadkiisu waxa uu kula doodaa haddaad taan rabay iga dheeraysid xaggee ii wadaa, maskaxdu markay arinta rogrogtaba muuqaalka sagal maahane wax kale ma aragto, naftu ayaday u nugushahay oo meel kale ku nasan mayo ayay u sheegtaa, indhuhu waxay daawadaan ayaday ugu jecel hiyiin una qurxoon, dhaguhuna waxay maqlaan codkeedaa u macaan, luguhu intaas na kaxee ayay ku hayaan, aadideeda kama daalaan, gacmuhu intaas waxay ku tallamaan goormaad taaban dusheeda xariirta ah oo salaaxi doontan, afka mac sii ayada waxaan ahayn kuma hammiyo, dumar kale inuu lahadlo maba rabo, wuxuu samayn lahaaba Gallad maanta waxaa wada oo ka awood badan waaxyaha jirkiisa oo wadnuhu horseed u yahay.

 

In door ah markay sheekaysanayeen ayuu yiri, caawa arrin ayaan raabaa inaan kuu sheego ee ha ila yaabin hana qoslin, ma waalli, waan miyir qabaaye, waa maxay arrintu ayay weydiisay, see ugu sheegtaa intuu is lahaa ayaa afkii hadalkii ka xaday oo la soo booday:

“Waan ku jeclahay Sagal, waligayna waan ku ku jeclaa”.

Ifka waxay maqasho eraygii ugu macaan badnaa ayuu ahaa eraygaas, wadnuhu inuu uurka ugu dhacay ayay u maleysay, imisay sugaysay inay afkiisa qurxoon ka soo baxaan hadallo caynkaas kaas oo kale ah, samraa ayaa sadkiis hela waa run, ilmaa indha ka qoysay, hoos ayay fiirisay oo garbasaarta isaga tirtay.

“Sagal maxaa kugu dhacay ood la ooyn?” ayuu yiri.

Ayadoo weli hoos u jeeda oo ilmadii tiri, ayay ku tiri:

“Rayn rayn ban la oyn iyo riyadayda i rumoowday” oo inta madaxa kor u soo qaaday oo eegtey ku tiri:

“Malaboow, aniguba waan ku jeclahay, tan iyo maalintan garaad yeeshay adaan ku eeganayay”. Ma qaylisaa oo dadka ma isugu yedhaa rayn rayntaan ila qaybsada ma ku dhahdaa ayuu laabta iska yiri, ayada ayuu eegay, qurux badanaa Sagal caawa, foolkeeda shuban ee dhabannada yara kuusan leh, indhaha cadcad ee birta madoow leh ee daymada qurxoon, dibnaheeda madoow ee aad moodo bil dhalanaysa iyo bil dhacaysa oo lays  dul saaray, qoorteeda dheer ee cabayaadyaha leh, sankeeda dhirir iyo gaabni u dhaxeeya, midab keeda somaaliga ah, eegmadeeda dareen kaca leh, dhoolla cadaynteeda laab qaboojiska ah, anshaxa iyo wanaaga ay canka ku tahay ayaa intaa u sii dheer.

 

Habeenkaas waxii ka danbeeyay sheeko dheer iyo soo jeed ayaa u bilowday, waxay har iyo habeen ka wada sheegaysan jireen labadooda siin ee  gacan qaadka “mobile” fariimmo qoraallo aan dhamamaadka lahayn ee sida erayada macaan ee qalbiga u roon, dhambaalada jaceylka ay isku gudbiyaan, labaduba waxay ilaalo ka yihiin markasta gacan qaadyadooda ay ku wada xariiraan, markay isla joogaana dhago iyo indho aan ayaga ahayn maleh, dhulku hadduu dhinac ka soo dumo dareen uma leh, waa cusub ayaa labadooda  u baryay iyo nolol cusub, xaafadina waa la dareemay isbadalka labadooda ku yimid, wax weynse looma arkin, waayo waagoodii horeba waa isku lammaanaan jireen in kasta oo la kala baqi jiray, waxna laysku sheegan jirin, balse markasta labadoodu ma kala maarmin, socdaal dheer oo nolol wadaag iyo ka tashi aayatiin iyo dhisid jacayl dhidibo adag ayaa caawa u bilowday labadooda.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply