BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-17

 

CUTUBKA-10-AAD

SAGAL

 

 

Sagal maqrib markii la tukaday ka dib ayay soo fariisatay kabiska guriga ee banaanka, ayada oo og in mar dhow ay Gallad iyo Mahad magaalada ka soo noqonayaan, waxayna meesha u soo fariisatay caawa in ay labadooda isku qabato ayaga oo isla jooga oo arrin meel la saaro, jacaylkii gu’yaasha la soo waday waa inuu mira dhalaa, xilligii ay gacaliyaheeda baalka ka gali lahayd waa in la gaaraa, Sagal ma mooga dadku waxay hoos uga nux nux leeynayaan, balse warkeedu waa cad yahay, geed dheer iyo geed gaabanba waa u fuulaysaa inay hanato jacaylkeeda, hadda ka hor ayay ahayd markay isku dagaaleen ayada iyo Gallad markii ay tiri kaalay Daafeed aadnee oo is soo mehersano, ka dib ciduhu ha ogaadaan anaga oo is qabnee, markaas wax nala ka qaadi karo ayaa iska yare, Gallad waa uu garanayay halka hadalkeedu ku biyo shubanayo iyo warwarka ku jira Sagal oo ah ama laguu diidaa waa nasab dhimman oo ma guursaneysid la dhahaa, asaga qudhiisu ma moogayn dhaqan xumida Soomaalida in kastoo ilaa hada wax dhib weyna aysan ka hor imaan, sidii horena dhallin yarada inta badan aysan u garaad xumayn, balse cid ayay ka dhalatay Sagal, odayaal wixii laga tagay wata ayaa jira oo talada wax ku leh, waxaase wax kasta kaga darnaa oo jacaylkiisa kala weyn waa inuu Warfaa oo abihii Kadiye oo kale ah uusan daba mar ku sameeyn iyo gacan dhaaf, meelna waa ku jiifaa in aan Warfaa wax ka halaynayn haddaan cadaadiska reerihiisu ka xoog badin, waana uu hubaa asaga iyo Mahad inay adeer Warfaa isku mid u yihiin oo u siman yihiin. Ayadoo isla sheekaysanaysa wax kalena aan war ka hayn ayaa waxaa soo dul istaagay Muslimo oo ku tiri:

“Eedo maskaxdaadu ma joogto caawa, in dooraan ku agtaagnaa warba iimaadan hayn, ee ma dhib ayaa jira?”.

“Maya eedo wax dhiba maleh”.

“Waa garan karaa amuuraha jacylka waa isoo maray, hadana waa i hayaa oo igama marna,tan iyo intay naftu hanato qofkey rabtay bog hur dhammaan mayo, jacayl dhab ahise ma dhamaado eedo, la joogistiisa iyo hoos kaga jirkiisa xanuunkaa yaraan maahine wadnaha kama go’o, in yar markaad arki weydaba welwel ayaa kula darsi, waliba markii la isla nool yahay ayaa sii daran, markuu in yar kaa maqan yahay ba toloow ma soo nabad noqon ayaa ku gali, duco aan adiga mooyee cid kale maqlayn ayaa wadi manta oo dhan, Allow nabad keen, Eebboow dhib ha tusin, illinka markuu ka soo galo ayaa waa cusub kuu baryaa oo rayn rayn meel aad is dhigto weydaa”.

“Waaaaaw, eedo romantik ayaa tahee, waligay uma malayn inaad saan u tahay romaantik, islaan qaylo badan oo duqeeda madaxa ka cuntaan kuu haystay, raalina ka ahoow hadalkaygee”.

Muslimo intay tartiib u qososhay ayay tiri:

“Waxba maadan halayn eedo, runtiina waan jeclahay xaajigayga, balse rag lays kuma jilciyo, dushay kaa fuulayaan haddaadan gacan adag  iskaga qaban, adoo nool ayay ku duugayaan, dadnimaday kaa saarayaan, ragga Soomaalida dhulka layskuma dhigo, xushmad uma hayaan dumarkooda, waxayba u haystaan naagahu in ay yihiin muuq baahiyaha guriga u yaal oo kale, markay raabaana daarayaan markay raabaana daminayaan, qof asaga oo kala ah oo dareen leh oo wax raba waxna dhibaan inay yihiin dumarku umaba haystaan, warshad caruurta u soo saarta markay raabaana isku neefiyaan ayay naaguhu u yihiin, waa siday is leeyihiin ama noo arkaan eedo”.

“Labada qof in ay is maan gartaan ayaa fiican, oo qof waliba xilka saran ka soo baxo, intaas haddii la isla meel dhigo in wax ha laabayaan u malayn maayo, far kaliyihi fool ma dhaqdo mahoo, wadajir iyo is afgarad haddii lahelo waa ok”.

“Dadkiinaan yar yar waad naga duwan tihiin haddaan nahay da’deenna, malaha reer magaal nimada ayaa keenaysa ayaan u malayn, iyo wax barashada, xilligaan yaraa oo kale haddaad ku soo aadi lahaydeen adiga iyo gacaliyahaagu ma wada qososheen, maba is aragteen, dadku aad ayay u qaab darnaayeen, waan u bogaa markaan idin arko idinka oo isla socda oo wada qoslaya, waa nin wanaagsan Alalha isku kiin daayo eeddo”. Sagal waa yaabtay, Muslimada caawa Muslimadii aad taqaanay maahine see wax u jiraan, meeshay wax ka qarxin doonto waa xagee duqdaan aamin ma gashee ,yay uurka iska tiri.

Waxaa markaas soo istaagay Warfaa iyo Diiriye oo masaajidka ka yimid, Muslimo markay aragtay ayay inta xagooda u dhaqaaday tiri: “Culumo Alla, sow nabad maaha?”.

“Waa nabad, ee see tahay Muslimo?”.

“Waa nabad walaalow meeshaan ayaan aniga iyo Sagal ku haasaaweynaye, ninkii kula dhashay miyaa ninkaana?”.

“Haa”.

“Maashaa Allaah, waaba laydin kala jeexay”

Warfaa ayaa uurka iska yiri been badanaa.

“Bal adiga ii waran laysma arkin maalmahaane, odaygii iyo caruurtii see yihiin?”.

“Waa ladan yihiin, Alle mahadii” oo inta geesaha fiirisay hubisayna in aysan Sagal maqlayn tiri:

“Goormaa aroosku dhacayaa waan sugaynee, aan ka buraanburnee”. “Arooskee?”.

“Horta Warfaayoow nin muslin ah ayaa tahay oo Ilaah yaqaan, maanta nin kale hadduu ahaan lahaa waxuu odhan lahaa, ma anaa nasab dhiman gabar ku darsanaya, adiguse nin Rabbi iyo Rasuul yaqaan ayaad tahay oo dadku u wada siman yahay”, waxay fiirinaysay  markay  hadalka  waday  inta  badan Diiriyee oo ay rabtay in ay dhagaha ugu shubto, oo warku ku daadago, foolkiisana waxay ka dareentay inay la heshay halgaadii. Warfaa ayaa si miyira u yiri:

“Waxaad ka hadlayso maba garan Muslimo”

“Gabadhaada Sagal iyo ina Kadiye ayaan ula jeedaa, mise lama socotid ba in gabagabo arintu marayso, awal ayaa la yiri qof wax ogaada odogaa ugu danbeeya, Ilaahay ha isku daayo waa laba qof oo isku qalmee” markay ogaatay in fariintii ay rabtay ay gudbisay ayay tiri intaan midkood hadli,

“Dukaankaa layga xiranaaye nabadeey culima Allaay”. horayna u dhqaajisay.

 

Diiriye oo meel warku u socdo iyo meel uu ka socdo aan garan ayaa yiri:

“Maxay balayada ciddiyaha shaydaan ka lihi sheegaysaa?”.

“Warkeeda is ka daa, waa saad u sheegtay waa Ibliis xoolihiise”.

Markii guriga ay galeen oo fariisteen ayaa Diiriye yiri:

“Naagtaas cududada weyn warkeeda waxa baa ku jiree waa maxay Warfaa?, ma Sagal ayaa ina Kadiye guursanayaa adna aadan la socon”?.

“Walaaloow wax is guursanaya ma aqaan”.

“Ma gabadha iyo wiilkaa wax ka dhaxeeyaan”.

“Waa wada socdaan meelaha waan ka maqlayay, tan iyo caruurnimadoodii waa isbada socdeen, waa ilmo isla soo koray waxse intaa dhaafsiisan war uma hayo. Haday jirto waan ogaan lahaa”

“Walle Ibliisadaas warkeeda waxaaa ka jira, waxii la qariyo oo dhan naag ayaa og, waa xoolo shaydaan duulku”.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply